Caasimada Jabuuti oo la Ciir ciireysa Ergooyin kala duwan
Waxaa maalmahaan soo gaarayey caasimada dalka Jabuuti in ka badan 150 xubnood oo
wufuud kala duwan islamarkaana ka kala timid qaybaha dunida, iyadoo wufuudaas
intooda badan ay ka yimaadeen, Soomaaliya iyo Kiiniya.
Wufuudan soo gaartey Caasimada dalka Jabuuti ayaa ujeedadoodu tahay, seddax shir
oo kala duwan oo looga hadlayo arimaha Soomaaliya, taasoo ay wadaan Qaramada
Midoobey, dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo Hay’ada ICG.
Inta badan wufuudan waxay soo gaareen 15/09/2008, iyadoo wufuuda dhimana la
sugayo 16/09/2008-da, wufuuda soo gaarey Jabuuti waxaa ka mid ah Wakiilka
Qaramada Midoobey Amp; Axmed Walad Cabdallah iyo xubno uu hogaaminayo, qaybo
badan oo ka tirsan dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ka kooban 18 dall iyo
dhinacayada TFG IYO ARS xubnihii kala matalayey gudiyada Siyaasada iyo
nabad-gelyada.
Ra’iisul Waraasaraha Xukuumada FKMG ee Soomaaliya Col/ Nuur Xasan Xuseen,
Gudoomiyaha Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed,
Gudoomiyaha Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Sh.
Aadan xubno ay kala hogaaminayaan iyo dublamaasiyiin ka socotey Midowga Afrika,
Jaamacada Carabta, IGAD ayaa la dejiyey Hoteel Kambeyski ee Caasimada Jabuuti.
Wufuudan ayaa waxaa casuumaad u saneeyey safiirka Sucuudiga ee dalka Jabuuti,
taasoo lagu sheegey mid Afur iyo casho ah, Habeen dambe ee 17/09/2008-da waxaa
la filayaa in Dowlada Norwey ay casuumaad u fidiso wufuudan.
Xubnahaan kala duwan ee isugu yimid Caasimada dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in
shirar kala gaar gaar ah ay kula yeeshaan dhinacyada Soomaalida, gaar ahaan
dowladaha daneeya Soomaaliya Hoteelada Kambeyski iyo Sharitor, inta aysan si
toos ah u wada kulmin dhinacayada Soomaalida, sida aan ka soo xiganay ilo
wareedyo kala duwan ayaa waxay sheegayaan “in dowladaha daneeya Soomaaliya ay u
socdaan in ay la kulmaan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya iyo TFG-da,
taasoo ujeedadoodu lagu sheegay arimaha Gargaarka iyo taabagelintiisa, sidii
looga miro dhalin lahaa dadaalka dibu-heshiisiinta la wado, halka Hay’ada ICG oo
iyaduna ka mid ah xubnaha ku balansan Jabuuti ayaan la ii sheegin ujeedada
socdaalkooda, balse waxaa la ii xaqiijiyey in marka hore ay la kulmayaan
Ra’iisul Wasaaraha XFKMG, kadib ay dhinacyada Soomaalida ay kulankii ay hore ugu
balameen yeelanayaan”.
Shirkaan ayaa wuxuu ka furmidoonaa 16/09/2008-da sida lagu wado Guriga Ummada ee
Caasimada dalka Jabuuti, Hoteel Kambeski iyo Hoteel Shariton.
Dhinaca kale warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan in xubnaha DFKMG uga
qayb-galaya shirka ay kala qaybsan yihiin, islamarkaaana la bedeley xubno
saraakiil ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn uga horyimaadeen, waxaana la
sheegey in shirka ay ka maqan yihiin xubno si gaar ah uga dhowaa Madaxweynaha
DFKMG C/llaahi Yuusuf, halka Is-bahaysiguna la sheegey in ay ka maqan yihiin
xubno aan badneyn kuwaasoo lagu sheegey in ay ku maqan yihiin hawlo gaar ah.
Waxaa kale oo la sheegayaa in Ethopia ay isugu yeertey safiirada Ururka IGAD
sida ay u dhan yihiin, taasoo aan la ogeyn ujeedada ay isugu yeertay, halka
shirkan hada furmayana lagu sheegey isna in arimihiisa gebi ahaanba hore loo soo
bisleeyey oo shirkanina uu yahay Xafladii lagu soo xirayey go’aamada la gaarey.
Hase ahaatee marka aad eegto qaabka xubnaha kala duwan ee isugu yimid Caasimada
dalka Jabuuti ayaa waxay u muuqataa in shirku ay ka muuqato, habacsanaan dheer,
sababtoo ah dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka degi la’dahay ayaa
hore waxay u lahaayeen Urur mideysan oo hadba mid qabta mas’uuliyada, balse
maanta taasi wey ka duwan tahay oo mid kasta wuxuu soo dirsadey wakiilkiisa
gaarka ah, halka Qaramada Midoobey oo hawsha soo qaban qaabiseyna, ay iyaduna ka
muuqatey xubnaha wada hawsha kala daadsanaan aad u weyn, waayo shirarkii hore
waxay lahaayeen jadwal hour dhac ah iyo qaabka shirka u dhacaayo oo saxaafada
qaybaheeda kala duwan loo dirayey, waxaana ka muuqatey xubnaha u qaabilsan
arintaas mid aan shirka waxba kala socon iyo in wax kale jiraan lama oga.
Shirkaan oo horudhaciisa la sixiixey 09/05/2008-da islamaraakana laga jooga 100
maalmood xiligii la sixiixay oo lagu sheegey in Ciidamada Ethopia dalka ay uga
baxaan 120 maalmood, islamarkaana bedelkooda la keeno ciidamo UN-ka ka socda,
lana sameeyo Xabad joojin ayaa waxaad moodaa in arintaas suurtagal nimadeeda ay
sii yaraaneyso, sida ay qabaan dadd kala duwan maadaama aan hada wali la qaadin
tilaabo muujineysa arintaas, waxaase 19/08/2008-da la shaaciyey in ciidamda
Ethopia bixitaankoodu uu ka bilaabanayo xiligaas, balse jadwalkii ay ku bixi
lahaayeen uu soo diyaarindoono, gudiga nabadgelyada ee labada dhinac.
Laakiin la arkidoonee halka ay hawshu ku dambeyndoonto, inkastoo la sheegayo in
la soo af-jarey arinta hawlihii soo bilaabmey bilowga sanadkan 2008-da.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2008