SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u taagan Xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa ka hadlay Amaanka Maamulka Puntland.

Sanca:- Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah Musharax u taagan xilka Madaxtinmo ee Puntland horaanta Sanadka Cusub marka la gaadho ayaa sheegaya in shacabka Maamulka Puntland looga fadhiyo inay ka shaqeeyaan Nabada iyo Xasiloonida, Prof-ka oo waraysi Khaas ah siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay Nabadu tahay Lagama maarmaan

Musharaxa oo haatan ku sugan Caasimada Dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaya in ay shacabka Puntland ay dani ugu jirto inay dhaworaan Nabada si loo gaadho buu yiri Nabad iyo hormar fiican.

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf ayaa ku cel celiyay in hadii Gobolada Puntland laga helo Nabad buuxda ay shacabku gaadhayaan Barwaaqo iyo Mustaqbal fiicam, waxa uu farta ku fiiqay in Ganacsato iyo Isimo ay dhexda u xidhaan ka shaqaynta Nabada oo ay garab siiyaan laamaha Amaanka ee Dawlada Puntland.

Prof Muxiyadiin Cali ayaa dhanka kale sheegay in hadii la doorto Doorashooyinka Puntland uu ugu horayn wax ka qaban doono Arimaha Amaanka isaga oo ku nuux-nuuxsaday inuu la shaqayndoono Isimada Puntland.

Sidoo kale waxa uu Cararbaabay inuu Kobcindoona Ilaha Dhaqaale ee Maamulka Puntland waxa uu kaloo sheegay inuu isku dayay inay dhamaan shaqooyin helaan Ardayda iyo Dhalinta aan Fursada u helin inay Maamuladii hore ka helaan shaqooyin.

Prof Muxiyadiin Cali Yuusuf oo ah nin aqoon yahan ah isla markaana Kulamo badan horay ugu qabtay Aduunka iyo gudaha Maamulka Puntland ayaa shacabka Puntland aad u soo dhaweeyeen Hadalkiisa iyaga oo sheegay inuu ku haboon yahay hogaaminta Puntland.

Ugu danbayntii Prof-ka ayaa xusay inuu aad ugu xun yahay Falalka Amaan daro ee ka dhaca had iyo Jeer Magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacayo kuwaasina waxa uu ugu baaqay shacabka Magaalooyinkaasi inay dadkaasi Falalka xun wada iska qabtaan, sidoo kale waxa uu xusay in Budhcad badeedu tahay khatarta ugu wayn ee haysta Maamul Goboleedka Puntland iyo Somaliyaba waxana uu dhaliilay kuwa Afuubka ka wada Xeebaha Puntland.

Jaamac AYaanle Feyte
Bosaaso-

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 18, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS