SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq islaamnimo oo ku aadan Dhammaan waxgaradaka , aqoonyahanada, Culimada, Oday dhaqameedyada, haweenka iyo in alla iyo inta u danqaneysa Soomaali.

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana rasuulkeeni ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta islaamka ( A.C.W.W ).

Soomaaliyeey meel walboo aynu joognaba waxaa maalin walba daadanaya dhiigeenii, waxaa baab’aya hantideenii, waxaa barakacay maatadeenii, waxaa waddan walba lagu xasuuqayaa soomaalidii u qaxday, waxaa badaha ku la’anaya Soomaali, waxaa xabsiyadda adduunka ka buuxa dhalinyaradeenii iyo ubadkeenii. Meel walba waa boog, wax kasoo reyn ma jirto, illaa inay dhibaatadu sii badato mooyee, Mucaarad iyo dowlad inay isku soo dhawaadaan diyaar looma aha. Haddaba walaalka iyo walaasha muslimada aheey ma isweyddisay yaa u maqan Soomaali, yeey ka sugaysaa inuu u yimaado oo nabad u keeno.

Runtii waa wax qof kastoo damiir leh, oo ay ku jirto in yar oo islaamnimo ah uu ka danqanayo. Adduunkoo idil dhibaato wey ka dhacday, waxaana loo helay xal, annaga ma isweydiisay maxaa naga khaldan. Miyaynaan bani’aadan aheyn, miyeeynaan heshiin Karin, miyeeynaan dadka la mid aheyn.  Soomaaliyeey aynu iska ilowno nin jecleysiga, qabiil jecleysiga, xasadka, xiqdiga, annagaa mudan, annagaa reer hebel ka baddan, annagaa xaq u leh, annagaa degna, anngaaa sidan ah, reer hebel waxba maaha, wallee haddeynaan arimahaas ka waantoobin, waxaynu halis ugu jirnaa inaynu baaba’no oo nalagu sheekeysto nalana yiraahdo ummad soomaali la oran jiray ayaa jiri jirtay.

Halakan Caawa uguma talagelin inaan maqaal dheer kusoo qoro, kaliya waxaan rabaa inaan idiin xasuusiyo, bal inaynu Allaah u noqono, oo bishan Barakeysan, oo hadda la galayo Tobankii habeen ee ugu Kheyrka badnaa, inaynu ka faa’ideysano, oo waddankan aynu u duceyno, bal inuu Allaah talada wanaagsan na waafajiyo. Soomaaliyeey waxaan aaminsanahay haddaad si niyad ah waddankan ugu wada duceysaan bal inaynu calal aqal bad baadi laheyn.

Allahayow Soomaali quluubtooda isku soo jeedi, oo waafaji talada wanaagsan. Allahayoow na badbaadi, adiga wax badbaadin karee. Allahyoow  Soomaali  ka yeel kuwa wanaagooda ka wada shaqeeya, oo xumaantooda iska ilaawa. Allahayoow Soomaali ka yeel kuwii dunida la tartama, oo ka shaqeeya horumarkooda, Allahayoow Soomaali ka yeel kuwii ka bogsooda qabiil iyo qabyaalad. Aaaaaammiiiin.

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS