SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warsaxaafadeed ku aadan riyada ay ku jiraan kooxda Mbagathi iyo qolyaha kale ee ku shirsan Jabuuti.

Waxaan Marka koowaad Umadda Soomaaliyeed Uga Tacsiyaynaynaa dhibaatada Dilka,Barakaca iyo Xasuuqa joogtada ah oo ay ku hayaan cadowga ku soo duulay iyo kuwa daba dhilifka u ah.

Waxaase mar kale nasiib daro ah iyadoo dhibkaa shacabka Soomaaliyeed haysto in maalin walba dad aan dadka Soomaaliyeed dhexdooda waxba qiima ah ka lahayn la isugu geeyo hoteelada ugu waaweyn ee magaalada Jabuuti ayadoo lagu qarash garaynayo malaayiin doolar taas oo ay u baahnaayeen malaayiinta Soomaaliyeed oo qaxootiga ku ah daafaha Magaalada Muqdisho oo cadowga soo qaxiyay ayna leeyihiin wax been ah oo aysan awood u lahayn waa samaynaynaa.

Waxaan cadaynaynaa hadaan nahay Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliya Inaan aqbalayn mar walba sidaan horey u cadaynay mowqifkeena ku aadan waxa ka socda magaalada Jabuuti.

1-Inaan aad uga xunahay in qarashkii umada Soomaaliyeed loogu deeqay maalin walba lagu qarash gareeyo heshiis been been ah oon waxba ka soo baxayn oo uamada Soomaaliyeed lagu qaldayo.

2-Waxaan u sheegaynaa hay'adaha caalamiga ah iyo dhamaan dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya wadada ay hayaan in ay tahay wado qalad ah ayna tahay inay ka fiirsadaan shirka Jabuuti.

3-Waxaan cadaynaynaa mar kale in dadka Soomaaliya aysan wax dhibaato ah ka dhaxayn ee waxa dhibka ku haya ay tahay gumaystaha ku soo duulay oo barakacinaya umada Soomaaliyeed hadii aad doonaysaan nabada Soomaaliyana ka saara ciidamada Ethiopia .

4-Waxaan cadaynaynaa inaysan jirin wax xabad joojin oo ka hirgali kara wadanka Soomaaliya inta hal askari oo Ethiopian ah uu joogo ciida Soomaaliyeed.

5-Waxaan cadaynaynaa in kuwa leh waxaan joojinaynaa xabada maalinka Sabtida ay ku jiraan riyo aysana jirin cid ay matalaan oo xabada ka joojin karaan.

Intaas ka dib waxaan soo dhawaynaynaa qodobada ay soo saareen International contact Group hadii ay ka run sheegaan oo sida Soomaalidu rabto u fuliyaan.

1-U gargaarida dadka Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan gudaha Soomaaliya.

Balse waxay iloobeen waxii dadkaan dhibaateeyay inay meesha ka saaraan taas oo ah in Ciidamada Ethiopia bilaa sharuud uga saaraan wadanka Soomaaliya.

2-mida kale oo ah ka qayb qaadashada nabada Soomaaliya anagu waxaan u aragnaa nabad indhaha la iska tirayo nin helaya majiro.

Taas oon ula jeedno aduunka waa uu u jeedaa dhibka dadka iyo dalka Soomaaliyeed haysta balse dooni maayaan inay si dhab ah wax uga qabtaan.
Waxaana u sheegaynaa inay mudan tahay in hadii umada Soomaaliyeed wax loo qabanayo mida koowaad ay tahay in ciidamada Gumaystaha Ethiopia laga Saaro wadanka Soomaaliya.

Xaafiiska Warfaafinta ARS
Asmara 16/09/2008

Somali Contact Grourp oo fara gelisey Go’aankii Baarlamaanka FKMG uu ka gaarey heshiiskii Adis Ababa Sept 17

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 17, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS