Aqoonyahanka iyo ardayda Beesha Absame ee Malaysia oo cambaaraynaya
falka maamulka Puntland uu dadka ugu dhiibayo Itoobiya...
Bismilaahi raxmaani raxiim
Annagoo ah waxgaradka, aqoonyahanka iyo ardayda beesha Absame ee ku nool
Malaysia waxaan cambarayn kulul usoo jeedinaynaa ficilka xun ee ay ku
talaabsadeen maamulka Puntland ee dadka kasoo jeeda degaanka Ogaadeenya
loogu gacan galinayo Itoobiya.
Iyadoo arrinkaasu yahay mid ka baxsan Islaamninda, Soomaalinimada,
Wadadhalshada iyo Bani’aadinimadaba, mana ahayn mid laga filayay inay
falkaas sharaf darada ah ku kacaan. Waxayna keeni kartaa cawaaqib xumo
iyo taariikh xumo dhaawaci karta walaaltinimada iyo dariswanaagii ka
dhexeeyay labada shacab.
Arrintaan ka bilaabatay degaanada Puntland waa arrin looga gol
leeyahay kala fogaynta iyo in cadaawad la dhexdhigo labada shacab ee
walaalaha ah ee uu ka dhexeeyo xidhiidhka dhalasho iyo dhaqan ee
soojireenka ahaa.
Hadaba, anagoo ka ambaqaadayna maslaxadda labada shacab kan Ogaadeenya
iyo kan Puntland waxaan soo jeedinaynaa qodobada soosocda:
1- Waxaan soo dhaweynaynaa islamarkaana bogaadinaynaa
bayaankii Isimada, culimada iyo waxgaradka
gobolka Bari ay kasoo saareen dadka sida arxan darada ah loogu gacan
galiyay cadawgoodii. Bayaankaas oo ahaa mid wax ku ool ah noqonnna kara
mid laga ambaqaado si loo ilaaliyo walaaltinimada iyo xidhiidhka dhaqan
iyo xigto oo labada shacab u dhexeeya. Waxaana rajaynaynaa inuu ahaa mid
cabiraya aragtida guud ahaan shacabka Puntland.
2- In la ilaaliyo xidhiidhka ku dhisan maslaxadda dhinacyada badan ee
ka dhaxaysa labada ummaddood isla markaana shacabka Puntland aysan
ogaalinin in dad yar oo danaystayaal ay dhaawacaan danta adag ee u
dhaxaysa labada shacab.
3- Waxaan soo jeedinaynaa in si deg deg ah loo abaabulo shirar iyo
wadahadal dhexmara waxgaradka iyo odayaasha laba shacab si loo damiyo
fitnada uu ka faa’iidaysanayo cadawgu.
4- Waxaan adkaynaynaa inaanay wax dan ah ku jirin in cadaawad laga dhex
abuuro maanta laba shacab.
5- Waxaan ugu baaqaynaa shacabka reer Ogaadeenya inayna ku dhaqaaqin
falal sii hurin kara colaad islamarkaana ay is dajiyaan kuna baraarugaan
qorshaha cadawga iyo shirqoolkiisa.
Wa bilaahi Tawfiiq
Waxgaradka, aqoonyahanka
iyo ardayda beesha Absame ee Malaysia
Kuala Lumpur - Malaysia
May 3, 2008
Email contact: hawadiye@yahoo.com