SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

U Coddeey Caseeyaasha

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Markaan arkay Duruufaha ay haatan ku sugan yihiin Caseeyaasha ama Baalashlaha Kabaha ayaan waxaan goostay in aan wax ka iftiimiyo duruufahaas ay ku sugan yihiin, inkastoo aanan qoraal ku soo koobi Karin.

Markii uu dhacay Sicir-Bararka oo saameeyey dhamaan noloshada Dadka Soomaaliyeed, shay kastana uu cirka isku shareeray ayaa waxay daruufihii ugu adkaa waxay soo wajaheen Carruurta Caseeyaasha, laga soo bilaabo 2000 iyo hadda wixii waqtigaa ka dambeeyey Carruurta Caseeyaasha ah waxay Kabaha ku caseyn jireen kun shillin, xiligaan oo lagu jiro sicir-bararkii ugu darnaa dunida ayay waxay baalashleydu ku dhiban yihiin sidii ay qiimo koror ugu sameyn lahaayeen hawshooda, mar baan is iri ogeysiis ma u gelisaa warbaahinta, haddana way igula qumaan weysay, waxaase weli sii socda dhibka ka haysta kunka shillin oo aan waxba u gooynin, haddana dadku ma garowsado in ay wax ugu darraan.

Waxaan arkay wiil dhallinyaro oo Caseeye ah oo ku dhegan nin uu kabo u caseeyey, waxay ku doodayaan "Adeer waa labo kun" iyo "Kun ka badan bixin maayo", inta aan u soo dhawaaday ayaa weydiiyey waxa ay isku haystaan, wiilkii yaraa ayaa leh "Xalay ayaan go’aansanay in aan kabaha ku luujiteeno Labo Kun oo Shillin, oo waxba ayaa kor u kacay, ninkaana ima fahmayo" balse ninkii ayaa ku doodaya "Waa dunyuus, ma waalan yahay markuu labo Kun kabo iigu caseynayo".

Max’ed Maadey waxa uu ka mid yahay Caseeyaasha Mudo ku soo dhex jiray Hawshaasi waxa aan weydiiyey waxa ay ka helaan Hawsha Caseeyenimada ah ee ay ku jiraan, waxa iiguna jawaabay "Intii aanu sicir bararka dhicin waxaa soo shaqeeyo, nolosheyda ayaan ku dabari jiray iyo waliba midda qoyskeena, xitaa wax mararka qaar iiga soo hari jiray, maantase ilaa iyo hadda aan kula hadlayo ma qadeynin, waxaana taas sabab u ah, waayo haafkii Bariiska ayaa 12 kun oo Shillin noqday, halka Luujitadu ay mareyso 15 kun oo shillin, meeshii ay markii hore ka ahaayeen, 4 kun Haafkii Bariiska, Luujitadun ahayd 4 kun, dhowr jeer ayaan damcay inaan ka fariisto hawsha Caseeyenimada, waayo wax laga helayo ma jiro daal mooyee, dadkiina waxa ay noqon waayeen kuwo waxgarad ah oo ku xisaabtama xiliga lagu jiro, balse haddana waxaa ii muuqan meel aan kaga doorsado sidaas", haddaba Xaaladda Caseeyaasha ay maanta ku sugan yihiin ayaa ah mid u baahan Gargaar loo fidiyo carruurtaa Caseeyaasha ah.

Duruufaha soo wajahay Carruurta Caseeyaasha ayaa waxaa ka mid ah inaysan maanta gadan Karin Gasac Luujito, waxaa iigu yaab badneed markii aan arkay nin Dukaanle ah oo Luujitadii u jaraya sidii Xalwadii, waxaan weydiiyey Dukaanlihii ma sidaan ayaad u iibisaa Luujitada, waxaan ogaan jiray in Gasac Gasac loo iibiyo, wuxuuna iigu jawaabay "waxaan aragnay in carruurta aysan iibsan Karin gasac dhan, sidaa ayaa kaliftay in Gasaca loo qaybiyo afar qaybood sidaasna ayaana u iibinaa".

Carruurta Caseeyaasha ayaa hawl balaaran u haya Bulshada, balse Bulshadu uma fahamsana in ay qayb ka yihiin horumarka bulshada, miyaanan in badan la arkeen dad badan oo kabaha gacmaha ku sita kadibna marka ay uga go’aan dariiqyada, waxaan u maleynayaa jawaabtu in ay Haa tahay, basle waxaa taa ka hor tagay helista caseeyaasha oo iyagu hawshii caseeyenimo ka sokow ku soo kordhiyey in ay Kabaha tolaan kuuna caseeyaan, sidaas darteed waxaan dhihi karnaa Caseeyaashu waa kuwo heegan u ah qurxinta Kabahaaga ee fadlan u Coddeey.

Xiligii uu noolaa Allaha u naxariisteee Elman Cali Axmed ayay Carruurta Caseeyaasha ah waxay kaalmo ka heli jireen Hay’adda Elman, sida Qalabka Caseeyaasha, waxaana ku qornaan jirtay qalabkaasi (TUUGSI MAYA SHAQO HAA), markaad Carruurta weydiisanaya aad ayay u xasuustaan Elman Cali Axmed, maantase ma jirto cid gacan siineysa carruurtaasi oo qaarkood lagu xadgudbay, oo xitaa loo gaysto dil, waxaana ummadda Soomaaliyeed la gudboon in ay carruurtaas masaakiinta ah oo ku jira hawl xasaasi ah oo aad u dhib badan in lagu gacan siiyo hawshaasi, maadaama ay yihiin dhallinyaro soo dhacsaneysa quutul-daroorigoodii, iskuna dayin in aysan tuugsan, qof waliba halkudhig ha ka dhigto "Ha loo Coddeeyo Caseeyaasha"

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Risaaladii ayeeyo Samawado - Lafoole, Lafoolihii hore ma tihid!! Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS