Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Shangaani ee dibadaha oo 2600
USD$ soo gaarsiiyay walidiinta ardayda Deg.dugsiga hoose /dhexe shariif
qulatayn
Sawirada Halkan ka daawo.....
Dugsiga hoose /dhexe shariif qulatayn wuxuu ku yaal qeybta sare ee
masaajidka sh:Axmed Shariif ee dhismaha ku xiga banki buursaciid xaafada
shangani Magaalada muqdisho :
dugsigaan waxaa la furay 1/9/07 waxaana dhigta 279 arday 90 gabdhoof iyo
189 wiil oo da.doodu ka yarthay 18 sano dugsigaan wuxuu ka kooban yahay
7 fasal manhajkiisuna waa kii hore ee uniceif iyo unisco wxayna ka
yimaadaan ardayda dhigata xaafadaha kala ah Shnagaani
,boondheere,C/casiis ,xamar jajab , xamar weyne , yaaqshiid iyo shibis
,dugsigaan ayaa waxbarashadiisu tahay mid lacag la.aan ah sida u
saxaafada u sheegay xildhibaan caamir shakeeti oo saxaafada la hadlayey
isaga oo intaa ku daray in ay ka wax ka baraan 10 macalin oo
waxbarashadoodu tahay heer jaamacadeed iyo dugsi sare laba waardiye iyo
laba nadiifiye dugsigaan ayaa maagalintiisa waxaa lahaa shariif Axmed
Shiino oo qeyb libaax ka qaatay dugsigaan ayaa maanta waxaa lacag loo
qeybiyey waalidiinta ardayda oo gaaraysa 300 qof kaalamdaan ayaa waxaa
laga soo kale diray italy,jarmalka,newszeland, usa ,venesuuela holand
dubai, iyo kuwo kale
Xaflada ballaaran oo ay ka qeyb galeen dadweynaha ku dhaqan Shanta
Shangaani, Culuma’udiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada
ayaa lagu qabtay Masjidka Shariif Qulatteyn ee Degmada Shangaani
magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo sidoo kale uu ka qeyb galay Xildhibaan Caamir Axmed
Jakeeti waxaa lagu maamuusayay isla markaana loogu qeybinaayay
dadweynaha ku dhaqan degmadaas lacag deeq ah oo ay soo gaarsiiyeen
Jaaliyadda UK walaalahooda reer Shangaani, iyagoo isla markaasna u soo
wakiishay Xildhibaan Caamir Jakeeti.
Dadka helay deeqdaasi ayaa gaaraya 300-Qofood, kuwaasoo la gaarsiiyay
lacago gaaraya ilaa 200,000 Sh.So. qofkiiba, waxayna dadkaasi ay isugu
jireen kuwo dan yar ah, Curyaamiin iyo Waayeel.
Dadkaasi helay deeqda lacageed, ayaa u mahad celiyay Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee reer Shangaani ee ku nool dalka Ingiriiska, iyagoo
sheegay in Alle ka abaal mariyo sadaqada ay soo dhiibteen.
Xildhibaan Caamir Axmed Jakeeti oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa
sheegay in deeqda lacageed ee la soo gaarsiiyay dadka ku dhaqan Degmada
Shangaani ay u soo dhiibeen walaalahooda reer Shangaani ee degan dalka
Ingiriiska, wuxuuna sheegay in Degmada Shangaani ay tahay degmo la iska
ilaaway, marka loo eego arrimaha samafalka iyo bani’aadaminimada.
Xildhibaan Caamir Axmed Jakeeti “Degmada Shangaani waxaa laga helayaa
dad ay gaajo ku heyso guryahooda, isla markaana guryahooda dhexda ka
xirtay oo aan bannaanka u soo bixin, waayo sida dadka kale wax la hanala
siiyo ma dhahaan” ayuu yiri Xildhibaan Caamir Jakeeti oo sheegay in
Dowladda KMG ah iyo Hay’ado samafal midna aanay waxba u qaban.
“20-Masaajid ayaa ku taala Degmadaan, ilaa iyo haddana wax daryeel ama
samafal ah ma helin” ayuu yiri Xildhibaan Caamir Jakeeti oo uga mahad
celiyay Jaaliyadda reer Shangaani ee UK deeqda ay u soo dhiibeen
walaalahooda.
Gidaarada dugsiga ayaa lagu xardhay ereyo ay ka mid ahaayeen , ku dadaal
waxbarashada waa furaha horumarka, bar ama baro , aqoon la.aan waa
iftiin la.aan talo siinta ardayda ka fikir in aad fahamto casharka laguu
dhigay aamus oo si foojigan u dhagayso weydii hadii aadan fahmin
casharka macalinkaaga aqontu waa furaha bulshada ,waqtigu waa hilaac
ordayee u dheeho inta aad yartahay
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666