SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxgaradka Somaliyeed ee dalka Kenya ku nool  iyo Mas'uuliyiin katirsan Isbaheeysiga dib u xoreynta oo kullan ku yeeshay magaalada Nairobi.

Sawirada Halkan ka daawo.....

Kulan Afur iyo Casho sharaf isugu jiray oo ay soo qaban-qaabiyeen waxgaradka Soomaaliyeed ee deggan dalka Kenya, isla markaana lagu casuumay mas'uuliyiinta isbaheysiga dib u xorreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, ayaa xalay lagu qabtay hotelka caalamiga ah ee  Inter-continental Hotel kuna yaal bartamaha  magaalada Nairobi ee dalka Kenya..

Ibraahim Ilkacase oo ah xiriiriyihii kulanka ayaa dadwaynihii meesha joogay ugu baaqay in casho loo diyaariyay balse furitaanka cashada ay ku hormari doonaan madaxda kulanka lagu soo dhaweynayo oo uu ugu horeeyo Sh. Shariif, Shariif Hassan, Pro Mohamed Cumar "Gaandi" iyo mas'uuliyiin kalle oo isbaheeysiga ka tirsan sida Xog-hayaha Qorsheynta iyo Tababarada IDS, ahna Gudoomiyaha Golaha Qurbo joogta Soomaaliyeed, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Markii dhamaan dadkii kulanka ka soo qeybgalay ay cashada dhameesteyn waxaa munaasabada aayado Qur'aan ah ku furay Macalin Abdiaziz Abdulaahi Mohamed. Kadibna waxaa si toos ah u biloowday kulankii Isbaheeysiga lagu soo dhaweenayay. Iyadoo kulankan soo dhaweynta wafdiga Sh. Shariif ay soo agaasimeyn Waxgaradka Somaliyeed ee dalka Kenya ku nool iyagoo aan u kalla harin culumo iyo caama intaba.

C/kariim Sabriye Maalin oo ka mid ah qaban-qaabiyayaasha munaasabaddani ayaa ugu horreyn halkaasi ka sheegay inay wafdiga isbaheysiga la qaadeen dib u heshiisiinta, "Dadka Soomaaliyeed ee jooga dalka Kenya dhammaantood waxay diyaar u yihiin inay idin kala qeyb qaataan dib u dejinta iy dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed ee aad horkaceysaan" ayuu yiri C/kariim.

Sh. Maxamed Cali Taraar oo ka mid ah culimaa'uddiinka Soomaaliyeed oo isaguna ka hadlay kala dambeynta iyo faa'iidada ay u leedahay bini'aadamka ayaa sheegay in bini'aadamku uu qiime ku leeyahay un nidaamka, hadduu nidaam waayahana aanu waxba ka duwanayn duur-joogta aan carbisneyn, "Walaalayaal waxaan idin sheegayaa dowlad kasta oo xun, nidaam la'aanta ayay dhaantaa, fowdadu waxba ma reebto, dal, diin dad iyo karaamo wax Allaale waxay reebto maleh" ayuu sheekhu hadalkiisa ku sii daray.

Sh. Abdirisaq Abdulaahi Adam oo isna ka mid ahaa culumadii kulanka ka hadashay ayaa sheegay in nabada aan ka wada shaqeeyno. Sheekhu wuxuu dadwaynihiin kulanka ka soo qeybgalay soo xasuusiyay in Nabi Mohamed "S.C.W" uu heshiis nabad ah la galay dad ku dadnimo ugu liita ee ah Yuhud iyo kuwii dhagaxyadaa caabudi jiray ee kufaartii Qureysh ay ugu horeeyaan. Dhan kalle Sheekhu waxa uu dadwaynaha somaliyeed ugu baaqay in muqaawada sharciga ah in la taageero.

Sh. Abdiaziz Xaaji oo isagana ka mid ahaa culumadii ka hadashay kulanka dadkii meesha isugu yimid hordhigay su'aal aheyd horta ma iswaydiinay sidee ooga bixi karnaa dhibaatadan inagu habsatay.? Isagoo sheekhu cadeeyay in qofkii qof Muslim ah dila uu naarta Jahano uu Alle galin doono. Sh. Abdaziz oo si weyn ugu dheeraaday dagaalada ka socda Somalia ayaa dadkii kulanka ka soo qebgalay ay qudbadiisa ku kala qeybsameyn iyadoo sacab iyo qaylo la isku daray.

Hassan Guleed oo ah Gudoomiyaha ganacsatadda xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi oo ka mid ahaa dadkii qudbahada ka soo jeediyay kullanka ayaa sheegay in dhibaatadda ugu badan dadka Somaliyeed heesata ay tahay hoogan xumo "dadka Somaliyeed waa dad is jecel waa dad 100% muslim ah balse Madaxda Somaliyeed ayaa ah kuwa aan heshiin dana gaarana fiirasadda" ayuu yiri Hassan Guleed oo ah gudoomiye ganacsada ee Xafaada Islii ee magaaladda Nairobi.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, Shariif Xasan Sh. Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in laga yaabo waddada nabadda inay dheer tahay oo ay u baahan tahay meelo badan in lagu istaago, "Maanta Caalamka haddii la aaminsanaa Soomaaliya ciidamada Itoobiya intay soo galaan inay wax ka qaban karaan, runtii waa la arkay wax kama qabanin, dadkii Soomaaliyeed way diideen dalkooda in la qabsado wayna ku dagaallameen" ayuu yiri Shariif Xasan.

Wuxuu kaloo ka codsaday Soomaalida inay nabadda u midoobaan, "Maanta Soomaaliya haddii run la sheegayo nabadda iyadaa u baahan, dadka Soomaaliyeed geedo hoostood ayay fadhiyaan" ayuu yiri isagoo sheegay inaanay kaligood nabadda meel marin karin oo dadka Soomaaliyeed ay ka codsanayaan in ay la qabtaan "Waxa aan rabno halamar lama wada heli karo, marka waxaa la rabaa inaan inta bilowno maalinba ku sikano, marka dambe si aan u gaarno, sharafteenii, qarannimadeenii iyo karaamadeenii, haddii kale oo bannanada aan joogno dagaalkana sii socdo dhibkana waa sii soconaa" ayuu yiri Shariif Xasan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jabuuti, ayaa isaguna sheegay marxaladda la joogo inay muhiim tahay nabad in la raadiyo "Nabaddana hadba si ayaa lagu raadiyaa, waxaan xasuustaa sheekadii la sheegi jiray oo ahayd laba nin oo isku dhagtay oo is dhaqaajin weysay markay isku rafaadeen nin ayaa caqli keenay oo yiri, "War ninyahow ha la is daayo miyaan maqlay" marka kii kale wuxuu yiri "Anna waan maqlay aan is deyno waayahaye". Haddii ha la is daayo sheekadu ay tahay oo Itoobiyana ha baxdo anagana danaheena aan ka shaqeysano, war ragow arrintaas maxaa ku jaban? Ma ceebaa ku jirta? Ceeb kuma jirto" ayuu yiri.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed maanta ay heystaan amni-darro iyo macluul, ayna dad gaaraya 3 Milyan iyo bar qarka u saaran yihiin macluul, haddii gargaar lala gaari waayo oo dhibaatada ay iska sii jiraanna "waxay noqoneysaa" buu yiri "Dad badan oo aanay xabbadi dilin inay macluuli disho". Sheekh Shariif wuxuu Soomaalida ku baraarujiyay inay nabadda taageeradeeda ficil u badalaan, xaaladduna ay iska badashay sidii sannadkii 2007 ay adduunka iyo Itoobiyaba aaminsanaayeen.

Wuxuu sheegay in jawiga maanta lagu jiro iyo dagaalladii 19ka sano ay sababeen qofkii nabad sheega in la tuhmo "Soomaali meel kastoo ay joogtaba waxaan fareynaa haddii ay xaaladdu isbadasho oo Alle uu noo suuragaliyo cadowgaas inuu ka baxo dalka dhammaan waa in nabada laga shaqeeyaa, waa in dhiig Soomaaliyeed oo dambe uusan daadanin, wixii dhibaato ah oo jira waa in laga wada hadlaa, laakiin cid kasta meesha ay joogto mas'uuliyaddu iyada ayay saaran tahay, nabadda waa inay dhinaceeda ka raadiso wixii dhacayna waa in si daggan looga wada hadlo, oo ama Soomaali u dhaxeeya ama cid kale nagala dhaxeeya" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxgaradka Somaliyeed ee dalka Kenya ku nool ayaa waayadan danbe u muuqday in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan cidwalba oo diyaar ah u ah in nabad ku soo dabaasho xaaladda cakiran ee dalka haatan uu ku jiro.

Wafdiga uu hogaamnayo Sh. Shariif iyo shariif Hassan ee waayadan ku sugnaa magaaladda Nairobi ayaa kullamo dhinacyo badan ah la yeeshay heyado caalami ah, safaaradaha dalalka daneeya arrimaha Somalia ee dalka Kenya ku yaal, Midowga Yurub, midowga Africa iyo waxgaradka Somaliyeed ee dalka Kenya ku nool.

Wabilaabi towfiiq.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Nairobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 15, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS