Warsaxaafadeed ku
saabsan ONLF oo ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda Puntland...
Afhayeen u hadlay
Jamhada ONLF ayaa dhowaan ku eedeyay Wasiirka Maaliyadda Puntland
Maxamed Cali Yuusuf in Dowlada Itoobiya u dhiibay labo nin oo ka
tirsan ONLF, hadaba wixii wakhtigaasi ka danbeeyay ayaa Mr: Gaagab
waxa uu beeninayay arrintaasi.
Qoraalkii ugu danbeeyay
ee uu ku beeninayo eedeynta ONLF ayaa u qornaa sidan.
Dowlad Goboleedka Puntland
Date 27, April, 2008
Warsaxaafadeed
Waxaa xusid mudan in Taariikhdu markay aheyd 22 Bishan April 2008,
uu ku faafiyey Warbaahinta Caalamiga ah ee Dibadda, Ninka lagu
magacaabo Cadaani Hirmooge in Maamulka Puntland uu gacanta u geliyey
Dowladda Itoobiya labo xubnood oo ka tirsan Ururka ONLF ee
Ogaadeenya ku Abtirsada.
Haddaba, waxaanu
Warbaahinta Caalamka iyo Wakaaladaha Wararka faafiya si cad ugu
sheegaynaa in aanu waxba ka jirin warkaas beenta ah ee uu
warbaahinta ka sheegay Cadaani Hirmooge. Hadalkaas oo uu ku doonayo
Ninkaas inuu isaga hor-keeno kuna kala fogeeyo Bulshada labada
shacab ee walaalaha ah, wax dhibaato ahna u dhaxeyn.
Waxaa daliil cad u ah in
aanay waxba ka jirin hadalka uu faafiyey Cadaani Hirmooge, waqtiga
uu sheegay in la qabtay Raggaas 22 April 2008, waxaan joogay oo ku
sugnaa magaaladda Bosaaso oo aan howlo shaqo u tegay 20 April 2008,
ilaa hadana aan ku suganahay.
Haddaba, howlaha
Wasiirka u hayo Puntland kuma jirto, mana aha Dad la qabqabto oo wax
ma xirxiro, shaqadiisuna ma qaabilsana Arrimaha Amniga ee wuxuu ka
shaqeeyaa Arrimaha Maaliyadda iyo dhaqaalaha Maamulka Puntland, una
xilsaaran yahay waa taas shaqadiisa Masuuliyadda uu hayaa
tilmaamayso.
Wuxuu u muuqdaa Cadaani
Hirmooge hadalada uu faafiyey ee been abuurka ah mid uu ku doonayo
ugana goleeyahay in uu ku xodxoto dano Maaliyadeed ama dhaqaale uu
ka doonayo kooxo ama Wadamo gaar ah.
Ugu dambeyntii waxaan
Wakaaladaha wararka iyo dhamaan Warbaahinta Caalamka u sheegaynaa in
aanu haba yaratee aanu waxba ka jirin been la dhoobayna uu yahay
Wararkaas uu faafiyey Ninka la yiraahdo Cadaani Hirmooge ee ah laba
Nino o ah ONLF inaan u dhiibnay Dowladda Itoobiya, taasoo
muujinaysa war aan sal laheyn oo been la faafiyey yahay.