Heshiiska Jabuuti iyo Bixitaanka Ciidanka Itoobiya
Waxaa taariikhdu markay ahayd 26dii Oktober 2008 heshiis
dhaqangalin xabbad joojin ah ku kala saxiixday Dowladda Kumeelgaarka
(DKMG)ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliya(ARS) garanka ku sugan
Jabuuti. Aniga oo aamminsan in wadahalku noqon karo waddo kamid ah
waddooyinka lagu gaari karo xal u helidda dhibaatada murugsan ee
Soomaaliya, haddana waxaa muhiim ah in la falanqeeyo nuxurka
heshiisyada la gaarayo iyada oo laga duulayo danta guud iyo nacfiga uu
u yeelan karo umadda Soomaaliyeed.
Sida uu xusayo heshiiska la saxiixay, ma ahan mid ugub ah sida ku
cad cinwaankiisa ee waxa uu daba socdaa heshiiskiisyadii hore sida kii
la saxiixay 19kii Agoosto 2008 oo qeexayey sida ay u shaqaynayaan
guddiyada labada dhinac iyo heshiiskii ka horreeyey oo 9kii Juun 2008
oo ay guddiyada hadda shaqeeyaa ku salaysan yihiin. Taas macnaheedu waxa
uu yahay in heshiiskii 9kii Juun uu yahay asalka heshiiska la
saxiixay iyo sidii loo hirgelin lahaa.
Qoraalkan kooban waxaan diiradda ku saari doonaa qaanuun iyo siyaasad
ahaan waxa uu xambaarsan yahay heshiiska la gaaray, anoo u kala qaadaya
:
Guuritaanka Ciidanka Itoobiya ee xaafadaha qaar
Qaybta saddexaad ee heshiiska waxaa ay khusaysaa guuritaanka
ciidanka Itoobiya ee xaafadaha qaar. Qodobka 6aad ayaa waxa uu dhigayaa
in ay ka guurayaan meelo kamid ah magaalada Muqdisho sida Towfiiq,
Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho,Warshadda Baastadaka, Xayle
Bariise iyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga. Waxaan ognahay in
ciidamada Itoobiya ay magaalada ka deggan yihiin meelo kale sida Xeradii
Ciidanka asluubta, Dekaddii Hore, Waddada Makka Al-Mukarrama, Xaruntii
Madaxtooyada iyo meelo kale. Meelahaas maka guurayaan? Ciiddanka ka
guuraya meelaha la cayimay xaggee u guurayaan? Heshiiskaan waxa uu u
ogolyahay in ay magaalada Muqdisho ama meeshii kale oo ay rabaan degaan.
Waxa kale oo qaybtan lagu xusay in Ciidanka Itoobiya ka baxayaan
magaalada Baladweyne. Sida aan la soconno waqtiga heshiiska la saxiixay
ciiddan Itoobiyaan ah majoogin magaalada Beladweyne. Waxaa kale oo aan
lasoo hadal qaadin magaalada Baydhabo oo ay deggan yihiin Ciidan
Itoobiyaan ah. Nin aan saaxiib nahay ayaa igula kaftamay “Beledweyne ma
Baydhabaa lagu khalday? Maxaa looga hadli waayey ciidanka jooga Baydhabo
maaddaama laga hadlayey ciidan Itoobiyaan ah oo ka guuraya magaalooyinka
Soomaaliya? ”
Qodobka 6aad ayaa isna qoraya in “si looga hortago
bannaanaasho ammaan meelaha ciidanka Itoobiya ka guurayaan ” in marka
ciidamada Itoobiya ka baxaan xarumaha la cayimay lagu baddalo kuwo
AMISOM oo ay caawinayaan ciidan ka socda DKMG ah iyo ARS. Qaanuun ahaan
waxaa ka dhalanaya qodobkaan in laysla qiray in ciidanka Itoobiya ay
arrimo ammaan sugid u joogeen goobaha ay dadka ka bara kiciyeen iyo
meelaha kale oo ay hadda deggenaannayaan, annaga oo wada og in taasi
xaqiiqda ka fog tahay. Ciidamka Itoobiya waxa ay goobahaas ku soo galeen
dagaal ayaga oo ka bara kiciyey shacab kor u dhaafaya malyan oo
deggenaa, waxa ayna goobahaas si joogto ah oo arxan darro ah illaa
maanta ugu duqeeyaan shacab Soomaaliyeed oo maati u badan.Haddaba in la
yiraahdo, ciidankaas ayaa ammaan sugid meeshaas u jooga waxa ay af
lagaado ku noqonaysaa malaayiinta qof oo ay ciidamada Itoobiya sida
dulmiga ah u waxyeeleeyeen. Tan kale, maaddaama goobaha ay Itoobiyaanka
ka baxayaan ay yihiin ama u dhow yihiin deegaan shacab maxaa keenay in
la soo dejiyo ciidan kale oo lagu badalo? Ciidanka AMISOM oo lagu
beddelayo kuwa Itoobiya goobaha ay ka baxayaan waxa ay halkaas joogayaan
inta laga helayo ciidan ka socda Qaramada Midoobay oo aan la ogayn marka
ay imaanayaan. Sida aan aragnay maalmihii tagay, ciidanka AMISON waxa
ay duqeyn xun u gaysteen goobo ay dad shacab ahi deggan yihiin sida
suuqa weyn ee Bakaaraha.Waxaan kale oo ognahay in barakicii u dambeeyey
ee Muqdisho ka dhaca ay masuul ka ahaayeen ciidanka AMISOM . Haddaba
,sow arinkani caqabad kuma aha soo laabashada dadkii dulmiga lagu bara
kiciyey?
Ka bixitaanka Ciidanka Itoobiya ee dalka Soomaaliya
Qodobka 7aad ayaa waxa uu qorayaa in wajiga labaad oo
bixitaanka Soomaaliya la dhamaystiro 120 gudahood eyada oo la
tixraacayo heshiiskii 19kii Agoosto oo kan ka horreeyey. Arinka meesha
ku jira ayaa ah ka bixitaanka ciiddanka Itoobiya waxa ay ku xiran tahay
in la helo ciidan ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sida uu qorayo
Qodobka 7aad(b) ee
heshiiskii hore oo la saxiixay 9ka Juun 2008.Guddiyada labada kooxood
oo shaqaynaya hadda oo isla gaaray heshiiskii 18 August iyo kan maanta
waxa ay ku salaysan yihiin oo lagu dhisay qodobka 8aad(c) ee heshiiskii
9kii Juun 2008, waxa ayna qayb ka ahaayeen hirgalintiisa. Sidaas
daraadeed, marka la raaco heshiiska , ciidanka Itoobiya waxa ay dalka ka
baxayaan marka DKMG ahi codsi u gudbiso ,lana helo ciidan ka socda
Qaramada Midoobay oo ku filan. Shuruudaas ku xiran bixitaanka Itoobiya
Samaynta Ciidan isku dhafan
Waa arrin fiican oo aan laga maarmayn in la helo ciidan loo dhan
yahay dadkuna ku kalsoonaan karaan oo suga ammaanka. Heshiiska kuma
cadda sida loo samaynayo ciidankaas iyo cidda laga qaybgalinayo.Qaybta
4aad oo heshiiska ayaa sheegaysa in la labada kooxood diyaariyaan ciidan
10,000 boolis ah. Waxaa wanaagsan in aan lagu dag dagin in laysku daro
ciidanka labada kooxood oo hadda xabadda isla hor fadhiya lana raadiyo
qaab loo dhisi lahaa ciidan ilaalin kara amaanka iyo sharafta dadka
Soomaaliyeed oo dadku aamini karaan. Arinkaan oo ay horyaallaan caqabado
badan waxaan ka warsugaynaa marka labada kooxood soo saaraan
faahfaahinta ku aadan qaabka ay u wajahayaan mana wanaagsana in laga hor
dhaco.
Gunaannad
Dagaalka xaqa ah oo hubaysan oo looga soo horjeedo ciidanka Itoobiya
oo dalka Soomaaliyeed sida sharci darada ah ugu soo duulay iyo dadaalada
wada hadalada lagu doonayo in hab nabad ah looga saaro dalka waa kuwo is
kaabaya haddii si caqli leh loo wajaho danta guud iyo daacadnimana lagu
saleeyo. Haddii ujeedada la leeyahay oo ah in dalka Soomaaliya laga
saaro ciidanka ku soo duulay lana helo dowlad caddaalad ku salaysan oo
dalka si wanaagsan u hoggaamin karta lagu gaarayo wada hadal waa arin
mudan in fursad la siiyo lana taageero. Illaa hadda ma cadda marka iyo
in ay baxayaan ciidanka Itoobiya, maadaama ay ku xiran tahay shuruud
aan la ogeyn marka ama in la helayo. Waxaa muhiin ah in lagu dadaalo in
aan la kala qaybin dadka dagaalka kula jira ciidanka Itoobiya.Sida
laysku raacsan yahay wada jirkooda iyo dhiigga ay hureen ayaa keentay
in maanta meeshaan la soo gaaro iyo in la ogolaado wadahadal intaba.
Haddii ay ciidanka Itoobiya ka baxaan dalka Soomaaliya waa arinkii loo
dagaallamayey dadaalkana loo bixinayey. Haddii ay bixiwaayaanna waa in
dadaallada iskaabaya meeshooda ka sii socdaan iyada oo maanka lagu
haynayo in wax isku duubni lagu waayey aan tafaraaruq lagu heleyn.
Ahmed Ali M.Khayre
aakhayre@hotmail.com