Sayladda Ganacsiga Dadka ee Puntland!
Wararka murugada iyo tiiraanyada xambaarsan ee beryahan dambe ka
imaanaya Puntland ayaa ah kuwo ay dadku siyaabo kala duwan u
macnaysanayaa.
Dadka qaarbaa kolkay arkaan Ummaddii Soomaaliyeed oo naf iyo maalba
la bililiqaystay, dhiiggoodiina la xalaalaystay isku qancinaya in
arrinkan uu maamulka Puntland ku kacay inay kamid tahay musiibooyinka ku
habsaday Ummadda.
Qaarkale ayey dammiirkooda iyo garaadkoodaba ka dhaadhici la’dahay,
ruux Muslim ah, Soomaali ah, kula dhashay, kula dhiig ah, kula qoys ah,
ood weliba soo magansatay ayaa inta uu ku labadibleeyo oo Indhaha kaa
xidho gacanta kuu gelin gaal aad naftaadii kala soo carartay!
Qaarkale oo ah kuwa taariikhihii hore iyo kuwa dambe ee Geeska Afrika
wax kala socda ayaa iyagu ku qanacsan falalkani inay yihiin wax soo
jireen ah oo isirsanaya xataa maamulladii hore ee loo yiqiin
(Majeerteeniya) kana horreeyey dawladnimadii 1960kii.
Haddii aynu taariikhda dib u milicsanno, billowgii qarnigii sagaal
iyo tobnaad guyaashii Calanka daraawiishtu uu kor ahaa ayaa gooboo badan
oo ay iskaga horyimaaddeen mujaahidiintii Daraawiishta iyo ciidammadii
Ingiriisku waxaa lagu jebiyey ciidammadii Ingiriiska , goobahaas ayaa
waxaa kamid ahaa Cagaarweyne iyo Daratoole oo labaduba dhaca Gobolka
Doollo (Wardheer).
Wakhtigaas oo Xarunta Daraawiishtu ay ahayd Wardheer iyo Walwaal ayuu
Boqor Cusmaan Yuusuf oo ahaa Boqorkii gobollada Waqooyi Bari
(Majeerteeniya) warqad u soo diray Sayid Maxamed Cabdille Xasan, uu ku
leeyahay waan is garabsanaynaa ee Bari usoo rar Daraawiish uguna soo
guur saddex arrimood oo ah:
- Buuro dagaalka ku fiican
- Biyo badan oo kuu dhaama kuwa Wardheer iyo Walwaal
- Bad aad hub iyo waxwalba kala soo degto.
Sayidku aad buu ugu riyaaqay ballanqaadka Boqorka, Daraawiishna Bari
ayuu u raray, hase yeeshee islamarkiiba boqorku wuxuu heshiis kale la
galay Ingiriiskii, wuuna kuballanfuray Sayidkii iyo Daraawiish, waxaana
Daraawiish oo geeddi ah laga horkeenay ciidammo aad u wiiqay awooddii
Daraawiishta.
(Maahmaah reer Bari ayaa tidhaahda “Geelna waa galgashaa ragna
waysgaddeyaa” meesha Soomaalida kale isku raacsantahay “Qawl waayeel ka
dhacay waa qolof geed kadhacday”), taasoo laga dhadhansanayo wacad aad
gashay inaadan ka noqon sikastoo uu u khadhaadhyahay.
(Maahmaah kale oo reer Bari ayaa tidhaahda “Maslaxadaada masalle
Ey/Ay baa loogu tukadaa”), akhristow ma weligaabaad aragtay mise
maqashay wax Ey/Ay masalle kalabaxa?
Sayid Maxamed C.Xasan oo Afmaal ahaa aadna uga cadhooday ulana yaabay
ballanfurka Boqorka ayaa wuxuu tiriyey Gabay caan ah oo layidhaahdo
Jiimley, gabaygan oo aad u dheer waxaan kasoo qaadanaynaa tuducyo kooban
oo weliba laga yaabo inaysan isugu xigin sidii ay isugu xigeen kuwaasoo
qormadeenna khuseeya, ruuxiise danayna wuxuu ka heli karaa (Buuggii
Gabayada Sayidka ururintii koobaad)
Sayidku wuxuu yidhi
Xuseenow jikraar lama hadlee, jaalkay baad tahaye
Adaan iga jadeer wicin markuu, jaahilkii didaye
Janhoo adaan qaban markuu jiitay gacalkaaye.
Sidii jaawo dhane loo shubaan, jeelka kaabi’ine
Waxaan kugu jalbeebinahayaa, jawhartii gabaye
Jawiskayga maqal caawa waan jalabaayaaye
Jundigii xigaaliyo anoo jooga gurigayga
Anigoon jareexiyo xumaan juuq la ii odhanin
Anigoon rag ii soo jirfaday, jil iga qaadaynin…….
Jawaawida Majeerteen hadday jalawdii ii yeedhay
Inaan jaro ku sii dhaho hadday igaga jeebnaatay
Jiidaha Ilaahay haddii la igu jeeraarshay………
Wixii aan jajuur galay, waxaan jowray bedankeyga
Rabbi baygu jeefagay waxaan jululay ruuxayga
Jaldhanka baahida waxaan jalaqa heemaarshay……
Haddaan Boqor jawaab iiga iman Bad uma jeeleene
Jidhku ima xanuuneen hadduu joog i leeyahaye
Jeclaantaan u qabaybaan u tegay jaankii badaihiiye…..
Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhowraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi laabtu jirin mayne
Jisadeyda Eebbaan ka heli talaba waa jeere.
Waxaa kaloo xusid mudan in Darwiish la odhan jiray Xaaji Xali Faahiye
Geeddi, kana soo jeeday Degmada Qandala inuu ka tegay xaruntii
daraawiishta, isagoo hub iyo saanad u raadiyey daraawiishta, hase
yeeshee markuu gaadhay Qandala ayuu arkay Daartii Aabbihiis oo uu
calankii Talyaanigu ka dul taaganyahay, markuu dadkii warsadayna waxaa
lagu yidhi “waa heshiis maamulka iyo Talyaanigu wada galeen”
Xaaji Cali mujaahidbuu ahaaye, intuu bandiiraddii soo dejiyey ayuu
gubay!
Dawladdii Talyaanigu markay ogaatay waxay la soo xidhiidhay maamulkii
Boqorka, maamulkiina wuxuu go’aansaday inay wiilkoodii ku axmaan
bandiiraddii uu gubay, waxayna gacanta u geliyeen Talyaanigii!!
Warqad uu qoray Xaaji Cali intaan la qaban ayaa gaadhay Sayidkii,
dabadeed Sayidku wuxuu farriin u diray wakiilkii dawladda talyaaniga uga
wakiilka ahaa xeebaha Soomaaliyo oo la odhan jiray “Bastaloosi” ,
wuxuuna ku yidhi “waan wada xaajoonaynaaye ii imow”
Bastaloosi, oo aad ugu faraxsan Sayidkii oo wadahadal ka dalbaday
ayaa markabkiisii kusoo xidhay xeebta Ayl, oo markaas ahayd xarunta
Daraawiishta.
Sayid Maxamed wuxuu markiiba Bastaloosi waydiiyey, “Cali Faahiye
Geeddi mee?”
Bastaloosi wuxuu yidhi markabkuu saaranyahay.
Soo deji ayuu Sayidkii yidhi.
Bastaloosi wuxuu yidhi “Ninkani dembibuu galay labo maamulbaana
isudhiibaye adigu shaqo kuma lihid.”
Markaasu Sayidkii yidhi “Adiga iyo raggaaguba isaga ayaad u
curaarantihiin”.
Danbaa tidhiye kolkii Cali Faahiye la keenay ee ay Sayidka isa
salaameen ayuu isagoo weli gacantiisii haya yidhi: (gabaygan maannaan
wada qorin ee isna ka fiirso Buuggii Sayidka.)
Ninka gaalka la siiyey Talyan loo garba duubay
Markab guudkii la saaray, gacal sow ma lahayn?
Waxa gaalada siiyey garacdii bahdir weeyoo
Gadhkiisoo la jaraa , ma gooyaan dhammidood!
Warka gaadhay Islaamoo, geyigoo dhan dhammeeyey
Giddi reer tolku ceebtu guudka sow kama sarna
Mawdku waa gar Ilaahoo, geeri Eebbe ma diidnee
Waxaanan ka gam’aynin, Cali Faahiye Geeddi waa siday u galeeney!
Haddaba akhristow geeri Eebbe ma diidnee raggan Gaadhiga lagu guray
ayaannaaan ka gam’ayneeeeeey!
Su’aasha gunaandka ahi waxay tahay, dadkan Amxaaro loo garbaduubay
Ma waxy sugayaan Sayid Maxamed Cabdille Xasan (Allah ha u
naxriistee.)
Waxaa Qoray
Axmed Cali Sahal
Asahal66@hotmail.com