27/04/2008.
Boosaaso.
Ku : Golaha Xukuumada Dawlada Goboleedka Puntland.
: Golaha Wakiilada Dawlada Goboleedka Puntland.
: Golaha Xukuumada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.
: Golaha Wakiilada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.
: Xukuumada Dawlada Federaalka ee Ethiopiya.
: Jabhadda ONLF.
UJEEDO: BAAQ
Annagoo ah Waxgaradka, Aqoonyahanadda, iyo Siyaasiyiinta Puntland, waxaannu
si adag u eedeeneynaa, kana xunnahay falkii AFDUUBKA ahaa ee ka dhacay xarunta
Dawlad Goboleedka Puntland Garoowe, taariikhdu markeey ahayd 22/04/08.
Taariikhda kor ku xusan, waxaa magaaldda Garoowe laga AFDUUBEY odayaal laba
ah, oo ah Soomaalidda ka soo jeedda KILILKA SHANAAD ee Itoobiya. Nimankaas oo la
kala yiraahdo, Maxamed Axmed Caafi , kuna magac dheer (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur
Maxamed Sooyaan. Falkaas oo ay fuliyeen ciidamadda Sirdoonka ee Itoobiya, oo
gacan ka helley qaar ka mid ah ciidamadda ammaanka ee Puntland.
Haddaba, Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dawlad Goboleedka
Puntland, waxaannu u soo jeedinynaa inay ka waantoobaan falalkaas khilaafsan
Qawaaniinta Soomaaliyeed, kuwa Caalamiga iyo Xaquuqda Aadamiga; Maadaama ay
yihiin cidda kaliya ee loo IDMADEY ilaalinta sharciga dalka Soomaaliya.
Dawladda Federaalka Itoobiya, waxaannu u soo jeedineyaa in ay si deg-deg ah
u soo deyso odayaasha magacyadoodu kor ku xusan yihiin, Xornimdoodiinna u soo
celiso, iyadoo tixgelineysaa Xasiloonidda iyo Deris wanaagga Afrikada Bari.
Jabhadda O.N.L.F, waxaannu u soo jeedineynaa, in Dadweynaha Puntland, aanney
raalli ka ahayn, kana noqon doonin in ay Puntland ka fuliyaan falal wax u dhimmi
kara Nabadgelyadda iyo Xasiloonidda Deris wanaagga Afrikada Bari.
Magacyadda Saxiixey Baaqan.
- Axmed Yaasiin (Burhan Daboole).
- Cabdirisaaq X. Xuseen Gacayte.
- Maxamuud Cumar Asad.
- Yaasiin Cusmaan Jaamac.
- Cali Cabdulle Dhagool.
- Maxamed Jaamac M.J.
- Yuusuf Abshir Cadami.
- Axmed Saciid Cabdi (Qaadi Gurey).
- Cabdullaahi Cali Qood.
- Cabuud Cabdi Ismaaciil (Bobolare).
- Cabdi-rabbi Yaasiin Xirsi.
- Dalmar Cali Madoobe.
- Eng. Maxamed Axmed Saciid (Jacfar).
- Dr. Cabdullahi Saciid Aw-Muuse.
- Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle (Sagsaag).
- Cabdulkaadir Warsame Muuse.
- Khaliif Xirsi Bulxan.
- Muuse Cali Jaamac.
- Maxamuud Cali Jaamac (Aaryo).
- Raage Shiikh Maxamuud.
- Feysal Axmed Maxamuud (Wahaabi).
- Ahmed Bashiir Ducaale.
- Gaacshe Maxamed Axmed.
- Maxamed Saciid Aw-Musse.
- Maxamed Cabdi Xasan.
- Cusmaan Maxamed Shire.
- Xuseen Xasan Xuseen (Karseey).
Contact Address : Ahmed Yasin (Burhan Daboole)
E.Mail:
daboole@gmail.com
Tel : +252 90 712 360
Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2008 |