SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomihii gobolka banadir Maxamed Cumar Xabeeb oo markale xilka qaadistiisa wareegto labaad laga soo saaray  iyo dhamaan maamulkiisii oo lakala diray  

Wareegta ka soo baxada  xafiiska madaxtoyada villa somaliya ee Madaxweyne Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa xilka looga qaaday gudoomiyihii maamulka gobolka banadir iyo kuxigeenadiisi warqad qoraal ah oo uu aqriyey afhayeenka dowlada Cabdi xaaji goobdon ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaday muumuladii ay kala magacaabeen Cabdulaahi yuusuf axmed iyo Nuur cade waxaana saxaafada laga hor  aqriyey qoraal  dheer oo uu ku saxiixnaa madaxweynah dowlada fadaraalka KMG Somaliyeed  qoraalkaan u danbeeyey ee xilka looga qaaday  dhamaan masuliyiintii maamulka gobolka baandir iyo maamulkii ku meelgaar ahaa ee dhawaan uu soo magacaabay raisal wasaare Nuur Xasan Xusen Nuur Cade taas oo buuq badan ka abuurtay mas.uuliyiinta dowlada iyo xubnaha barlamaankaba , ayaa waxaa aqiyey afhayeenka dowlada 

Maanta ayaa lagu dhawaaqay maamul ku meelgaar ah waxaana meeshii ka baxay maamuladii isbrabaryaaca ahaa ee horey ay u kala magacaabeen ra iisal wasaara nuur cade iyo madaxweynihiinsa Cabdulaahi yuusuf Axmed , 

Wareegtada oo uu soo saaray Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Ayaa ka danbeysay kulan balaaran oo ay qateen xubnihii maamuladii kala duwanaa ee ay kala magacaabeen raiisal wasare Nuur cade iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo maamulka cusub ee ku meelgaaraka ah kaas oo talada gobolka heyndoono Mudo 15 ka beri ah ee lagu tilmaamay mudada kala guurka ee gobolka bandir , 

Waregtada ayaa u qorneyd sidaan 

Digreetada uu soo saray Madaxweynaha Jamhuriyada Somaliya ayaa nambarkeedu ahaa JTXM227 -9 sanadka 8aad ku taariikheysan 09/90/2008 

Madaxweynaha jamhuriyada fadaraalka ee  somaliya markuu arkay axdiga fadaraalka KMG ah qodobkiisa 44aad 

Markii uu arkay sharcigii lagu dhisay Gobolada iyo dagmooyinka dalka barlamaankuna uu soo gudbiyey Madaxweynaha 01/08/2006dii Madxweynuhuna saxiixay 03/08/2006dii , 

Markii uu tixgaliyey roadmap qariidadii nabada ama wadadii nabada waa sida ay u qorontahaye , La saxiixay 26/08/2008dii , 

Markii uu arkay warqada ku sumadeysan ODN  nambar 277 -98 kuna taariikheysan 297 kana soo baxday xafiiska raiisal wasaaraha warqadaan oo ah soo jeedin xilka qaadis hogaankii sare ee gobolka banadir iyo ku xigeenadiisii iyo xil u magacaabis gudi sare oo ku meel gaar ah oo sii maamuli doona gobolka banadir inta laga soo dooranayo Maamul Cusub oo uu yeesho gobolka banadir , 

Markii uu arkay Madaxweynuhu bahida loo qabo in la sameeyo maamul la soo doortay oo ka yimid rabitaanka dadka ku nool gobolka banadir wuxuu go.aamiyey Madxweynaha Jamhuuriyada somaliya 

In laga bilaabo 09 /09/2008 da laga qaaday xilkoodii hogaankii sare ee gobolka banadir lana magacaabey gudi sare oo ku meel gaar ah oo u googol xaari doono maamula la soo doortay mudo 15 maalmood ah ,

 Hogaankii sare ee maamulaka gobolka banadir ee xilka laga qaaday

Waxay kala yihiin 

  1. Mudane Maxamed Cumar Xabeed Maxamed Dheere gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalada Muqdisho
  2. Axmed Tahliil Warsame ku xigeenka arimaha siyaasada ee gobolka banadir
  3. Maxamed Cusman cali ( Dhagaxtuur ) ku xigenka duqa Magaalada arimaha bulshada gobolka banadir
  4. Maxamed Cumar Nuur ku xigeenka mamulak guud iyo maaliyada
  5. 5 Cabdi fatax Ibraahin Cumar Sabriye ( Ina Shaaweey ) ku xigeenka xaga arimaha nabad galyada
  6. Cumar Maxamed Aweys ( dacas ) ku xigeenka xaga howlaha guud
  7. Cabdi xaashi liibaan ku xigeenka ku xigeenka xaga arimaha dib u heshiisiinta

Intaasu waa gudigii maamulka gobolka banadir ee xilkii laga qaday 

Xubnaha gudiga kale ee gobolka banadir ee ku  meel gaarka ah xiliga kala guurka ah mudo 15 maalmood ahna xilka sii heyn doona inta doorashada ka horeysa 

Ayaa ka kooban , 

  • 1.      Ibraahin Sh: Muxudiin gudoomiye xilkii Maxamed Dheere oo taleephonkiisa gacantu yahay

  • 2.      Cabduqaadir walaayo maxamuud gudomiye ku xigeen duqa magaalada

  • 3.      Xasan maxamed Cusman Xaaji Xubin

  • 4.      Inj Cabdulaahi cali gadaafeey Xubin

  • 5.      Maxamed Cabdulaahi haruun Xubin

  • 6.      inj MAxamed Jaamac Kulmiye Xubin

  • 7.      Xuseen Cadow Cali xubin

  • 8.      Cabdulahi Cabdulle Weheliye Xubin

  • 9.      Suufi Muday Cali                   Xubin

  • 10.  Cali Macalin nuur  Cali Yare Xubin

  • 11.  Saciid Jaamac Cali qoorsheel Xubin

  • 12.  Nuur MAxamed Xusen Xubin

 Xilka gudiga cusub wuxuu noqon doonaa sida ku cad wareegtada Madaxweynaha xoojinta habsami u socodka howlaha maamulka gobolka banadir tan iyo inta laga dhisayo hogaamin fulineed oo cusub

 Abaabulida , hogaaminta iyo xulashada golaha wadatashiga deegaanka doorasahada maamulka cusub dejinta sharuudaha ka mid noqoshada golaha wadatashiga iyo maamulka fulineed ee cusub ee gobolka banadir , 

Waxaa la farayaa maamulkii hore ee gobolka banadir in ay ku wareejiyaan xilkoodii iyo dhamaan wixii hanti ah oo uu gobolku lahaa oo ay mas.uulka ka ahaayeen gudiga cusub isla maanta oo ay bishu tahay 9 ka 2008 da , 

Waxaa laga codsanayaa dhamaan hayaddaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn in ay u hogaansamaan digreetadaan gacana ku siiyaan gudiga cusub gudashada waajibaadkiisa loo xilsaaray , 

Digreetadaan waxay dhaqan galaysaa 09/09/2008 mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed madaxweynaha jamhuuriyada fadaraalka somaliya 

Waxaa kale oo la sameeyey wajibaad kale oo gudiga la magacaabay  gobolka baandir la rabo in ay fuliyaan oo ay ku shaqeeyaan (1)   marka ugu horeysa gudigani cusub oo la rabo in ay soo diyaariyaan  kama qeyb gali karaan doorashada 15 ka maamod  la gali doono waxaana jiri doono gudidii hore aan u soo sheegnay ama aan u soo magacaawnay , 

waajibadka loo magacaabay  gudiga gobolka banadir in ay si ku meel gaar ah ula wareegaan xilka maamulka gobolka banadir siina wadaan howlihii qabyada u ahaa maamulkii xilka laga qaaday ee hore, 

1        inta laga soo dhisayo maamul cusub oo la donayo in ay ku so dhameystiraan mudo 15 maamood gudahood ah ,

2        abaabulida iyo hogaminta xulasahda golaha wadatashiga iyo doorashada maamulka cusub ee gobolka banadir kuwaas oo lagu ansixin doono digreeto Madaxweyne 

dajinta sharuudaha ka mid noqoshada xubnaha golaha wadatashiga iyo mamulka guud ee gobolak banadir in ay talada ku so darayaan in waajibaadka laga doonayo maamulka cusub ee gobolka banadir uu noqdo mid waafaqsan qaridada diimeed wafaqsan yahayna heshiiskii 26kii bishii 8aad ay wada saxiixeen madaxda dowlada fadaraalka KMG somaliyeed iyo madaxdii ka socotay madaxdii mucaaradka ee u kala jabay asmara iyo Djibouti 

waxaa laga anbaqaadayaa iyada oo laga duulayo xubnaha ka midka noqonaya maamulaka cusub ee gobolka banadir heer gobol iyo degmo ay lagama maarmaan tahay  in ay lahaadaan shuruudaha soo socdo 

1        in ay yihiin muwaadiniin Somali ah

2        in ay yihiin kuwo xushmeynaya axdiga ku meel gaarka ah shuruudaha dalka dowlada KMG ah iyo madaxda dowlada

3        in ay yihiin kuwo taageersan barnaamijka dib u heshiisiinta dowlada fadaraalku ay ka wado dalka gudihiisa iyo dibadiisa

4        in aysan marna ku lug laheyn eedaymaha la xiriira dagaal oogid iyo xagjirnimo diimeed

5        in ay yihiin kuwo nadiif ka ah ku xadgudubka xuquuqda bini aadamka isla marakaana aanay ku lug laheyn falal danbiyeedyo iyo kuwo cadaalo daro

6        in ay yihiin kuwo shacbiga dhediisa qadarin ku leh mamulkoodana lagu kalsonaan doono

 intaa ayaa ku qoraal qoraalkii laga soo dhexsaray madaxtooda villa somaliya maanta waxaana intaa dheeraa in ay dhamaan xubnihii howsha laga joojiyey iyo kuwii la magacaabay ay dhamaantod jobgoogayaal ahaayeen waxaana si gaar ah u weydiiyey gudoomiyihii hore ee maamulkii gobolka banadir bal in uu wx ka qabo arinta wuxuuna ii sheegay in uu ku farxsan yahay isla markaana uu ogol yahay xilka qaadista lagu sameeyey maamulkiisii sidoo kale ayaan weydiiyey Maxamed Cusman cali Dhagaxtuur oo isne I sheegay in uu wareejinayo xilkii uu u haayey gobolka banadir waxaa isna ka mid ahaa xubnihii aan weydiiyey su.aalaha cabdifataax Inashaawey oo sheegay in uu wareejinayo xilkii iyo hanitdii uu umada u haayey
   

Muuse Maxamuud Jiisow 
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia 
00252-1-5576666
00252-50-907666  
 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 10, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS