Mabaadii’da Maamulka & Maaraynta Qeybta 1aadMaamulka iyo
Maarayntu: Waa cilmi ku qotoma in Habwanaagsan lagu gaaro Yoolal mucayan
ah oo u degsan Urur ayada oo loo marayo Qorshayn, Nidaamin, Hogaamin,
iyo Dabagalka khayraadka Ururkaas.
Haddii aan wax ka bidhaaminno tariikhda cilmiga Maamulka, xilliyadii u
dhaxeeyay sanadyadii 1890 ilaa 1940 ayaa waxaa curtay aragtiyada cilmiga
Maamulka & Maaraynta oo xilligaa wixii ka horeeyay aan ahayn cilmi qoran
oo gaar u taagan, waxaana uu soo maray heerar kala duwan kuwaas oo ay
soo dhiraan dhiriyeen culumada salka u ah Cilmiga Maamulka ee Casriga ah
waxaana ka mid ahaa Frederick Taylor oo lagu magacaabo Curiyaha aragtida
cilmiyaysan ee maamulka (scientific management theory) wuxuuna Maamulka
ku qeexay in guud ahaan Hawlaha Ururka loo helo Halbeegyo Sax ah oo si
qoto dheer looga taxadaray.
Xilligaas ka dib waxaa soo shaac baxay aragtiyo kale oo daba socda
aragtidii Frederick Taylor isla mar ahaantaana tifaftir u noqday,
waxaana qayb ka ah aragtiyaha xoogga saaraya shaqaalaha ama dadka
hoostaga nidaam mucayan ah in la siiyo taxadar gooni ah, isla markaana
laga qayb galiyo go’aan qaadashada iyo xallinta mashaakilka si ay ugu
dhaga nuglaadaan fulinta waxyaabaha lagama maarmaanka u ah in la gaaro
sida Ujeedooyinka uu higsanayo Ururka & Mu’assasadu.
Guud ahaan maamulka sida ka muuqata magaciisa waa in si hagaagsan loo
maamulo Urur & nidaam jira ayada oo si heer sare ah loo qoondaynayo
khayraadka uu leeyahay ururkaas isla markaana la qiimaynayo Bii’ada ku
xeeran iyo hirgelinta aragti fog oo odoros ka bixinaysa Mustaqbalka iyo
Uruurinta Macluumaad sax ah oo ku aadan quwadaha saamaynta ku yeelan
kara habsan u socodka Ururkaas, isla markaana in laga faa’iidaysto
fursad kasta oo macquul ah ayada oo laga gaahaamanayo khatar kasta oo
dibadda iyo gudaha uga soo fool leh Ururka.
Sida ay qabaan in badan oo ka mid ah culimada culuumta Maamulka &
dhaqaalaha, Khayraadka Dunidu waxay ka kooban yihiin 4 nooc kuwaas oo
kala ah:-
1) Dadka
2) khayraadka Dabiiciga ah,
3) Maaliyadda, iyo
4) Macluumaadka.
Khayraadkan ayaa hanashadoodu waxay wax tar yeelanaysaa marka lagu
lifaaqo afarta waaxood ee cilmiga Maamulka oo ah in si wanaagsan loo
qorsheeyo loona dajiyo nidaam ku haboon, si fiicanna loo hogaamiyo isla
markaana si joogta ah isha loogu hayo looguna kuurgalo.
Maamulku waa fan ku dabaqmi kara dhinac kasta oo ka mid ah qaybaha
Nolosha ha ahaato Maaraynta shaqsiyadeed, Qoys, Mu’asaso iyo Dowlad
intaba, waana sirta ku maldahan guusha uu bani aadamku ka gaaro dhamaan
qaybaha kala duwan ee noloshiisa mana jirto cid gaarta guul dhaxal gal
ah illaa waxaa sabab u ah ilaahay ka sokow maamul wanaag lagu dabaqay
coodka uu leeyahay Ururka ama Shaqsiga Guulaystay.
Waxaa Bani aadamka soo wajaha inta uu nool yahay caqabado fara badan iyo
taxaddiyo uga imaanaya Bii’ada ku xeeran waxaana aad u badan baahida
Aadamigu u qabo xilli uu naadir yahay khayraadka uu heli karo, marka
waxaa looga baahan yahay in uu Baahidiisa ballaaran ku qanciyo
khayraadka kooban ee diyaarka u ah asaga oo isticmaalaya Aqoon heerkeedu
sarreeyo oo uu ku maaraynayo khayraadka gacanta ugu jira.
Maamulka waxaa uu ka bilaabmaa in marka hore uu shaqsigu yahay mid
carbisan isla markaana ku guulaysta maaraynta Naftiisa kadibna hanta in
ku filan oo aqoon dhinaca maaraynta ah waxaana lagama maarmaan ah in cid
kasta la dhigo booska ay ku haboon tahay iyo xilliga ay ku haboon tahy
taas oo suurta galinaysa in wax kasta looga faa’iidaysto si xikmadi ku
dheehan tahay.
Maamulka & maarayntu waxay leedahay 4 waaxood oo ah dhidibada ay ku
taagan tahay waxayna kala yihiin;
1) Qorshaynta (Planning),
2) Nidaaminta (Organizing),
3) Hogaaminta (Leading), iyo
4) Dabagalka (Controlling).
Qorshaynta (planning): Waa unkidda ahdaafta ururka iyo dejinta
wadiiqooyinka lagu gaari karo ahdaaftaas, waa dejinta istiraatiijiyad
cad ee mustaqbalka iyo qeexidda dariiqa loo marayo gaaritaankeeda.
Qorshayntu waxay ka jawaabaysaa Su’aalo kala ah: Halkee ayaan Hadda
Joognaa? Halkee ayaan maagan nahay in aan gaarno? Sidee ayaan ku
gaaraynaa?.
Hawlaha ugu waaweyn ee ay fuliso qorshayntu waxay kala yihiin:
1. Jaangoynta yoolasha
2. Qeexidda Wadiiqooyinka
3. Dejinta Qorshe hoosaadyada
4. Miisaamidda iyo isu dheellitirka yoolash la higsanayo
Qorshaha waxaa laga rabaa in uu noqdo mid suurta gal ah, Cayiman, La
cabiri karo lana aqbali karo isla markaana waaqici ah ayna dajiyeen dad
leh aqoon iyo awood fulineed oo waafaqsan Qorshaha.Qorshayntu waa waaxda
ugu muhiimsan ee Funuunta Maamulka & maaraynta waana furaha koboca heer
kasta leh ee ay dareento cid walba oo curisa qorshe wanaagsan isla
markaana dhaqan galisa.
Ujeedooyinka Qorshaynta:
1. Qorshayntu waa cunsur lagama maarmaan ah oo ka mid ah tiirarka
maamulka waana lafdhabarta isu haysa qaybaha kala duwan ee waaxyaha
Maamulka.
2. Qorshayntu waxay dhagax dhig u tahay isku xirka dadaalada kala
gedisan ee Maaraynta.
3. Qorshayntu waxay hoos u dhigtaa hubanti la’aanta iyo mudiga ku jira
xogta ku saabsan doosoomayaasha ku xeeran Ururka.
4. Qorshaytu waxay yaraysaa kabadbadin iyo baatul lagula kaco hantida
Ururka.
5. Qorshayntu waxay qotomisaa Yoolasha Ururka waxayna dejisaa Halbeegyo
loogu kuur galo.
Qorshaynta & Hawlfulinta
Guud ahaan marka aan ka hadlayno Qorshaynta rasmiga ah waxaa ka tafiirma
Faa’iido aad u weyn oo ay hanato cidda qorshaha abuuratay.
Habqorshayneed tayo leh oo si wanaagsan loo taaba geliyo wuxuu soo
kordhiyaa hawlfulin qurxoon oo lagu gaaro natiijooyin lamahdiyo.
Xiriirka ka dhexeeya Qorshaynta iyo hawlfulinta waxaa dabra waqtiga loo
igmo qorshaha hadii uu yahay mid muddo dheer ah iyo hadii uu yahay mid
xilli kooban ku eg, waxaana qorshaha mar walba saamayn ku leh deegaanka
dibadda uga xeeran Ururka taas oo keeni karta in ay ragaadiso
hawlfulinta iyo waxqabadka Shaqaalaha u qoolan hirgelinta qorshaha la
dejiyay.
Doorka Yoolasha & Qorshe hoosaadyadu ay ku leeyihii Qorshaynta
Hadii aan Marka hore bidhaamino waxa ay yihiin Yool/Hadaf iyo qorshe
hoosaad, Yool waxaa loola jeedaa Hirka la higsanayno isla markaana loo
xiisa qabo in la gaarno mustaqbalka , wuxuu u taagan yahay miisaanka
lagu salaynayo shaqada laqabanayo ama la doonayo in laqabto. Yoolku
wuxuu qeexaa su’alaha kala ah: Maxaa la doonayaa in la gaaro? Sidee lagu
gaari karaa iyo Goorma ayaa lagaari doonaa?.
Qorshe hoosaadku waa khariidada ama Map-ka qeexaya sida lagu gaarayo
Yoolasha Ururku uu higsanayo ayada oo lamarayo wadada ugu sahlan uguna
Qarashka yar isla markaana laga dhaxlayo faa’iidada ugu baaxadda weyn.
Noocyada Yoolasha:
Noocyada Yoolashu waxay ku xiran yihiin cidda dejisanaysa nooca ay
tahay, baaxadda ay leedahay, heerkeeda aqooneed, awoodeeda dhaqaale,
ujeedooyinka ay ka leedahay in ay ku gaarto waxayna noqon karaan Yoolal
shaqsiyadeed iyo kuwo Urur waxayna u kala gadisan yihiin hadba cidda ay
matalayaan, waxaana kamid ah kuwan soo socda:
1. Yool cimrigiisu ku dhereren yahay gaarista Natiijo mucayan ah.Tusaale
ahaan haddii shirkadi ay Yool ka dhigato in sanadka 20010-ka ay
labanlaabto wax soo saarkeeda, Yoolkaasu waa mid loo dhigtay in xilli
go’an lagu gurto miro mucayan ah waxaana Afka qalaad lagu yiraahdaa
(Achievement goals).
2. Yool hawshiisu tahay fududaynta wadiiqooyinka ay lagama maarmaanka
tahay in la maro si loo gaaro ahdaaf la higsanayo mustaqbalka. Tusaale
ahaan in shaqaale cusub la siiyo Siminar loogu carbinayo sidii ay u
gudan lahaayeen shaqada la rabo in ay barri ka maalin qabtaan.
3. Yool qeexaya ka fogaanshaha ficil ama habdhaqan gaar ah. Tusaale
ahaan in shirkadi ay mamnuucdo gelitaanka kharashaadka aan lagama
maarmaanka ahayn (Unnecessary Costs) si loo dhawro hantida Ururka loona
gaaro faa’iid.
Intaa oo qura kuma koobna noocyada Yoolashu wayna fara badan yihiin
waxayna ku jaan go’an yihiin waxyaabaha ku jira maanka jihada
dejisanaysa.
Taabagelinta Yoolasha:
Hababka loo dhaqangeliyo Yoolasha waxaa loo qaybiyaa labo nooc oo kala
ah:
1. Hab hidde ama Taqliidi ah (traditional).
2. Hab casri ah.
Habka taqliidiga ah wuxuu dhigayaa in Yoolasha dhamaan marka hore ay
dejiyaan Maamulka sare ee Ururka isla markaana shaqaalaha hoose aysan
wax talowadaag ama ka qaybgelin ah ku lahayn, doorkooduna uu ku egyahay
oo qura fulinta awaamirta kor uga imaanaysa isla markaana malaha wax
awood ah oo ay ku soo bandhigi karaan hab wanaagsan oo loo fulin karo
shaqada iyo wadiiqooyin fudud oo loo mari karo ujeedooyinka la
beegsanayo.
Sidoo kale habkanu wuxuu qabaa in maamulka sare fikradiisu ay tahay
midda mar walba saxan isla mar ahaantaana ay qasab tahay in hawlaha loo
fuliyo qaabka asaga la quman.
Cilladaha uu leeyahay habkanu waxaa ka mid ah in uu meesha ka saarayo
isla falgalka iyo habdhaqanka iskaashi ee u dhexeeya maamulka iyo
shaqaalihiisa, waxaana lumaya fikrado dhaxal gal ah oo ka imaan kari
lahaa dhinaca Shaqaalaha sida tooska ah howsha gacanta ugula jira,
waxaana sidoo kale dhibaatooyinkiisa ka mid ah niyad jab iyo qanaaco
la’aan ku dhacda shaqaalaha ama dadka hoose ee Ururka, taas oo keeni
karta in aysan u aaba yeelin tayada wax Soosaarka.
Go’aan qaadashada Maamul ee habkan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid
kali talis ah, waxayna awaamiirta dhamaan ka imaanayaan halka ugu
sareeysa Ururka mana jirto cid kale oo fasax u haysata in ay go’aan ka
gaarto fulinta hawlaha joogtada ah ee Ururka.
Habka casriga ah ee taaba gelinta Yoolashu wuxuu Xoogga saaraa iskaashi
dhex mara maamulka iyo shaqaalahiisa, tusaale ahaan fulinta Yool mucayan
ah waxaa si wada jir ah isula jaangooynaya Shaqaalaha iyo Maamulka.
Maamulku waxay si joogta ah ugu kuur galayaa horumarka laga sameeyay
gaaritaanka Yoolasha isla makaana wuxuu lagu abaal marin iyo dhiiri
gelin siiyaa shaqaalaha haddii ay xaqiijiyaan ahdaaftii la beegsanayay.
Habka casriga ah ee taabagelinta Yoolashu wuxuu ka kooban yahay 4
cunsur:
· Xadiditaan ama jaangoynta Yoolka
· Iskaashiga go’aan qaadashada
· Wakhti go’an oo Waadax ah
· Miisaamidda natiijooyinka
Faa’iidooyinka uu leeyahay habkanu waxaa ka mid ah:-
· sara u kac ku yimaada hawlfulinta shaqaalaha iyo wax soosaarka Ururka.
· Shaqaalaha oo qanaacadoodu kor u kacdo.
· Go’aan qaadashado wanaagsan.
Sifooyinka laga rabo Yoolasha:-
· Waa in loo qoro hab waafaqsan Natiijooyinka laga sugayo
· Waa in ay noqdaan kuwo la cabiri karo lana tira koobi karo
· Waa in ay leeyihiin waqti jaango’an oo cad.
· Waan in aysan sahlanayn balse lagaari karo.
· Waa in ay ka warhayaan dhamaan xubnaha hoos yimaada Ururka.
Tilaabooyinka loo maro fulinta iyo dejinta Yoolasha waxaa ugu horeeya in
aan laga bixin xayndaabka loo dhigay jiritaanka Ururuka oo ah sababta
markii horeba loo aasaasay Ururka, waana in la qiimeeyaa coodka u
diyaarsan Ururka si loo ogaado in uu ku filan yahay gaaritaanka Yoolka
waana in dib loo raacaa natiijada lana qiimeeyaa marka hadafka lagaaro
kadib.
W.Q. Cabdalla C/kariim Guuleed
ccguuleed30@hotmail.com