SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed iyo hambalyaad Ramadaanka

Dhammaan Xubnaha Ururka Waddaniga Soomaaliyeed waxay Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeynayaan Bisha Barakaysan ee Ramadan. Waxaan Shacbiga Soomaaliyeed oo dhan aan leenahay Ramadan Kareem. 

Waxaan Allah (SWT) ka Baryeynaa inuu na waafajiyo Raxmadiisa iyo Dambi dhaafkiisa ee Bishaan Barakeysan  ee Ramadan. “Aamiin” 

Waxaan kaloo Allah (SWT) ka baryeynaa inuu nabadgelyo iyo Caafimaad nagu gaarsiiyo Ramadaankaan Ramadaankiisa Kale. Insha’Allah. “Aamiin”

Waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ku Baraarujinaynaa iyagoo ka faa’ideysanaayo Bishaan Barakeysan ee Ramadan iney ka fogaadaan Ficillada aan wanaagsanayn, muujiyaanna isu soo dhawaansho iyo isu qalbi fiyoobaan. Insha’Allah.

Ururka waddaniga Soomaaliyeed wuxuu dhammaan shacbiga Soomaaliyeed ku wargelinaynaa in ururka uu sameystay website u gooni ah oo la yiraahdo: www.waddaniga.org iyo wargeys lagu magacaabo: Waddaniga Press. 
 

Ramadan Kareem Dhammaantiin. 
 

Abdullahi Jama Mohammed

Ururka waddaniga Soomaaliyeed

Toronto, Canada

soomaalibaanahay@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 1, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS