War-saxaafadeed ay soo saareen Beesha cabdiraxman harti (Kaskiiqabe)
laguna cambaareynayo falalkii waxuushnimada ahaa ee ka dhacay dhuusamareeb,
waqooyi bari iyo muqdisho.
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.
Isku duubni baa dadkayagoow duli kaga baxdaa
Nolol daa,imiyo deeq iyo wanaag ku durduurataa
ALaa weyn ninkii aaminaa awood leh
Taariikhdu waa jiraa markhaati ah oo dad walba iyo dal walba waxuu xumaan iyo
samaan ay la yimaadaan laga daalacan karo. Ummad waliba diin, dhaqan, iyo caado
astaan u ah oo lagag sooco umadaha kale ayaa bogaga taariikhda aduunka oo dhan
ugu qoran oo lagu aqoonsadaa laguna ixtiraamaa. Dabadhilifnimo, hunguri xumo,
basaasnimo, fulaynimo, walaalkaa oo magan kuu ah codow u dhiibid, fataalnimo,
diin naceeb, xumo ku faanid, dil, dhac iyo kufsi ayaa ahaa waxyaabaha ka caagan
dhaqanka suuban ee soomaaliyeed, maantana qofka waa in uu intaaba ku sifoobaa si
uu xil ma dhibaan uga noqdo golaha indhaha uun wax ka eega afkuna xiran yahay ee
mbgati.
Dadka noocaas ah waxay na dhaxalsiiyeen in ay wadankii gumaysi soo jireen ah
gacanta u geliyaan. ummadii intii wax garadka ahaydna qaarna la gumaado, qaarna
gaalada iyo codowga faraha loo geliyo, qaarna wadanka ka soo cararaan oo badaha
u soo bareeraan, qaarna qoriga weheshadaan kuna dhaartaan in ay dadka iyo
dalkaba difaacayaan inta ay nool yihiin.
Waxaa malmahii u danbeeyey ka dhacay goobo kala duwan oo ka mida dalkeena hooyo
ee somaliya waxyaabo wuxuushnimo ah oo runtii aan la aqbali karin hadii aan
isasoo xasuusinana waxaa ka mida gowracii culimada somaliyeed ay ugu gaysteen
ciidamada cadowga tigreega masjidka al-hidaaya ee magaalada muqdisho arintaasoo
kuu muujinayso cadawgu inuusan ixtiraameyn umadda iyo diintooda.
waxaan aad iyo aad uga xun nahay oo aan cambaareyneynaa Tiro ka dhowr jeer
falkii ay sameeyeen dad muuqa somali ugu eg maskaxdana amxaaro ka ah ka dib
markii ay u gacan geliyaan dad somali ah xabashida ayagoo sidii arigii bilaabay
in ay u beecsadaan dadka. Xaaraan quutayaashaan isku magaacay maamul waxay
iibsadeen badahii ayagoo sun ku shubay waxay shacabkii ku rideen sicir barar
ayagoo lacago been abuur ah raasumaalkoodii ku bililiqeystey waxay umadda ka
dhaceen oo hanti ah waxay guryo kaga gateen dubai iyo meelo kale intaa oo
xaaraan ah way ku filnaan weyday markaasey u dhaceen dadkii muslimiinta ahaa ee
soo maciin biday in ay ku noolaadaan dhulkan xumaan falayaasha maaha markii ugu
horeysay oo ay arimo guracan ka sameeyaan gobalada waqooyi bari.
waxaan si weyn u dhaleeceyneynaa weerarkii, fulaynimada iyo waxshinimada ahaa ee
lagu dilay culimada qiimaha badnayd oo ay ka mid ahaayeen macalim Aadan Xaashi
faarax (Ceyrow) iyo sheekh Muxiyadiin Maxamed Cumar (raximahulaahum) oo ahaa
runtii macalimiin qaran, astaan qaran, halyeeyo qaran, bog dahabna kaga qormay
taariikhda nadiifka ee ummadda Soomaliyeed. Waxa aanu marqaati ka wada nahay in
culimadas ayan weerarin washigton , newyork ,paris,lodon iyo roma. waxa loo
xasuuqayna ay tahay sidee u oran kartaan muslim ayaanu nahay waana isku
xukumeynaa. Dowlada mareykanka xaq uma laha culimada muslimiinta intay magacyo
been ah ku shaabadayso gumaadna uga gaysato gurigooda dhexdiisa.
Guntii iyo gebagebadii waxaan hubnaa in halganka xaqa ah ee maanta ka socda
Soomaaliya uu yahay halganka dhabta ah ee lagu joojin doono isbalaarinta iyo
kibirka tigreega taagta daran ee xoog shisheeye isku halaynayo ku hayo umaddda
soomaaliyeed,waxaana u soo jeedinaynaa qurumaha ku dhaqan wadanka ithopia in ay
iska dul qaadaan taliska jahawareersan ee naf la caariga ah ee meles zenewi
dowlada eretereeya iyo umado badan oo degan geeska Afrika waxaan ugu baaqeynaa
in aan xoogageena midayno meelna uga soo jeesano cadowga dadkeena iyo dalalkeena
qatarta ku ah .
Wabilaahi towfiiq.
wixii faah-faahina oo intaa dheer kala xiriir mas,uuliyiinta hoos ku qoran
Abdulaahi ducaale ciise (huwa65@hotmail.com) gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha
Beesha cabdiraxma Harti (kaskiiqabe)
Abdulqaadir jama mohamed (
baruur@hotmail.com ) gudoomiyaha gudiga abaabulka Beesha cabdiraxman harti
(kaskiiqabe)
Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2008
Odayaasha Gobolka Nugaal oo Bayaan ka soo saaray
Dadkii Loo Gacan Geliyey Itoobiya.. Akhris/Dhegeysi
|