SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Ban Ki Moon iyo Romano Prodi oo ka wada hadlay sidii dalka Soomaaliya ciidamo hoos yimaada Qaramada Midoobay loo gayn lahaa.



Xafiiska Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Mr. Romano Prodi ayaa kulan khaas ah ka yeeshay arimaha Soomaaliya iyo sidii ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo gayn lahaa Soomaaliya.

Romano Prodi ayaa hada haya gudoomiyenimada Guddiga Xiriirka UN-ka iyo Midowga Afrika, Isniintii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada New York lagu qabtey shir looga hadlaayey sidii ay Qaramada Midoobay iyo xiriirka Midowga Afrika loo xoojin lahaa taageerida Hawlagalada Nabad illaalinta ee ciidamada Midowga Afrika ka wadaan dalalka Afrika gaar ahaan Suudan iyo Soomaliya.

Guddiga uu hogaaminayo Romano Prodi ayaa talooyinka ay soo jeediyaan loo gudbin doonaa Golaha Amaanka lee Qaramada Midoobay, kadib Golaha Amaanka ayaa ugu dambayntiina go'aamin doono tirada ciidamada Qaramada Midoobay iyo wadamada ay ka kala imaan doonaan, shirkaas ayaa dhici doono aaqirka bisha Oktoobar sidii hore loogu balamay oo ahayd in 60 casho gudahood in Ban KI Moon uu soo gudbiyo qorshihiisa ku aadan ciidamo gaynta Soomaaliya.

Ilo ku dhaw xafiiska ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyey suurtagalnimada qorshaha ay wadaan labadan masuul, dhawaan ayaana la shaacin doonaa war - murtiyeed ku saabsan kulamada ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee New York.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 19, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS