BAAQ CANBAARAYN
- Beesha Dhulbahante ee Waqooyiga Ameerika oo
Cambaareeyey Dhacdadii DGPL ku gacan gelisey Dad
Soomaaliyeed
Anagoo ah jaaliyadda Dhulbahante ee North America, waxaannu
ka xunnahay kana tacsiyeynaynaa dhacdadadii foosha xumayd ee ka
dhacday Maamul Gobaleedka Puntland. Dhacdadaas oo Rag
Soomaaliyeed gacanta loo geliyey Itoobiya. Waxaanu isla garanay
sidan:
- Waxan canbaarayn u soo jeedinaynaa Maamulka Puntland oo
fuliyey dhacdadaa foosha xun.
- Waxaan taageersannahay baaqyadii laga soo saaray gudaha
Puntland iyo wadanka dibadiisa oo arrintaa lagu
canbaaraynayey.
- Waxaan soo dhowaynaynaa farriimihii ay xambaarsanaayeen
baaqyadaasi oo ay ugu xoog badnaayeen in lagala xisaabtamo
maamulka Puntland falkaas, iyo in la xoojiyo guddigii laga
sameeyey Garowe ee la xisaabtanka maamulka Puntland siday
howshaas uga meel gaari lahaayeen.
- Waxaan u soo jeedinaynaaa maamulka Puntland inay
dhowraan:
- Islaamnimada
- Soomalinimada
- Tolnimada
- Derisnimada
La xiriir: Cabdulqaadir Cismaan
cascase4@hotmail.com