SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo mar kale loo gaystay ciidamada Uganda

Iyadoo maalintii shalay ahayd qarax loo gaystay ciidamada Uganda ee nabad iaalinta u jooga Soomaaliya oo ay ku geeriyoodeen hal askari sida uu sheegay afhayeenkoodu saddex kalana ay ku dhaawacmeen mar ay marayeen agagaarka Km4 ayaa maanta mar kale waxaa qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamada Uganda oo marayey agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Xamar-Jajab, waxaana qaraxaasi la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen shan askari dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxii shalay ayaa afhayeen u hadlay Al-Shabaab waxa uu sheegtay in ay kaga dileen ciidamada Uganda ilaa iyo 7 askari, balse kan maanta ilaa iyo hadda ma aysan ka hadlin, waxayna qaraxyadaani ku soo beegmeen xili Ururka Al-Shabaab uu sheegay in maalinta beri ah gebi ahaanba uu xiran yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyagoo ku hanjabay in ay diyaaraddii ku soo degta wixii khasaare ah ee gaara ay iyada mas'uul ka noqon doonto.

Ma jiraan hadal ka soo baxay Dowladda Federaalka ee ku aadan digniintaas, balse waxay cabsiye la soo gudboonaatay Diyaaradihii Rakaabka ahaa oo iyana looga digay in aysan ka soo degin Garoonkaasi, hase yeeshee afhayeen u hadlay Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyagu iska bari yeelay warka ka soo yeeray Ururka Al-Shabaab, waxayna ka codsadeen in ay dib u eegaan go'aankaasi, maadaama garoonka ay isticmaalaan dad rayid ah, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ayaa walwal ka muujiyey xiridda garoonka, balse Ururka Al-Shabaab ayaa waxa uu ku doodayaa in daqliga ka soo xarooda garoonka ay qaataan Ciidamada Itoobiya, sidoo kale waxay sheegeen in Garoonka ay saanad kala soo degaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa AIMSOM, waxaana la isweydiinayaa halka ay Diyaaradaha rayidka ah ka degi doonaan iyadoo ay garoonkaasi maalintiiba ka soo degaan tiro diyaaradaha rayidka ah, kuwaas oo keena Badeecooyinka isla markaan dad qaada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 16, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS