SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Magaalo la Gumaysto Maamul ma loo Samayn karaa?

Taariikhda ayaa xusaysa mudnaanta ay leedahay Magaalada Muqdisho oo ay maanta gacanta ugu jirto Gumeystaha Maxaysatada ee Itoobiya Shirqoolkani ayaa wuxuu ahaa mid ay Mission kiisu ay ka dambeeyeen Ururka la yiraahdo IGAD iyo Qabqablayaasha Dagaalka ee Soomaaliya Shirkii Narobi ee Soconayey muddo ka badan laba sanadood ayaa waxaa ka soo baxay in Madaxweyne loo doortay mid ka mid ahaa Qabqablayaashii Dagaalka ee Soomaaliya taasina ay noqotay in uu u hirgalay Shirqoolkii IGAD ay ka lahayd Dalka Soomaaliya ujeedaduna ay ahayd in Ciidamada Itoobiya ay gacanta u dhigaan Caasimadda Dalka .

Xilligii ay Midowga Maxaakiimta Islaamku ay gacanta ku hayeen Caasimadda Dalka ee Muqdisho waxay ahayd waqtigii keliya ee muddo 17-Sanadood ay dadku nabad ku seexdaan nabadna ku soo toosaan haddaba sababtu maxay tahay ?sababtu waxay ahayd shacabku waxay ahaayeen kuwa iyagu abuuray kacdoonkaasi iskana tuuray Cadaadiskii Qabqablayaasha ee Magaalada Xoogga ku haystay waxayna heleen xoriyad buuxda Hase ahaatee waxaad arkaysaa in wada Shaqayni ay ka dhaxayso Qabqablayaasha iyo Maxaysatada Itoobiya maxaa wacay ? isla markiiba waxay Ciidamada Itoobiya bilowday sidii ay ku hanan lahayd Magaalada Xamar.

Maamulkii Gobolka Banaadir ee uu Hoggaamiyaha u ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere ) ayaa kuu Markhaati ah in markii ay Ciidamada Itoobiya ay gacanta ku dhigeen inay uga dhigeen Guddoomiye Xiriirka Qabqablayaasha Dagaal ee Dalka Soomaaliya iyo Maxaysatada Itoobiya ayaa wuxuu yahay mid aad u adag taasina ay u suurtagashay inay Ciidamada Itoobiya ay ku nagaadaan Caasimadda Dalka Soomaaliya kuwaas oo maallin walba u geysta Xasuuq Shacabka raydka ah iyo Carruurta Dugsiyada Dhigta ee Xamar .

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Xilli ay Dunida Caalamku isku dayayso inay arimaha Soomaaliya wax ka qabato oo ay si deg-deg ahi uga bixi doonaan Ciidamada Shisheeye ee ay Itoobiya hor kacayso , iyo rajada nabadda ee ay Hormoodka u yihiin R/Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde ) iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoraynta Dalka ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed , hase ahaatee Xilka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Khilaaf fara badan kaddib waxay noqotay mid lagu heshiiyey in uu Meesha ka baxo Xil dambana uusan ka qaban Qaybaha Qaranka .

Waxaase is weydiin mudan Magaalo la gumaysto Maamul ma loo samayn karaa?Su'aashani ayaa jawaabteedu ay tahay mid iska cad oo uu qof waliba uu iska garan karo haddii marba ay joogaan Ciidamo Itoobiyaan ahi sidee uu Maamulku uu ugu Madax banaanayaa Maamulkiisa ,  horumarnitiisa iyo adeegyada kala duwan ee ay u baahan yihiin Bulshada raydka ahi , waxaa haboon in marka hore Dalka laga saaro Ciidamada Itoobiya kaddibna Maamul wadajir ah loo dhiso Magaalo Madaxda Dalka Soomaaliya kuwaas oo si xor ahi ay Shacabka u soo dooranayaan , iyadoo aan loo eegayn Qabqable iyo Qabiil oo ah kuwa shacabka kala dilay.

Muqdisho waxay ku haboon tahay in marka hore laga saaro Ciidamada Itoobiya Shacabkii la barakiciyeyna dib loogu soo celiyo ,shacabkana la baahi tiro dhinacyada ay u baahan yihiin oo dhan kaddibna la helo Kaadir Siyaasadeed oo Cilmi Diin iyo mid Jaamacadeedba leh si uu u guto waajibaadka ay bulshada ku dhaqan Magaalo Madaxda Dalka ee Soomaaliya ay u helilahaayeen nabada loo heli lahaa iyo barwaaqo waarta haddii ay Muqdisho degto Dalka intiisa kalena wuu degayaa.

Gabagabadii iyo Maqaalkani Magaalo la Gumeysto Maamul ma loo samayn karaa? jawaabtu waa maya Magaalo gacan Itoobyaan ahi ku jirto Xor ma ah markii ay Xorowdo ayay ku haboon tahay in Maamul Madax bannaan loo Sameeyo Shacabkuna ay ku faraxsan yihiin .

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yussuf (Daandurey)

Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 15, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS