Maxaad Kala Socotaa Heerarkii ay soo Martay Magaalada Boosaaso
Cabdixakiim
Jaamac Jooje
Social Development
Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadiban dhammaan
akhristayaasha sharafta iyo qaayaha mudan waxaan halkan uga soo
gudbinayaa salaanta islaamka (A.C.W.W).
Boosaaso oo ah magaalo taariikh dheer, oo harsaneysay xaadarad aad u
fog, ayaa waxaa lagu soo waramaa in uu ka jiri jiray weligeed ganacsi
qoto dheer oo ay la lahaan jirtay ganacsato carbeed iyo kuwo ka yimaada
bariga fogba. Waxa ay ahaan jirtay Boosaaso xaruntii dhulkii la oran
Dhulkii udugga ama Puntland. Magacii hore ee loo aqooni jiray wuxuu ahaa
Bandar Qaasim. Boosaso waxey ka mid ahaan jirtay magaalooyinkii ugu
horeeyay Soomaaliya, ee uu ka jiri jiray dhaqdhaqaaq ganacsi iyo kuwii
la lahaa ganacsaar badmareenadii u kala socdaali jiray Bariga dhexe iyo
bariga fogba.
Kadib markii loo halgamayey Xorriyaddii Soomaaliya, ayaa dadkii
markaa wax u soo bartay gayigaa iyo kuwoodii waxgaradka ahaa, ayaa waxey
u soo wareegeen dhanka iyo koonfurta, si ay uga qeyb qaataan halgankii
xoriyadoonka, oo ay qaarkood hormuudba u ahaayeen, sida halgankii SYL.
Haddaba markii la gaaray hadafkii Soomaali weyn ee ahaa in la helo
xorriyad buuxda, ayaa waxaa dhidibada loo taagay dowlad Soomaaliyeed, oo
ka kooban dhammaan Soomaliweyn, oo xarun looga dhigay Magaaladii
Muqudisho. Taas ayaa waxey horseeday Soomaali intii markaa reer magaal u
aheyd, oo kasoo wada hayaamay dhammaan goboladii dalka inay kusoo
hirtaan xaruntii dowladeenii aynu muddo u haraadaneen. Halkaas waxaa ka
bilowday in dadkii indhaha u ahaa bulshada ee deganaa goboladii dalka,
ay badankoodii soo faaruqiyaan magaalooyinkii ay hormuudka u ahaayeen.
Dowladihii isaga danbeeyay maamulkii dalka, oo hadafkoodu badanaa
ahaa bal in marka hore la hormariyo caasumadii dalka, ayaa iyaguna wax
howlgal ah oo ay ka qabteen magaalooyinkii kale oo horey u jiray ma
jirin. Waxyaalaha aadka looga naxo waxaa ka mid ahaa xilligii dowladii
Milateriga, in Boosaaso ay kasoo degi jireen ganacsigii dalka ka socday
Bedeecadihii lagu kala iibsan jiray 40%, haddana lasoo dhaafin jiray oo
lagu kala iibsan jiray magaalooyinka Xamar iyo agagaarkeediiba.
Nasiibdarro xitaa magaalloyin kaloo badan ayaa uu kacaankii iyo dowladii
rayidkaba maalgeliyeen, laakiin marna fursad lama siin goboladaa
leysku oran jiray waqooyi Bari Soomaaliya. Waxaa xitaa goboladaa la oran
jiray ama loo bixiyay magacyo ay ka mid ahaayeen ( La Gaari Waa ), oo
looga gol lahaa fogaanta iyo wado la’aanta ka jirtay.
Boosaaso kama dhisnayn iskuulo horumarsan, kama dhisnayn isbitaalo,
kama jirin adeegyada bulshada ee muhiimka ah. Arimaha iguugu cajiibka
badnaa waxaa ka mid ahaa, sanadii 1983dii dhamaadkeedii innagoo ku jirna
Dugsigii tababarka Xalane ee Xamar, ayaa waxaa leysu yeerinayey gobol
gobol, maalin maalmaha ka mid aheyd,wax iga yaabiyay wuxuu ahaa, gobolka
Bari, oo ah Gobloka Soomaaliya ugu weyn, uguna degmooyinka badnaa marka
Xamar laga reebo, inay ka yimaadeen 28 Arday oo qura, halka gobolada
kale ay ka socdeen, gobolka ugu yar illaa iyo 100 Arday. Intaanu la
kaftanay arday ka mid ahaa ardeydii markaa ka timid Bari, ayaanu ku
niri, idinkoo dhan waxaa idinka baddan Fasalkeenii, oo ahh fasalka {
Form Four J, ee Dugsigii Sare ee Sakhaawadiin – Xamar }. Waxaa
iyaduna arimaha aadka loola yaabo ahaa ganacsatadii ugu waaweyneyd
gobladaas, oo weliba had iyo jeer wax uga soo degi jireen dekedii
Macmalka ahaa, ee ka jiray Boosaaso iyo Qandala, oo had iyo jeer Gobolka
ku xirnaa, oo aan midkoona Guryo ku laheen Magaalada Boosaaso iyo
magaalooyinkii kalaba ee gobolka ka tirsanaa.
Dhamaadkii 80aadkii, ayaa waxaa ay nasiib u heleen Goboladaa Bari, in
looga faa’ideeyo Barnaamijkii horumarinta Africa ay ku deeqday dowladdii
Talyaaniga, kasoo loogu dhisay waddada dheer ee isku xirta Gaalkacayo
Illaa iyo Boosaaso, iyo weliba wajiga 1aad ee dekadda Boosaaso. Runtii
barnaamijkaas horumarineed wax weyn buu ka qaatay horumarka ay illaa iyo
maanta higsanayaan goboladdas. Adeegyadaas waxey sahleen ama fudueeyeen
isusocodka gawaarida isaga kala goosha Min Bari illaa iyo koonfur.
Waxaana mahadeeda iska leh, Allaah ka soke Maxamed Siyaad Barre, oo
markaas ahaa madaxweynihii SoomaaliYa ( Allaha u naxariistee ), oo wuxuu
goboladaas kasii jeestaba, Allaah markii danbe uga soo qaaday.
Haddaba markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya, bilowgii
90kii, oo uu waddanka ka dhacay dagaaladi saokeeye, ayaa waxey somaali
isu leysay beel beel iyo qabiil qabiil, taasoo keentay in dadkii deganaa
magaalada Xamar ab ka ab, inay dantu baddo ama inay Qurbo u qaxaan ama
ay kasoo jeestaan magaaladi ay asal ahaan u nisbo sheeganayeen. Waxaana
mashaakilkaas ka shaqeeyay nimaan Mujrimiin ah, oo iyagu rabay inay
qaadaan wado alla waddadii ay ku gaari karayeen kursiga, iyagoo isku
diray oo madaxa isu galiyay ummadihii walaalaha ahaa, oo uu ka dhaxeyn
jiray deris wanaaggu. Taasoo ay dad ka baddan boqolaal kun oo qofood, ay
dib ugu noqdeen goboladii ay asal ka yimaadeen. Dadkaan oo
aaminsanaa inaan lakala xigin dhulka soomaaliya, ayaa hanti waxa ay
lahaayeen gashaday Caasimadii soomaaliya, oo iyadu markaas aheyd
Muraayaddii waddanka. Dowladihii soo maray soomaaliyana waxey adeegyo ka
fuliyeena waddanki, wax ay galiyeen 90% Muqudisho, halka dalka oo dhan
loo qeybiyay 10%, oo runtii aheyd wax aan leys bar bar dhigi karin.
Haddaba dadkii faraha badnaa ee dib ugu soo noqday magaaldii
Boosaaso, oo ayan weligood ku riyoon inay dib ugu soo noqon doonaan,
ayaa waxa ay dantii baday qof walba wixii uu xirfad lahaa iyo meeshii uu
nolol ka bilaabi lahaaba ay noqotay hadda iyo koow.
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadiban dhammaan
akhristayaasha sharafta iyo qaayaha mudan waxaan halkan uga soo
gudbinayaa salaanta islaamka (A.C.W.W) Kadib markii uu bur burkaas
dhacay, oo qof waliba ay dantii baday inuu dib ugu noqdo magaaladii ama
tuuladii uu asal kasoo jeeday, ayaa Boosaaso waxa ay ka mid aheyd
magaalooyinka sida aadka ah loogu noqday, loona camiray. Dadkaas ku
noqday Boosaaso badankoodii ma ayan heysan xitaa wax ay nolol ku
abuurtaan, nasiib wanaag Allaah ayaa u barakeeyay dhulkoodii, oo qof
waliba wixii uu aqoon lahaa, ama xirfad lahaa ayuu ku howlgalay. Iyadoo
uu qof walba diyaar u noqday inuu nolosha kasoo bilaabo saqcadda ( Grass
Root ). Wax uu qof walba ordaba, oo dhinaciisa uu isaga dayo siduu
naftiisa iyo magaaladiisaba wax ugu qaban lahaa, ayaa akhiiran waxa ay
ku guuleysateen ugu yaraan inay magalada bal marka hore maamul kumeel
gaar ah loo sameeyo. La abaabulo waxooga kala danbeyn ah iyo
ganacsatadii oo iyagoo wada jira sameystay ciidan u ilaaliya hantidooda.
Boosaaso 18 sano kadib, maanta waxa ay ka mid tahay 3da magaalo ee
ugu waaweyn Soomaaliya { Muqadisho, Hargeysa, Boosaaso }. Waxaa kaloo
loo qiray inay tahay magaalada ugu koboca weyn Soomaaliya oo dhan, oo uu
horumarkeeda xowli ku socdo. Boosaaso waxaa ka jira waxbarasho la
tartameysa tan ka jirta dunida, waxaa ku yaala in ka baddan 40 Dugsi
sare iyo Machadyada la siman, waxaa kaloo ku yaala Machadyo
waxbarashadooda sareyso, sidoo kale waxaa ku yaal jaamacadda caanka ah
ee East African Universiry, oo ka kooban faracyo baddan oo kala duwan.
Waxaa kaloo ku yaala machadyo diini ah oo fara baddan iyo Dugsiyo baddan
oo casri ah oo lagu xafido Quraanka. Waxaa kaloo Boosaaso farac cusub ka
furatay Jaamacadda weyn ee Muqudisho University, oo dhawaan howlgali
doonta.
Dhanka Caafimaadka magaalada waxaa ka howl gala Taqaatiir aad iyo aad
u tiro baddan, oo waxaa ku yaala illaa iyo 3 isbitaal, iyo rugo
caafimaad oo faraha ka baddan. Waxaa kaloo indhahaaga soo jiidanaya
rugaha farmashiyaasha oo aad iyo aad u tiro baddan. Dhanka ganacsiga
magaalada waxaa si xowli ah u shaqeysa dekeda weyn ee Boosaaso, taaso ay
shaqadeedu socoto 24ki saacba, waxana wey kasoo degaan waxna waalaga
dhoofiyaa. Waxey kaloo leedahay magaalada Shirkado waaweyn oo ka
ganacsada, waxyaalaha muhiimka u ah nolosha Soomaalida. Waxaa kaloo
xarumo waaweyn ku leh dhammaan shirkadaha ka jira waddanka ee
xawaaladaha. Waxaa magaalada si toos ah uga baxa Diyaaradaha aad
Khaliijka, ugana soo degta. Waxey kaloo magaaladu leedahay Hoteelo
waaweyn oo ah kuwa casriga ah ama loo yaqaan 3Stars, sida Villa
International, Panorama, Huruuso, Karaama 2, Al-khaleej, Abuudabey, iyo
kuwo kaloo fara baddan, oo isugu jira kuwa yar yar iyo kuwo waaweynba.
Waxaa magaalada ku yaala illaa iyo 2 Idaacadaha leyska arko, oo casri
ah, sidoo kale magaaladu waxey leedahay dhowr raadiyo. Waxaa kaloo
magaalada ka jira oo kasoo baxa wargeysyo faraha ka baddan, oo qaarkood
maalinle ah, qaarna ay soo baxaan todobaadkiiba mar. Waxaa magaalada
laga dhisay dhismayaal aad iyo aad u casri ah, oo qaarkood ay yihiin
deegaan, qaarna loo dhisay in lagu isticmaalo qaab ganacsi. Magaaladu
waxa ay fiday in ka baddan 85%, taasoo ay magaaladu dhan walba ka fiday.
Xagga isgaarsiinta magaalada waxaa ka jira shirkado baddan oo telefoon,
sida Golis, Netco, telecom. Weliba intaas waa warbixinta aynu heyno,
waxa ka baddan weli inta aynaan helin. Sidoo kale waxaa magaalada ka
furan warshado yar yar, ha noqdaan kuwa cabitaanka, cuntada i.w.m. Waxaa
kaloo magaalada tuulooyinka u dhow dhow laga sameeyay Beero fara baddan
kuwaas oo illaa xad daboolay baahiyaha ka jira magaalada
Runtii horumarka ay sameysay magaalada Boosaaso maaha mid halkan lagu
soo koobi karo, runtii waa wax allaah loogu mahdiyo una baahan in lagu
shukriyo nimcooyinkaas uu Allaah idiinku galadeystay.
Sidoo kale waxaan halkan doonayaa inaan idinkuugu soo gudbiyo
talooyin islaamnimo iyo mid walaaltinimoba ah, oo aan doonayo inaan ugu
gudbiyo dhammaan ummadda reer Puntland gaar ahaan, Waxgaradka,
aqoonyahanada, ganacsatada, Culimada, Issimada, iyo dhammaan dadka
wanaaga ehelka u ah ee reer Boosaaso. Talooyika aan usoo jeedinayaa waxa
ay yihiin:-
- In aad ku shukrisaa nimcooyinkaas uu allaah idinku galadeystay.
- In aad ka warqabtaan, daka kasoo barakacay deegaanada ay
dhibaatooyinku ka jiraan.
- Inaad had iyo jeer ka shaqeysaan sidii Soomaali ay isugu soo
noqon laheyd, oo aad hormuud u noqotaan dib u heshiisiinta
Soomaalida.
- Inaad u gurmataan xeryaha Qaxootiga ah ee ka jira agagaarka
Boosaaso.
- Inaad ka qabataan waxmagaratada had iyo jeer dulminaya dadka
idiin soo mutay.
- Inaad wax ka bixisaan hantida iyo Xoolaha uu Allaah, idinkuugu
galadeystay, oo aad quudisaan dadkkas idiin soo mutay.
- Sidoo kale inaad ilaashataan nabadda uu Allaah idinkuugu deeqay
- Had iyo jeer ilaaliya oo xafidana nimcooyinkaas uu Allaah
idinkuugu deeqay, oo waa wax leydinku eegayo.
- Inaad wax ka qabataan xeryahan Cooshadaha ah, ee maalin walba
iyo waqti walba iska gubanaya.
- In aad wax ka qabataan Tahriibka iyo dadka dulmiga u geysanaya
dadka masaaakiinta ah, ee iyagu nolol wanaagsan raadsanaya.
Haddii aad yeeshaan sidaas waxaa dhici karta inuu Allaah idiin
barakeeyo deegaanadiina, oo ay idiin sii siyaado baraarahaa iyo
horumarkaas. Laakiin maalinti aad raali ka noqotaan qof wax dulminyaaa
ogoaada ciqaabta allaah ma foga.
Sidoo kale iska qabta wax magaratada had iyo jeer caadeystay inay soo
afduubaan Maraakiibta, taasoo sumcaddiina hoos u dhigaysa, idiin
gaarsiin kartan heer aan lasoo aadin carrigiina, oo aad go’doon
noqotaan.
Intaas ayaan qormadeyda kusoo gabagabeynayaa, waxaa inoo Ballan ah
inaadan fogeyn walaalkiin Soomaaliga ah, ee idiin soo mutay, haddii
uusan dhibaato wadan.
Wabilaahi Towfiiq
Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac jooje
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2008 |