SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxnimada tartanka gudmiyahay gobolka banadir oo bilaabatay kumuu ahaa musharaxii ugu horeeyey ee soo bandhigo wax qabadkiisa

Maalin ka dib markii xilka qaadis guud lagu sameeyey maamulkii gobolka banadir uu horboodayay Maxamed Cumar Xabeed ( Maxamed Dheere ) ayaa waxaa so baxday in uu bilowdo tartan al doonayo in lagu hanto jagada gudoomiyenimo ee gobolka banadir oo la sheegay in mudo 15 maamood gudahod ah dorasho lagu sameyn doono cidii majaraha u qaban laheyd gobolka banadir iyo xubnahiisa golaha degaanka iyo kan gobolka banadir waxaan isaga oo ku qanacsanaa kala diridii xubnihii maamulka gobolka banadir isaga oo sharaxay markii ugu horeysay gudoomiye ku xigeenkii duqa Magaalada xaga arimaha bulshada Maxamed Cusman Cali Dhagaxtuur oo so bandhigay waxqabadkiisa ku aadan marka loo doorto isaga duqa magaalada muqdisho

Waxqabadkii Qeybta Arrimaha Bulshada Ee Maamulka G/Banaadir.
Qeybta arrimaha bulshada ee Maamulka G/Banaadir waxa ay ka mid tahay Qeybaha ugu muhiimsan Maamulka.
Hadaba Qeybta arrimaha bulshada ee Maamulka G/Banaadir waxa ay wax weyn ka qabatay arrimaha soo socda mudadii ay jirtay waana sida tan:
Dib u dhiska Adeegyada Bulshada.
Arrimaha Caafimaadka.
dib u dhiska MCHyada Degmooyinka G/Banaadir sida:

· Degmada Yaaqshiid.
· '' '' B/Dheere
· '' '' Kaaraan
· '' '' Shangaani
· '' '' C/casiis
· '' '' X/Weyne
· '' '' Waaberi
· '' '' iyo kuwa kale.

Dib u dhiska Wadooyinka iyo Jardiinooyinka.

Waxaa dib loo dhisay ilaa iyo 6 wadao
Waxaa dib loo dhisay ilaa iyo 9 jardiino.

Bulaacadaha & Biyo Fadhiisinada.

Sifeynta iyo Qashin Bixinta Dhuumaha Deg. X/Weyne & Shangaani.
Gelinta Dhuumo cusub Bulaacadaha Dekedda Duqa.
Iyo daraasad guud oo aan ku sameynay Bulaacadaha & biyo fadhiisinada guud Ee G/Banaadir.

Kijinada.

Xafiiska Arrimaha bulshada ee Maamulka G/banaadir wuxuu ku guuleystay mudadii uu jiray furitaan ilaa iyo 16 kijin kuwaasoo lagu quudiyo dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

Xiriirka caalamka.
Xafiiska Arrimaha Bulshada ee maamulka G/banaadir wuxuu xiriir la sameeyey caasimado badan oo ka tirsan Dunidda waxaana booqasho rasmi ah ku soo kala bixiyey caasimado badan oo ay ka mid yihiin:

Amistardaam.
Atanis.
Rabaat.
Nayroobi.
Dubay.
Riyaad.
iyo kuwa kale

hadaba anigoo kaashanaaya waaya-aragnimadii iyo khibradeyda Maamul ayaan waxaan halkaan si rasmi ah uga cadeynayaa in aan isu soo sharaxaaya qabashada xilka Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.
Haddii la ii doorto xilkaas waxaan ballan qaaday in aan ku shaqey doono rabitaan Shacabka reer Muqdisho sidii caadada ii ahaydba.

Waxaan rejeynayaa in hanaankeyga maamul uu noqon doono mid raali geliya Shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale waxaan cadeynayaa in haddii aan lay dooran xilkaas la shaqeyn doono cidii xilkaas loo doorto.

Mahadcelin
waxaan halkaan mahadcelin ballaaran uga soo jeedinayaa maamulkii hore ee G/Banaadir heer gobal ilaa heer degmo ee sida hagar la'aanta ah noola soo shaqeyey iyo shacabka magaalada Muqdisho kuwaasoo na siiyey kalsoonida aan ku shaqeynaynay iyo guud ahaan inta gacan naga siiyey gudashada xilkaas.

Barnaamijka Shaqo.

- markii aan helo kalsoonida Golayaasha la soo xuli doono iyo tan shacabka waxaan qaadi doonaa tilaabooyinka soo socda:

1. Xaqiijinta Nabadgelyada G/Banaadir

A) Maamulkaygu wuxuu u mari doonaa arrinta Xaqiijinta Nabadgelyada Shacabka.
B) Hanaan Wada hadal.
C) Deriseyn iyo dib u hehiisiin.
D) Wacyi gelinta bulshada.
E) Si aan u xaqiijino Arrimahaan waxaan gacan weydiisan doonaa Dowladda dhexe.

2. Arrimaha Bulshada.

1. Waxaan xaqiijin doonaa Soo celinta Adeegyada Bulshada Sida:
A) Caafimaadka.
B) Waxbarashada.
C) Isboortiga.
D) Wadooyinka.
E) Nadaafada iyo Soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho.
F) Bulaacadaha
J) maamulkagyu wuxuu dhowri doonaa Dhaqanka iyo Hidaha.
I) maamulkaygu wuxuu dhowri doonaa Xaquuqu bini'aadamka.
K) maamulkaygu wuxuu tixgelin gaar ah siin doonaa culumaa'udiinka soomaaliyed.
L) maamulkaygu wuxuu dhowri dooonaa xuriyatul qowlka midka wax dhisaaya.
M) maamulkagyu wuxuu tixgelin gaar siin doonaa haweenka soomaaliyeed kuwaasoo ay soo gaartay dhibaatooyika ugu badan isla markaasna waxay ka heli doonaa maamulkayga 30%.
N) maamulkaygu wuxuu u howgeli doonaa sidii dib loogu soo celin lahaa dadka ka barakacay magaalada muqdisho.

3. Maamul Wanaag.

1. maamulkaygu wuxuu ku shaqey doonaa hab maamuleed la jaan qaadi kara hababka maamul ee Caalamka ka jira.
2. hanaankayga maamul wuxuu ku saleysnaa doonaa tashi iyo talo wadaag.
3. maamulkaygu wuxuu dhowri doonaa xaquuqda shaqaalaha.
4. maamulkaygu wuxuu wanaaji doonaa xiriirka caalamka iyo iskaashi buuxa oo aan la yeelano hay'adaha caalamiga ah.

hadaba anigoo kaashanaaya waaya-aragnimadayda iyo khibradeyda maamul waxaan si rasmi ah isugu soo sharaxayaa qabashada xilka Guddoomiyaha G/banaadir waxaana balan qaadayaa inaan ku shaqeyn doono rabitaan shacabka soomaaliyeed hadii la doorto xilkaas sidii caadada ii ahaydba.

ugu dambeyntii waxaan rejeynayaa in uu maamulkaygu noqon doona mid raali geliya shacabka Soomaaliyeed.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 11, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS