Ragga la iibsaday maxaa loo inkiray ma amaah baa lagu bixiyay
W/Q Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com
Waxaa Geeska Afrika ka jirta dhibaato xoog leh oo si aad ah looga
dheehanayo dhibaatadaas waxa sababta u ah dadyawga Geeska Afrika ku
nooli way ogyihiin cida aan qirsanaynina way is diidsiinaysaa ama waysan
ku baraarugin wayse aragtaa.
Waxa dhibka jira lagu xalin karo waa qadiyada Ogaadeenya hadaba si aan
taas ahmiyad loo siinin shucuubta Geeska & indhaha caalamkana loo marin
habaabiyo gumaysiga Itoobiya oo ku can baxay dhul badhaadhsi iyo dagaal
joogto ah wuxuu ku faafay gayiga Soomaaliyeed isagoo u sii maray
wadooyin dhawr ah oo ka dhashay burburkii qarankii Soomaaliyeed.
Taliska Adis ababa wuxuu gacanta ku dhigay in badan oo siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ka mid ah quluubtooda wuxuuna u carbiyay dhaqan xumada,
maamuus, la’aanta & xishood yaraanta oo intuba isaga agtiisa tayo kaleh.
Wuxuu tartansiiyay ficil kooda isagoo colaado dadban ka dhex huriyay si
ay isugu mashquulaan isagana ay ugu sii dheeraato mudada uu shacabka
Ogaadeenya ee keenadiidka ah sii gumaysan. Waxay ardaydiisu u baraatmeen
Itoobiyaanimadii waagii hore laysku caayi jiray ee ay Soomaalidu isku
odhan jirtay ruuxa la fogaynayo waa Amxaar Nin waliba wuxuu ku dhaqaaqay
wixii loo diray si uu ugu raali noqdo Malas oo ah ninka ay talada
maroorta ee Itoobiya & xasilooni daraduba gacantiisa ka soo fusho.
Arintaasi waxay Soomaalidii dhaxal siisay cawaaqib xumada maanta gacanta
lagu hayo & mid wali lagu sii socdo Hadaan u dago ujeedada qoraalkan oo
ku foorara dadka Ogaadeenya ee dhulkooda ku dulman iyo sida ay
Soomaalida kale ula dhaqanto.
Kolka ay umadi geedi tahay waxaa jira dhibaatooyin & dhama badan oo
hayaanku keeno sidaas darted dadka Ogaadeenya inay dadyawga dariskooda
ah hagardaamo kala kulmaan waxaa sabab u ah raadinta gobanimada qaaliga
ah oo ka shishaysa hirig faraabdan qasabna ay tahay in loo jiidho.
12 sano ayaa laga joogaa xiligii ay bilaabatay iibinta dadka Ogaadeenya
arintani wagaas ay shacbka Ogaadeenya ku bilaabatay ka hor Soomaalida
dhexdeeda kama jirijirin waxayse noqotay xiligaas wixii kadambeeyay wado
furan oo loo maro dhogorta dadka Ogaadeenya sidii loo heli lahaa. Arinta
waxaa jideeyay Maamulka W/Galbeed Soomaaliya oon ku hakanin kol & laba
toona waxaana xaqiiqo ah inay dunuubta kadhalatay & ta kadhalan doontaba
iyagu mas’uul ka yihiin aduun & aakhirba.
Waxaa 22 April 2008 wadadii loo jideeyay maray Maamulka W/Bari
Soomaaliya oo cadawga macangaga ah Tigreega gacanta u galiyay
mas;uuliyiin ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya Arintan oo
ahayd mid aan laqabsaday oon igu cusbayn kolkaan maqlay waxay ila ahyad
dhacdo caadi ah oon filayay waxayna qalbigayga ku abuurtay inaan ku sii
karaar qaato kuna dhiirado kaqayb qaadashada xoreynta Ogaadeenya si loo
dadajiyo dhamaystirka guulaha aan la qarin karin ee halganka xaqa ah uu
ku talaabsaday.
Waxay ahayd wax aad ii cadho galisay waxaanse isku qanciyay oon dib u
xusuustay inay tahay wax horay noo soo martay dibana lagayaabo inay noo
soo marto iyadoon ku saleeyay oo kaliya mid kamid ah falalka gumaysiga
Itoobiya & gacanayrihiisa oon ogahay sida ay maanta u galayaan caruurta
& hooyooyinkii Soomaaliyeed ee ku naafoobay colaadii sokeeye.
Intaas kolkaan anigu isku qanciyay waxaa soo baxday oo aan qaadan waayay
in ay Maamulkii Garoowe ee ragga iibsaday dafiraan oo ay ku tilmaameen
been aan waxba ka jirin arintan dafiraada ah ayaa iiga xanuun kulul
dhiibistii hore.
Hadaba waa mucjiso aan hubo in ay igla midaysan yihiin dadka Ogaadeenya
ee xalaasha ah ayna la reemayaan waa arin aan kabaxaynin maskaxda
wadaniga Ogaadeenya taariikhina ah waa arin reer Garoowe book cusub oo
madaw u furtay.
Soomaalidu way is dili jirtay waligeed maamulka Hargaysa ayaa soo
kordhiyay is iibin
Maantana Maamulka Garoowe waxay iibintii ku soo kodhiyeen inkiraad
hadaba waxaan qaadan la’ahay cid iga qancisana aanan wali helin sababta
loo dafiray ragga cadawga loo dabray miyay qarsoomi karaan Ragga waawayn
ee duhurka la iibiyay waxar ayaaba hadad qalato habeen gudcur ah aan
raqdeeda laqarin karine sidee loo dadi karaa rag qoodh & xeraale ah.
Mise maamulka Garoowe waxaan la siinin kharashkii lagula heshiiyay oo
amaah ayay Mas’uuliyiintanadii ku bixiyeen oo sidaas darted ayaa loo
dafiray? mise maamulka Garoowe wuxuu rabaa inuu ONLF & Tigreega labadaba
kanabad galo?
Waxaan aad uga xumahay dhacdadan foosha xun ee naloo caadaystay ee
maalinba maalinta kadambaysa lakobcinyo waxaana lawada ogyahay maamulada
kajira gobolada soomaaliya in aysan anaga & Itoobiya dhexdhexaad noo
ahayn oo ay door bideen in naloo mijin qabto gumaysiga waana
laxisaabtami sikastaba ha ahaatee reer W/Bari kol haday nadileen na
iibsadeen hadana nadafireen wax u hadhay majiro Ogaadeenya ayay talo u
taalaa.
Waxaan ka codsanyaa dadka Soomaaliyeed een iygu damiirkoodii dhiibin
inay ka fikiraan waxa naloo gaysanayo & waxa aanu raadinayno waana
muhiim in aad loo darso falalka dadka Ogaadeenya loo gayasnayo waxa
kadambeeya & cida mas’uulka ka ah. Ninkii moodaya in halgankanaga loo
leexin karo meelkale waxaanu u sheegaynaa in hadafaknagu yahay in aanu
ka madax banaanaano gumaysiga aanaan waxba wadaagin ee doolka noogu
yimid cidii xabada dhamacad ah ee wiilasha tigeega ah ku dhacaysa isaga
dhigaysa waxaanu leenahay kajoog hadii ay maqli weyadna waxa laga hor
joogaayi waa taraysada ay u adkaysan layihiin Aabsiiniyiintii ku riyoon
jiray inay awood leeyihiin.
Waa wax cad oo taariikhda laga bartay in ay guushu kudambayso gacanta
halgamaaga sharafta umadiisa difaaca guul darada & hooguna ay ku
dambayso gumaysiga & dabo dhilifkiisa hadaba shacabka Ogaadeenya ee
geesiga ah & Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee hormuudka u ah
waxaan kula dardaarmayaa in loo adkaysto maalmaha adadag ee imtaxaanka
ah lana dardar galiyo halganka lagu xoreynayo ciida Ogaadeenya ee
daahirka ah.
Cidkasta oo dhibaataysa shaacbka Ogaadeenya & halgankiisa xaqa ah way
kadharagsantahay wayna filaysaa jawaabta loo soo wado.
Garoowe & Nasiibkeed
Xaliimo Ibrahim
kamaydho@yahoo.com