OGADEN AMERICAN COMMUNITY : Baaq canbaareyn ku wajahan Maamulka
Punland Waxaa arrin laga murugooda ah dhacdada fooshan xun ee Garowe ka
dhacday 22kii Abriil 2008. Maamulka Puntland, isaga oo ku raali gelinaya taliska
dhiigya cabka ah ee Addis Ababa ayaa taariikhda kor ku xusan cadowga ma naxaanka
gacanta u geliyey muwaadiniin Somalida Ogaadeenya ah. Waxaa kale oo Maamulkaasi
xabsiga Boosaaso si silic ah ugu dilay muwaadin ka tirsan jaaliyadda Soomaalida
Ogadenya ee ku nool Bosaaso.
Wuxuu maamulkaasi iska indho saabay, xidhiidhka maslaxada dhinacyada badan ee
labada shacab ee walaalaha ah ka dhexeeya oo ay dhacdadani si weyn u
dhaawacayso. Taas oo markhaati u ah maamulka Garowe inayna matalin danaha
shacabka soo doortay ee ku nool Puntland.
Taliska gacan ku dhiiglaha ahi kama oomana ( kamana gaajaysna) dhiiga
shacabka aan wax galabsan ee Somalida Ogadenya. Wuxuu si raxariis darro ah u
gumaadaa shacabka aan difaaca haysan. Waxaa xabsiyada gumeysiga ka
buuxa kumaan-kun Soomaalida Ogaadeenya ah. Ujeedada ay gumeysatada Itoobiya ka
leedahay in masuul ama muwaadin Reer Ogaadenya ah laga soo qabto Puntland ama
gobol gobolada Soomaaliya ka mid ah waa:
1. inay colaad la dhex dhigto labada shacab ee walaalaha ah sida ay Shacabka
Jamhuuriyadda isugu hubaysay ee colaadda sokeeye u dhex dhigtay.
2. Isku daygeeda inay la kaashato Soomalida burburinta halganka xaqa ah ee
shacabka aan la loodin karin ee Soomaalida Ogaadeenya ugu jiro xaqa aayo ka
talintiisa. Taas oo ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuushay, horeyna ugu
dhaqaaqday hase ahaate ku guul daraysatay.
Maamulka Garowe ujeedada Itoobiya inay darsaan ama fahmaan iyo natijada ka
iman karta wax xil ah iskama saarin. Waana arrin nasiib darro ah oo naxdin
leh.
Maamulka Puntland waxaad moodaa inayna ku baraarugin xaqiiqada ah inay
Itoobiya tahay cadowga koowaad ee shacabka Soomaali oo dadka Puntland ka mid
yahay. Waxaa kale ooyna fahmin in Taliska Addis Ababa waqtigiisii maalmo la
tiriyo ka hadhay oo san ahayn kii maanta loo sujuudi lahaa. Waxaan u aragnaa in
Maamulka Putland khaatumada iska xumeeyey, talaabadaa uu qaadayna ayna marna
hakinaynin halganka Gobonimadoonka shacabka Ogaadenya. Waxaan aad uga xunahay
shacabka aan walaalaha nahay ee ku nool Puntland oo innaba aan ka diirin
ganacsiga iyo dilka uu maamulkoodu ku hayo dadka soo magan galay ee cadowga
naxdinta daran ka soo cararay.
Sidaa darteed, annaga oo ah jaaliyadda Ogadenya ee ku nool dalka Maraykanka
kuna kala sugan dhamaan gobaladda kala duwan ee wadanka maraykanka waxaan
cambaareynaynaa falkan foosha xun ee maamulka Puntland ee uu gacamaha dhiiga leh
ee gumeysiga Itoobiya u geliyey. Waxaan balan qaadaynaa inaanu garab taagan
nahay shacabka geesiga ah ee aayo ka talintooda.
Waxaa u sheegaynaa Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa garab taaganba in guusha kama
dambaynta ah uu leeyahay xaq u dirirka Ogaadenya dhiiga qaaliga ah ee
wadaniyiintuna yahay dhaxalka danbe ee loo aayi doona marnaba noqon mayso mid
laciifin doonta xaqa aayo ka tashiga ee uu u guntaday shacabka gesiyaasha ee aan
marnaba ka daalin sidii isaga dulqaadi lahaayeen heeryada Gumaysiga.
Waxaan calaamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaa falka xuquuqul insaanka ka
dhanka ah ee Maamulka Puntland ku kacay ee dad aan dambi iyaga ka gelin
cadowgooda u dhiibay.
Waxaan madaxda ururka iyo dhamaan bulsha waynta Soomaalida Ogaadeeniya oogu
baaqaynaa in ay dhacdadan ka bixiyaan jawaab deg deg ah oo aan marnaba aysan
noqon mid la caadeysto ka baayac mushtarida muwaadiniinta Soomaalida
Ogaadeeniya
Waxaan shacabka Puntland oogu baaqaynaa in ay ka hortagaan dhibaatda uu
maamulkoodu ku dhaqaaqay, taas oo keeni karta cawaaqib xumo iyo taariikh xumo,
hadii ay ku daawadaana waxay macnaheedu tahay in raali ka yihiin xumaanta
maamulkoodu bilaabay,
Shacabka Puntland waa in ay dhawraan walaaltinimada iyo darisnimada wanaaga
dhaqanka iyo diintaba waana in ay ilaaliyaan xidhiidhka soo jireenka ah ee u
dhaxeeya labada shacab
Ugu danbeyntii guusha waxaa iska leh wadaniga xaq u dirirka ah guul daradana
waxaa leh gumaysiga gabalkiisii sii liicayo maantana ku sugan xaalad jahawareer
soomaaliduna waxay ku maah maahdaa waari maysidee wax ha kaa haro ( Dal nin
kiisiibaa iska leh)
Midnimo Mintid Isku tashi
Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeeniya ee Maraykanka
la xiriir: hguled@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2008 |