Jabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe “waxyaalaha madaxweynaha markii loo
gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo
kalsooni kala noqosho…”shir jaraa’id, inta badan hadalkiisa oo
dhameystiran iyo sida uu u yiri....
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG Sh. Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan
madoobe) oo shir jaraa’id uu kaga hadlayo ujeedadda socdaalkiisa,
hadalkii ka soo yeerey Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG iyo shirka lagu
balansan yahay in lagu qabto caasimada dalka kiinya ayaa ku qabtey
Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti.
Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ugu horeyn shirkiisa jaraa’id ku sheegey
“Walaalaheena Jabuuti mas’uuliyiintooda aad bay inoo soo dhaweeyeen,
waxaana uga mahad calinayaa madaxda jabuuti iyo shacabkoodaba sida
wanaagsan ee ay inoo soo dhaweeyeen, ayna ugu jiraan dadaalka aan kala
go’a lahayn mar kastaba Walaallahooda Soomaaliya dhibaatooyinka ka jira
iney ka badbaadiyaan ee ay aadka isugu taxalujinayaan, waana ka mahad
celineynaa” ayuu hadalkiisa ku bilaabey Sheekh Aadan Madoobe.
Sh.Aadan Madoobe oo diidaya hadalkii ka soo yeerey
Madaxtooyada DFKMG
“waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa, arin markii aan ka soo baxay
dalka gudihiisa ka soo baxdey, oo ah bishii aynu ka soo gudubney, waxaa
jirey Golaha shacabka cod kalsoooni ay kala noqdeen, Wasiiro ka mid ah
Wasiirada DKMG ah, 10- Wasiir iyo 3 Wasiir ku xigeen ayey ahaayeen,
Wasiiradu qaarkood sedax jeer ayey is casileen, qaarkood laba jeer ayey
is casileen, kadib markii Adis Ababa heshiiskii Madaxweynaha iyo
Ra’iisul Wasaaraha aan ka soo noqoney oo aan soo dhameyney khilaafkii,
runtii Adis Ababa si fiican ayey u dadaaleen mas’uuliyiinta dowladaas
iyo mas’uuliyiintii kale ee ka soo qayb gashey guud ahaan IGAD, AU iyo
QM, arimahaas markii la soo dhameeyey ee dalkii ku soo noqoney,
Baarlamaanka xaruntiisa KMG markii aan tagney, shucuur aad u adag ayaan
kula kulaney Baarlamaanka, iyagoo heshiiska aysan diidaneyn, markii lays
weydiiyey Baarlamaanka shucuurtaas lagala kulmey, wafdigii madaxweynaha
hogaaminayey oo soo dhoweyntiisa sidaas noqotey, baarlamaanka waxay ku
fasireen inay diidan yihiin heshiiska oo dhan ma ahee, qodobka ah
Wasiiradii is casiley ee 10-ka Wasiir iyo 3-da Wasiir ku xigeen in
heshiiska lagu sooo daro bey diidan yihiin ayey xubnaha golaha noo
sheegeen.
runtii doodii waa balaaratey, markii dambe golaha mooshin ayey keeneen
xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka, waxayna kusoo eedeeyeen Wasiiradaas
qaarkood in ay sedax jeer is casileen Xukuumadii markaas jirtey oo
markii dambe oo wax la dhisaayo, iyaga laga bilaabo xaqiiqdii aniga,
madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waan rabney, sidii hore loogu soo
heshiiyey in layka daayo, laakiin Baarlamaanka oo ah hay’ada ugu sareysa
xaga sharci dejinta, ugaarna ah kalsooni siin iyo kala noqosho Xukuumada
ayaa nagu diidey, cod aqlabiyad ayaa kadib markii laga doodey, waxaa loo
qaadey codkii kalsooni kala noqoshadii, maalintaas shirka anigaa
gudooominayey, 190 xildhibaan ayaa meesha isugu yimid, 175 ka mid ah
kalsoonida wey kala noqdeen, 15 xildhibaana waxay yiraahdeen kalsoonida
waan siiney, hadii mar Baarlamaanka go’aankiisa sidaas u dhaco, waxaa
waajib dastuuri ah nagu noqonaya, inaan u hogaansano sharciga, siduu
qabo qodobka 3-aad, Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa ugu sareeya sharciga,
waana in sidiisa loogu dhaqmo ” ayuu ku yiri Sheekh Aadan Madoobe isagoo
sharxaya go’aankii uu hore ugu diidey Baarlamaanka Wasiirada been ma
sheegayaasha ah ee lagu muran san yahay xilkooda.
labad gudoomiye baarlamaan Soomaaliya iyo Jabuuti
Aadan Madoobe waxaa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegey “ hadii
sharciga la garab maro jiritaanka dowlada khatar buu galayaa, marka
sidaas daraadeed Wasiiradaas, kalsoonidii Baarlaamka ayey waayeen,
sidaas ayaan madaxweyaha, iyadoo qoraal ah ugu soo gudbiyey, anigoo
fulinaayo waajibaadka I saaran markii Baarlamaanka go’aan gaaro, meesha
khuseysa aan u gudbiyo, arintaas oo waafaqsan qodobka 53-aad, farqadiisa
7-aad, kalsooni kala noqoshada Golaha Wasiirada si gaar gaar ah iyo guud
ahaanba baarlamaanka kala noqonkara kalsoonida, ayaan madaxweynaha u
gudbiyey, waxaa laga sugaayey madaxweynaha, sida uu Axdiga uu qabo in uu
fuliyo, dekereeto soo saaro oo cadeyneysa, in xubnihii waayey kalsoonida
Golaha shacabiga oo wakiil ka ah shacabka Soomaaliyeed, inay xilkooda
waayeen oo uu ku cadeynaayo waa waajib dastuuri ah oo aan ka leex
leexasho lahayn”
“waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo
celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho, Markey tahay
hidise sharciyeed oo madaxweynaha loo soo gudbiyo, Baarlamaanku waa ku
celin karaa, isagoo sababeynaya, hadii uu Baarlamaanka ku qanco waa uu
ogolaanayaa, madaxweynaha mar kale ayaa loo soo gudbinayaa oo wuu
ogolaanayaa, faafin rasmi ah ayaa lagu sameynayaa, hadiii sababaha
madaxweynaha Baarlamaanku uu ku qanciwaayo, wuxuu xaq u leeyahay sedax
meelood oo 184 Baarlamaanku uu noqonayo ayuu ku meel marinayaa, hadii uu
taasi ku meel mariyo, sababihii uu rabey waa uu ka tanaasulayaa waa
waajib dastuuri ah, sidaas ayuu sharci ku noqonayaa.
xildhibaanadii la socdey Gudoomiyaha, xoghayntiisa iyo
xubin ilaaladiisa oo wada fadhiya
Tan kalsooni kala
noqoshada, hadii marba boqolkiiba konton hal dheeri ay taageeraan,
kalsoni siinta mise kalsooni kala noqoshada, sidaas ayey ku dhamaatey
kusoo noqosho kale ma laha, madaxweynaha waxaa waajib dastuuri ku ah
inuu sidaa u fuliyo, ee marka arintaas ayaan idaacadaha ka maqley wali
qoraal la iisoo gudbiyey ma jiro, Af-hayeen u hadley madaxtooyada ayaa
wuxuu yiri go’aankii Baarlamaanka soo saarey ee kalsoonida kala noqdey
Wasiiradaas, waa waxba kama jiraan ayaan maqlaayey, Ummada Soomaaliyeed
arintaas si weyn bey uga naxdey, Baarlamaankuna arintaas waa la yaabey,
waa arin sabab u noqon karta in TFG khatar ay gasho ama sharcigii lagu
tunto oo loo bareerey, marka sidaa daraadeed, waxaan Ummada Soomaaliyeed
u cadeynayaa iyo caalamkaba inay sharci tahay kalsooni kala noqoshadii
golaha shacbiga kala noqdeen, Xukuumada ama Wasiiro gaar ah, oo aan
kalsooni ka haysanin Golaha shacbiga, shacabkii la matalaayey wakiilka
ka ah, sideedaba awooda waxaa iska leh shacabka, waxaana wakiil uga ah
golaha wakiilada ayaa shacabka wakiil uga ah, iyagaa laga rabaa inay la
xisaabtamaan, inay kalsoooni siiyaan, kalsooni kala noqdaan, iyagoo
mathalayo shacbi weynaha Soomaaliyeed, waajibaadka Golaha shacabiga
qodobka 33-aad ayaa cadeynaya in waajibaadkiisa oo hawl maalmeedka
Baarlamaanka ayey ka mid tahay, arintaas ayaan doonayey inaan u cadeeyo
Ummada Soomaaliyeed iyo caalamkaba” ayuu uga ku sheegey shirkiiisa
jaraa’id Sheekh Aadan Madoobe, isagoo ka jawaabaya hadalkii ka soo
yeerey 14/10/208-da Af-hayeenka Madaxweynaha DFKMG.
Sheekh Aadan Madoobe wuxuu keloo shirkiisa jaraa’id ku sheegey “ Wasiir
ama Xukuumada hadey weyso kalsoonida golaha shacabiga, cid kalsooni u
abuuri karto ama maxkamad ha noqoto ama hey’ad kale ha noqoto,
kalsoonidii Baarlamaanka oo la waayey sidaas ku shaqeeya, ama xukun u
baahan in maxkamad ay gasho, xaqiiqdii ma aha, Maxkamada sare xaga
sharci fulinta runtii iyadaa u xilsaaran, waa run Jamhuuriyada
Soomaaliya oo dhan wey u xilsaaran tahay oo wey khuseysaa, laakiin
waxyaalaha maxkamada looga baahan yahay oo dastuurka ay ka soo
dhexgaleyso tan ma ahan, marka laysku qabsado qodob fasiraadiisa,
miithaal hadii Baarlamaanku uu qodob bedelo isagoo Baarlamaanku haysan
Kooram camal waxyaalahaas waa laga hadlikaraa, hadii maxkamada loo
gudbiyo, waa geli kartaa, iyada waa hawsheedii, maxkamada arinteeda
inaan ku dheeraado ma rabo, waxaan ogahay dhinaca maxkamada nafsad
ahaanteeda arimo cadeyn u baahan inay jiraan iyo waajibaad laga sugaayey
golaha shacabka inay sameeyaan oo dhinaca maxkamada ah oo waliba
maxkamada sidii gudoomiyaha loo xirey, kadib oo maxkamad la dhisey oo
laysku toosiyey oo Baarlamaanka ka warqabo ma jirtee, laakiin markii
maxkamada si dhab ah u shaqeyneyso, in ay soo faragelin karto waan
ognahay, Axdiga iyo qaabka shaqada loo waafajinaayo, arintaan kalsooni
siinta iyo kalsooni kala noqoshada ah waa arin u gaar ah Baarlamaanka oo
waajibaadkiisa ayey ka mid tahay, sidaa daraadeed Xukuumadii Ummada
Soomaaliyeed u idman lahayd oo baarlamaanka la xisaabtami lahaa, hadii
miisaaniyad soo sameyso oo baarlamaanka inuu ansixiyo la rabey, hadii ay
khaladaadd gasho baarlamaanka la xisaab tami rabey, in wasiiro
Baarlamaanka kalsooni kala noqdey oo runtii sharciyan wasiirba ahayn,
khasab baa lagu socodsiinayaa la yiraahdo, waxaa Ummada Soomaaliyeed soo
food saaraya arin aad u fool xun.
Waxaan u cadeynayaa Ummada Soomaaliyeed oo madaxda inay arintaas wali
sii riixaan rajo kaga jiraan ku waaninayaa, inay u hogaan samaan
sareynta sharciga, si aan u noqono dowlad danaha shacbigeeda ku
shaqeyneyso, hadii rabitaan laga hormariyo sharciga dhibaato ayaa
imaaneysa oo waa la dumayaa, sidaas darteed go’aankii Baarlamaanka waa
sharci sidiisii buu u jiraa, Wasiiradaas xilkooda waa waayeen,
madaxweynaha waajibaaadka saaran baan ka sugeynaa, maxkamada ilaa hada
ilama soo xariirin, warna kama hayno warkeena ma maqlin, qoraalna kama
helin, mana u maleynayo in maxkamadu go’aankaas ay soo saartey, wali
ilaa iyo hada xaqiiqo uma haysto, ilaa iyo hada waan sugeyney, kusimihii
gudoomiyaha oo dalka joogana waan weydiiyey xaley, wali wax isoo gaarey
ma leh ayuu igu yiri, ama maxkamad ayaa tiri hala yiraahdo ama shekh-si
kale ha raboodo wax go’aaankii baarlamaanka burinaayo oo sharci ah ma
jiraan, sidaa daraadeed Wasiiradaas horey wasiiro u ahaan jirey oo
kalsoonida baarlamaanka waayey Wasiiro ma ahan, intaas ayaan rabaa inaan
caadeeyo, waxaan ka codsanayaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, inay
soo buuxiyaan bedelkoodiina keenaan, si xukuumada ay u shaqeyso” ayuu
shirkiisa jaraa’id ugu nuux nuuxsadey isagoo ay ka muuqato gudoomiyaha
mid uu wajigiisa sida uu uga soo horjeeda hadalkii ka soo yeerey
Madaxtooyada DFKMG 14/10/2008-da.
Mar ay weydiiyeen qaybaha warbaahinta su’aalo kala duwan ayaa wuxuu kaga
jawaabey “anagu khilaaf naguma jiro aniga aan ogahay, laakiin waxaa naga
sareeya dhamaanteena sharciga, oo Ummada Soomaaliyeed ku soo heshiisey
oo Axdiga KMG ah, oo Jamhuuriyda Soomaaliya sharciga ugu sareeya u ah,
ilaa laga helo sharci bedela, kaas baan leenahay halagu dhaqmo, qofna ma
jeclin qofna ma necbin, taasina micnaheedu wuxuu yahay wadashaqeynta iyo
is toosinta iyo waajibaadka dastuuriga ah baan ka hadleynaa, aniga
shekh-siyan Wasiiradaas ma diidaneyn runtii, heshiiskii Adis Ababa
lagusoo gaarey waan taageersanaa, laakiin sharci ayaa naga horyimid,
dhamaanteen waxa aan ku magacaabanahay golahah shacbiga ayaa noo
doortey, xildhibaanimada ka sokoow, Gudoomiyenimada waxaa ii doortey
Baarlamaanka, hadii aan waayo kalsoonidooda waan waayayaa
gudoomiyenimada xilka waan ka dhhacayaa oo waan ka baxayaa, madaxweynaha
iyagaa u doortey, isagoo xildhibaan ah, hadii uu waayo kalsoonida
baarlamaanka waa dhhacayaa, Ra’iisul Wasaaraha, madaxweynaha ayaa soo
magacaaba oo soo jeeda, waxaa kalsoonida siiya golaha shacbiga hadii
kalsoonidaas waayo waa dhacayaa, Wasiiradu hadii mas’uuliyiintii ka
sareysey hadii kalsoonida baarlamaanka ay waayaan oo dastuuriyan sidaas
u qoran, gaar gaar iyo si guudba Baarlamaanka kalsoonidiisa ay ku
waayeen, cida difaaceyso oo ma dhihi karaan leh taas waaye waxa aan la
yaabanahay, waxa aan leeyahay, halaga waantoobo, arin siyaasadeed ma
ahan, arin qof lagu xumeynayo ma ahan, waa arin sharci oo lagu qaldamey
baan u arkayaa, in sharci la garab maro ayaa waxay keeneysaa in la dumo,
laakiin hadii sharciga lagu dhaqmo waa la dhisnaanayaa, waa la toosayaa,
dalkuna wuu degayaa.
Mar wax laga weydiiyey khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha
ayaa wuxuu yiri “Adis Ababa sedaxdeena waan wada joogney waxaa is
khilaafsanaa, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, dalka gudihiisa
heshiiskooda laba jeer ayaan galey aniga, markii sedaxaad waan dhameyn
waayey, waxaa gacan igu siiyey dowlada Ethopia oo dalkeeda nagu
casuuntey iyo IGA, AU iyo QM waa ka soo qaybgaleen heshiiskooda meeshaas
ayaa lagusooo dhameeyey, khilaafkooda wuxuu ahaa heshiis meesha lagusoo
gaarey qodob ka mid ah buu ahaa, wax badana waa lagusoo heshiiyey, sidaa
daraadeed anigaba nafsad ahaanteyda waan la soo sixiixey, khilaafka ka
sokoow jadwal guud oo la soo sameeyey, aniga in arintaas ay fusho waan u
ololeeyey, xildhibaanada inaan arintaas ka dhaadhiciyo ayaan isku dayey
in wasiirada sidooda loo daayo, waxaana baarlamaanka u akh-riyey
Ra’iisul Wasaaraha, baarlamaanka waxay ku dhageen arintaan Wasiirada is
casiley, waxayna ka keeneen mooshin.
Dooda arintaas waxay socotey sedax maalmood, maalintii ugu dambeysey
mooshin eed ah ayaa la keeney, cod baa la qaadey sidaan soo sheegey buu
u dhacay codkii, marka hadii arinta sidaas ay u dhacdey, anigaa rabey
iyo hebel baa rabey waxaa ka weyn, go’aanka baarlamaanka oo sharci ah
ayaa ka weyn, anagana waxaa waajib nagu ah, maadaama hay’adaha dowalada
madaxweynuhu uu ugu sareeyo, oo kalsoonida golaha shacbiga lagu taagan
yahay, ruuxii waaya kalsoonidaas oo anaga naga mid ah waa dhacayaan,
wasiiradu waxay ku waayeen kalsoonidii golaha shacabka, hebel baa
fiicnaa iyo hebel waayey meesha kuma jirto, taasna qof u abuuri karo oo
aan golihii shacabka ahayn ma jirto, arintaas waxaan u maleynayaa ooo
shaley laga dhawaajiyey in meel dhexe laga sooo qaadey, marka taas waa
waxa aan u leenahay, wasiiradii in sidoodii ay u jiraan oo shaqadii ay
qabtaan aan laysku dayin ooo loo hogaansamo sharcigii, hadii uu rabo
ra’iisul wasaaraha hasoo diyaariyo madaxweynaha ha u geeyo, sida jidka
haloo maro, laakiin wasiir kalsoonidii waayey ayaan socdsiinayaa waxay
noo keeneysaa mustaqbalka dhibaato, in xukuumada iyo Baarlamaan aan isku
kalsooneyn, oo Baarlamaanku la xisaabtameynin oo Baarlamaanka agtiisa
Xukuumada ka ahayn yey wakiil u yihiino ay matalayaan ayey noqoneysaa,
anigoo magaca Baarlamaanka FKMG Soomaaliyeed ku hadlaayo, go’aankiisiina
ayidaayo oo waajib igu ah, inaan ku dhawaaqo codkooda oo aan meel mariyo
oo codkooda aan u cadeeyo sidii uu u dhacay daraadeed baan u leeyahay.
Mar aan weydiiyey gudoomiyaha su’aal ahayd, Gudomiye adigu waxaad
joogtaa caasimada dalka Jabuuti Hoteel Kempinski, go’aankuna wuxuu ka
soo baxay xarunta madaxtooyada ee Vila Soomaaliya, waxaad diidey
go’aankii ay soo saareen madaxtooyada DFKMG ee aad adigu u tahay
gudoomiyaha Baarlamaanka, maxay tahay tilaabada aad qaadeysaan hadii ay
ku adkeystaan go’aankaas?, waxa uu ku jawaabey “ee golaha shacabiga
tilaabadooda waa midaan hada sheegey, ee hadii sharciga si toos ah loo
adkeysto in la diido, Baarlamaanku dib ayuu isugu noqonayaa, cidii
sharciga u hogaansamiweyso baarlamaanku wuu la xisaabtamayaa.
Mar uu ka hadlaayey gudoomiyuhu arimaha shirka loo balansan yahay ee
Nayroobi waxaa uu yiri “anigu sidaad ogtihiin hay’ada sharci dejinta
ayaan madax u ahay, ma aha khilaafka badanaa hay’ada ma khuseeyo, waxaa
runtii la dhihi karaa hadii dhamaanteen sharciga looo wada hogaansamo,
isku dhacu waa yaraanayaa, mudadu wey kooban tahay noo hartey, in kastoo
qodobka dastuurka uu qabo, Baarlamaankan waxaa bedelaya, Baarlamaanka
kale ee ka soo doorto, mudadii lagu heshiiyey aad iyo aad bey u yar
tahay, waxaana rajeynayaa inta noo harsan wax lagu qancikaro, is-bedel
Ummada Soomaaliyeed ee uu bur burku uu ku dhacay aan so saarno aan ku
dadaalno, waa run in keynya nalagu casuumeym horeyna waxaa dibu
heshiisiin uga socotey dalka Jabuuti ay aad ugu dadaaleen gogoshii ay u
fidiyeen Ummada Soomaaliyeed ay wali u fidsan tahay Ummada Soomaaliyeed
oo DKMG iyo mucaaradkeedii ah, taasna dhameytirkeedii waa lagu
dadaalayaa, waana lagu jiraa shirkaan kale ee IGAD hada ay ku baaqdey
waxaa naloo sheegey inuu kaabidoono dibu-heshiisiinta iyo isku toosinta
dowlada, taasina waan aadeynaa hadii Alle idmo, si TFG oo isku toosan
iyo mucaaradka heshiis ugu dhhameystiraan Jabuuti, ayaa nalagu casuumey,
ee Walaallaha IGAD runtii wey dadaaleen, wad og-tihiin DKMG intii la soo
dhisaayey ilaa hada marna kama harin, inkastoo QM iyo IGAD ay dadaaleen,
khaasatan IGAD waan ugu mahad celineynaa, waxaana diyaar u nahay inaan
la shaqeyno shirka hada laysugu yeerey inaan tango, dhamaan QM iyo kuwa
ku hawlan gargaarka Ummada Soomaaliyeed, ha noqdo mid gargaar iyo mid
siyaasadeedba, waan u mahadcelineynaa, waxaana laga ma maarmaan ah, in
mudada yare e hartey wax lagu qancikaro la sameeyo, is qab qabsigana la
yareeyo oo shaciga loo hogaansamo, dib u heshiisiintana la xoojiyo
markaa aniga intaas ayaan soo jeedinayaa, waxaana rajeynayaa in shirka
nayroobi laysugu tago mudadii loo qabtey, si loo dhameystiri
dibu-heshiisiintii ka socotey dalka Jabuuti.
Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa oo ahaa 4 mudanayaasha Baarlamaanka FKMG ka
tirsan oo soo gaarey 15/10/2008 ayaa la dejiyey Hoteel Kempinski ee
caasimada dalka Jabuuti, waxaana la filyaa in 18/10/208-da in ay safar
dhulka ay ku marayaan, ugu kicitamaan magaalada Carta oo ahayd, halkii
lagu soo dhisey TNG-dii bedeshey DFKMG ee xiligeeda ku dhameysatey
khilaaf, iyada dhexdeeda ah, dagaal aan dhamaan iyo bur bur ay u
geysatey shacabkii ay xilka u qaadey mudadii 4 sano, xildhibaanada
gudoomiyaha la socdey ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Xuseen Cabdisalaan
Maxamed, Xildhibaan Sh.Nuur Cali Aadan, Xildhibaan Ibraahim Sheekh Cali
(Ibraahim Jeebo), Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan iyo laba xubnood oo ka
tirsan xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe, laakiin
hadaladan kala duwan ee ay siu marinayaan saxaafada mas'uuliyiinta sar
sare ee DFKMG ma ahan wax lala yaabo, in ay ka soo baxaan xiligaan,
waayo waxay ku socotaa wadadii ay ku dhimaneysey jiritaankeeda, in
xiligaan ay isu sheegeen khaladaadka maa,ul xumo ee hareeyey intii ay
jirtey TFG.
Maxamed macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2008