SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xulka kubadda cagta jaaliyada Soomaalida London oo guulo ka soo hoyay koobka ‘’The Inner City World Cup 2008’’.

Koobka The Inner City World Cup waa koob sanad walba lagu qabta bartamaha magaalada London garoon ku yaal xaafada Regents Park, waxaana ka soo qayb gala 32 kooxood oo ka dhisan magaalada London, isla markaana ka soo kala jeeda dadyoowga kala duwan ee ku dhaqan magaalada London, kuwaas kala yimid 32 dal .

Ujeedada koobka loo qabta ayaa ah sidii ay isku fahmi lahaayeen waxna u wada qabsan lahaayeen jaaliyadaha ku nool magaalada London.

Jaaliyada Soomaalida London ayaa sanadkaan kaga qayb gashay koox xul kubadd cag ah oo laga soo xulay ciyaartooyda ugu wanaagsan kooxaha Soomaalida ka dhisan magaalada London, si ay u matalaan Soomaaliya.

Kooxda Soomaaliya ayaa ka mid noqotey qaybta E, tartanka isku aadka qaybta kowaad ee cayaaraha The Inner City World Cup 2008.

Group E

  • Bulgaria.
  • China.
  • Kuwait
  • Somalia

Sabti 6 September 08. kooxda Somalia ayaa ciyaarihii ugu horeeyay wareega kowaad ka soo hoysay guulo wax ku ool ah , iyadoo ay natiijadiina noqotey sidatan:

  • Somalia V China 3 – 0
  • Somalia V Bulgaria 3 – 1
  • Somalia V Kuwait 1 -- 1

Kooxda Somalia ayaa u soo baxday wareegii labaad ee tartanka kadib markii ay 7 dhibcood iyo 7 Goal isu gayn la yimaadeen 3-dii ciyaarood ay dheleen is aragii kowaad qaybta E.

Axad 7 September 08 Wareegii labaad tartanka kooxda Somalia waxay isku soo aadeen kooxaha kala ah Serralione iyo Pakistan, waxayna ku kala baxeen sidatan:

Somalia V Serallione 2 – 1

Kooxda Somalia ayaa u soo baxday Quarter Finale kadib markii ay si sahal ah kaga adkaadeen kooxda Serallione oo la islahaa way u awood sheegan doonaan kooxda Somalia.

Quarter Finale : Somalia iyo Pakistan.

Labadan kooxood ayaa isku mari waayay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta barbar dhac :

Somalia V Pakistan 1 – 1.

Waxaana si caadadu ahayd loo dhigay rigoorayaal ama laad xor ah, taas oo u saamaxday in kooxda Somalia ay dhaliyaan 4 Goal halka kooxda Pakistan ay dhaliyeen 2 Goal oo qura, sidaasna waxaa Semi Final ugu soo baxay xidigaha Somalia.

Xulka Somalia ayaa ciyaartii Semi Finalka waxay la dheleen kooxda Colombia, ciyaartaas oo xiisa gooni ah u lahayd dhamaan dadkii ka soo qayb galay intii uu socday tartankaan, madaama qaab ciyaareedka labadan kooxood ay aad isu shabahaan.

Kooxda Somalia oo dadaal aad u dheer u soo gashay inay u soo baxaan Semi Finalka ayaanan u saamixin inay ka gudbaan kooxda Colombia oo ah koox aad u adag isla markaana sanadkii hore gaartey ilaa Finalka tartankaan.

Ugu dambayntiina waxay ciyaartii ku soo gabagaboowday in xulka Somalia loogu awood sheegto 4 Goal halka ay Somalia-na dhaliyeen 2 Goal, run ahaantii markii aan qiimeeyay sida ay uga qayb galeen, xiliga tartanka la qabtey sanadkaan iyo 32 dal ee ka qayb gashay inay ka galaan kaalinta afaraad(4) waxaan ku tilmaami karaa mid ay soo hoyeen da’yarta Soomaaliyeed guul aad u weyn oo mudan inaa ugu hambalyeyno, waayo kooxda Somalia iyagoo Sooman ayay waxay labo maalin oo isku xigta la baratameen 630 daqiiqo 7 kooxood oo ay ku jireen kooxo aan soomanayn sida China, Bulgaria iyo Colombia, hadana inay ka qayb galaan oo garaan ilaa kaalinta afaraad waa mid sharaf u ah dhamaan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London.

Kooxda kubadda cagta Somalida London waxaa gudoomiye u ah Mudane Maxamed Buuwe oo ah nin dhiirigaliya had iyo goor dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka magaalada London Zona Wembley & Stone Bridge Park.

Waxaan halkaan hambalyo uga direynaa dhamaan ciyaartooyda kooxda Somalia iyo maamulayaashooda gaar ahaan

Macalinka kooxda Ibraahim Amoore, Faysal Ducaale Agaasimaha kooxda, macalimiinta kala ah Bile Madbaco iyo Xasan Dhuudhi oo iyagana ahaa la taliyaal.

Dhamaad.

W / D : Yusuf Yusuf

Secretary General of SSPA & Sports Editor

mrsomalia@hotmail.com

London

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 11, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS