SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya inay ka baaqsadaan shirka wada hadalada Soomaaliya uga furmay dalka Jabuuti, hadii Safiirka Ethopia Jabuuti soo fariistey Hoolka shirka? Ma saxbaa? Faallo.

Waxaa maanta lagu waday in dalka Jabuuti laga furo shir looga hadlaayo dhibaatada ka taagan Soomaaliya, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen beesha caalamka oo dhan gaar ahaan kuwa daneeya arimaha Soomaaliya, Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo TFG-da .
Isbahaysiga dib u xoreynta ayaa ka biyo diiday in shirka la furo maanta iyadoo cudur daar ka dhiganaayo inaysan aqbali karin inay meel la fariistaan sarkaal ka socda dowlada Ethopia meel looga hadlaayo mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Hadaba qormada Somalidaxorta waxaan ku soo qaadanayaa arinka ay ku dhaqaaqeen ergada Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee ku aadan joogitaanka sarkaalka ka socda dowlada Ethopia ma saxbaa mise waa qalad?

Sideedaba Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waa loo unkay inay dalka ka xoreyaan cadawga qabsaday, iyadoo loo maraayo marxaalad kasto hadaba iyagoo ka duulaaya qodabada dastuuriga ah ayay horey u ogaalaadeen inay la fariistaan kooxda Mbagathi ee u adeega cadawga dalka qabsaday si xal siyaasi ah lagu dhameeya dhibaatada Soomaaliya ka taagan 18 sanadood.

Hadaba hadii beesha caalamka oo idil ay garwaaqsadeen in dhibaatada ka socota Soomaaliya isla markaana ay si wadajir ah u doonayaan in arimaha Soomaaliya wax looga qabto loogana wada hadlo, waxaa haboon in Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya hadiiba ay heleen fursadaan dahabiga ah oo ay ugu sheegi karaan beesha caalamka hortooda iyadoo Ethopia meesha fadhida inay arimaha Soomaaliya dhibaatada ka taagan ay sabab u tahay Ethopia loona baahan yahay in Ethopia arimaha Soomaaliya meel laga saaro hadii beesha caalamka ay doonayso in xaalada Soomaaliya wax iska badalaan, marka arinkaan ayaa aad muhiim ugu ahaan lahaa inay beesha caalamka horteeda inay Ethopia ku qaawiyaan si waji gabax ugala kulanto sidii kal hore ku dhacday Ethopia shirkii Khartoum Sudan 2003 .

Shirkii Khartoum dalka Sudan ee wadamada IGAD ee looga hadlaayey arimaha dib u heshisiinta Soomaaliya xiligaas waxaa dalka ka jirey dowlad ku meel gaar ah iyo Qabqablayaal ay ku adeegato Ethopia ( SSRC) oo iska soo horjeeda,

Dowladii lagu soo dhisay magaalada Carte jamhuuriyada Jabuuti waxaa madaxwayne loogu soo doortey madaxwayne Dr.C/Qaasim Salad Hassan.

Shirkii wasiirada arimaha dibada IGAD waxaa looga hadlaayey arimaha Soomaaliya iyo sidii dib u heshiisiintii Carte dagaal oogayaasha ka maqnaa loola xaajan lahaa, taas oo dowladii TNG ee jirtey xiligaas waxaa shirka uga qayb galay Mudane Zakariye Mohamud Xaaji Cabdi oo matalatey wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, shirkii markii uu biloowday ayaa waxaa ka hadlay mudane Zakariye oo kaga warbixiyay dhibaatada ka taagan Soomaaliya iyo sidii dowlada xun ee Tigreega u hogaamiya ay u hortaagan yihiin in Soomaaliya ka socoto dowlad aysan maamulin isla markaana dalka Ethopia xooga ku haysata 16 sanadood uu ku sheegay inay faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya isla markaana dhawrto darisnimada labada dal hadii kale Tigreega uusan sii haysan Karin qoowmiyadaha kala gadisan eek u hoos nool taliska Zenawi ee xukunka boobka ku haysta, taas oo keentey inay ka caroodan ergadii wafdigii dowlada Ehopia eek u sugnaa madasha shirka wasiirada arimaha dibada dalalka IGAD, taas oo ugu dambayntii keentey markii ay u adkaysan waayeen hadalada runta ah ee halkaas ka aqriyay mudanaha ka socday dowladii TNG ahayd, kadibna ay qasabtey inay shirka ka baxaan Ethopiankii iyo madaxdii shirka ka joogtey ugu dambayntiina waxaa arinka soo faragaliyay dowlada Sudan oo markaas martida loo ahaa.

Marka aragtideyda anigoo cabiraayo ma ahan in Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya qaadacaan hadii ay helaan fursadan oo kale waayo waa dahabi mana lahelo meel ay caalamka oo dhan ku kulansan yihiin oo cadawgaada aad ku ceebayn karto intaa hesho inaadan soo fariisan goobta isla markaana safiirka Ethopia uu isku arko nin idin ka eryan kara fadhiyada caalamka ee looga hadlaayo arimaha Soomaaliya.

Faaladayda waxaa ku soo gabagabayn lahaa in aan Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uusan uga bixin shirkasto oo ay ka soo qayb galaan Ethopianka, balse ay ka jeediyaan goob kasta dhibaatooyinka ciidamada Ethopia ku sameeyen dadka iyo dalka Soomaaliya isla markaana cod dheer ugu sheegaan inay Ethopia ka waantoowdo tilaabooyinka hagardaamada ah ee markasta ku hayso sidii Soomaaliya nabad iyo dowlad xor ah looga dhalin lahaa mustaqbalka, isla markaana ay beesha caalamka ka hor sheegaan waxa ay aaminsan yihiin iyo sida xalka Soomaaliya u arkaan, si mowqifkooda cid walba oo shirka joogta ugu cadaato, waana hubaa in markale aysan ku soo dhiiran lahayn meel aad ka hadlaysaan waayo hada waxay u tusaysaa caalamka in ay muhiim tahay idinkana aadan ka hor cadayn Karin shirarka waxaad ka tabanaysaan iyadoo la og yahay dhibaatadaba inay iyada ka dambayso.

Marka waxaa Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya kula talin lahaa inaysan ka ordin Tigreega xun hadii uu meesha soo fariisto waayo Dowlada Ethopia waxay ka mid tahay wadamada safka hore hadii shirka loo ogolaado inay ka soo wada qayb galaan wadamada safaaradaha ku leh dalka Jabuuti sabab ay uga horjoogsan karaan ma jirto Ergayga Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya, marka idinkaa la idin kaga fadhiyaa sidii mudane Zakariye Mohamud Xaaji Cabdi uu shirka uga saarey Tigreega xun oo kale inaa suubisaan.

Waxaa xaq u leedihiin inaa diidaan hadii lagu soo daro Ethopia gudiyada beesha caalamka ee ka shaqaynaayo arimaha Soomaaliya, hadii Ethopia ku qanacsan tahay inay idin kala hadasho arimaha Soomaaliya dabcan toos waa ula hadli kartaan madaama ay dalka Soomaaliya Ethopia haysato ayna ka mudan tahay in aad la hadashaan camiilo ay iyadu wato oo shaar beeneed soo xirtey oo dowlad been ah inay yihiin caalamka ka iibinaayo, balse xaqiiqdu tahay in dalka Ethopia haysato laakinse rabto inay boor isku qariso.
Fadlan ha ordinina sidii niman aan hadli Karin ee gala shirarka kana hadla mowqifka Dib u xoreynta, waan garan karaa inaa iska ilaalinaysaan in la idin ku caayo Ethopia ayay la fariisteen si la idin kaga dhigo kuwa badalay mowqifkoodii hore, waa guulaysateen hadiiba maanta laga hadlaayo sidii dalka looga saari lahaa ciidamada qabsaday Soomaaliya.

Dhamaad

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS