SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xooghaayaha Gashaandhiga ee golaha midowga maxaakiimta islaamka somaliyed Sheekh Yuusuf Indhacadde oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho

Sawirada Halkan ka daawo....

Shirkaan jaraid oo uu qabtay Sh Yuusuf Maxamed Siyaad indhacade ayuu kaga hadlay 3 qodob oo isaga muhiim u ah wuxuuna inta badan hadalkiisa diirada ku saarayey in uu beeniyo hadalkii ka so yeeray Andrew Mwangura oo ah madaxa urur bad-mareenada aduunka oo xarun ku leh Mombasa dalka Kenya ,

Janeral Sheekh Yuusuf Maxamed Siyad Indhacade oo saxaafada la hadlayey shirjairaid oo uuku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa cadeeyey in uu bari ka yahaya eedeyntii uu u soo jeediyey angulu muwanguura kuna eedeeyey in uu dalaal u yahay barcad badeeda afduubka ka geysata geyiga somalid ay u soo jeedisay Hey’adda Badaha Caalamiga ah oo ku eedeysay inuu xiriir la leeyahay Burcad badeeda isla markaana ku eedeeyay Maamul Goboleedka Putland inay shirko la yihiin Burcad badeeda.

Janeral Sheekh Yuusuf Maxamed Siyad Indhacade :anigu weligey burcad badeed ma noqon xiriirna lama yeelan waxana hayaa document cadaynayo in aan horey u qaabtay burcad bedded isla markaana aan maxkamad soo taagay

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u soo jeediyay Sarkaalka katirsan Hey’adda Badaha Caalamiga ah oo ku aadnaa inuu madax ka yahay burcad badeeda oo uu share la yahay isla markaana uu ka gaacsado waxyaabaha mukhaadaraadka, waxaana uu sheegay sheekh Yuusuf Indhacadde in sarkaalkaasi hadalkiisa uu yahay been aan sal iyo raad toona laheyn isla markaana uu u kala dulaalo Kooxaha Burcad badeeda Maraakiibta qafaalata iyo Dowladihii iskalahaa.


Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan ka ganacsan waxyaabaha mukhaadaraadka oo lagu eedeeyay in uu ka ganacsado isaga oo intaasi ku daray in wararka laga sheegay oo idil ay yihiin warar been abuur ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xilligii uu gacanta ku hayay Gobolka Sh/hoose dhowr jeer oo xilligaasi lagu afduubtay Xeebta Gobolka Sh/hoose uu isaga soo badbaadiyay iminkana aanu suuragal aheyn in uu isaga wax lug ah kuyeesho afduubka Maraakiibta, wuxuuna u soo bandhigay Saxaafadda dukumentiyo ka tarjumaya Maraakiib uu haatan kahor soo badbaadiyay.

Maamul Goboleedka Puntland ayuu sidoo kale sheegay in ay lugweyn ku leeyihiin arrimaha Burcad badeeda gaar ahaan Cadde Muuse oo uu sheegay in ay wax weyn kuleeyihiin maraakiibta lasoo afduubto.

Sh: yuusuf indhacade ayaa ku tilmaamay heshiiskii Djaabouti mid ay wateen wadamada reer galbeedka ee uu maraykanku hogaamiyo wuxuuna sheegay in u yahay mid aan natijo wax ku ool ah aysan ka so baxaynin

Balse wuxuu intaa ku daray in weli amiirkooda uu yahay Sheekh Shariif isla markaasina dhibta khilaafaatka uu ka dhashay keliya shirkaasi oo aysan illaa iyo hadda isku raacsaneyn sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocadde.

Indahcade ayaa gaashaanka ku dhuftay warka sheegaya in uu ka mid ayahay kooxda dhalinyaro diimeedka Alshabaab lakin uu taageersa yahay isaga oo sii daba dhigay in aysan ka aheyn in uu ka baqayo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 2, 2008

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS