SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo: Doorashada Maamul Goboleedka Puntland ee Janaayo 2009ka, maxey uga duwnanaan doontaa Doorashooyinkii hore.

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib iga gudooma salaanta islaamka ah (A.C.W.W).


Sida aynu lawada socono waxaa dhawaan leysu diyaarinayaa hadduu allaha awooda iska leh ogolaado doorashadii madaxtinimada Puntland, taasoo la qabto 4tii sanaba mar. Haddaba waxaa isweydiin leh, doorashadani maxey uga duwanaan doontaa kuwii horay loo qaban jiray. Jawaabtu waa laba midood, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay tayada iyo shaqsiyadda xildhibaanada wax dooranaya. Haddii ay Xildhibaanadu ku yimaadaan qaabkii taqliidiga ahaa, ee aheyd hebel ii geey meesha, oo raali halaga ahaado ama yaanan raali laga ahaanee, uu qofkaa iska yimaado, waxaan filayaa inay kasii darto mooyee wax isbadal ah oo looga fadhiyaa doorashadaa ma jireyso. Haddiise ay xildhibaanadu noqdaan rag laga soo fiirsaday, oo ku yimid qiimeyn ku dhisan shaqsiyada qofka, aqoontiisa, waxgaradnimadiisa, alla ka cabsigiisa iyo weliba waayaaragnimadiisa, waxaa laga yaabaa inuu qofkaas wax ku doorto damiir iyo mabda’ oo uusan wax baddan qadarin ragga shaqsiyadda liita ee wax ku doonaya inay shilin ay dhaceen lagu doorto, oo aan ayagu damiir kale laheyn.

Puntland waxaa soo maray waqti ay ku kala garan karto waddooyinkii ay soo martay hadba wixii ay ku soo faa’iday iyo kuwii u horseeday hooga iyo ba’a, laakiin maanta inuu xabadka mar kale u tumo nin aynu ognahay halka uu wax marin doono, oo aan weligii kheyr looga fadhiyin, waa nasiib darro..

Waxaan mar walba la yaabaa, iyadoo la ogyahay halka ay arin ku danbeyn doonto, kadib marka la doorto shaqsiyaadkaas iyagu ku sifoobay dulmi iyo waxba isdaba marinta, oo hadhow goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, lagu eedeeyo waa maamul xumo, waa hebel oo sidaa wax yeelay. Bal aynu isweydiinee haddii aan iraahdo {2+ 2, waxaan doonayaa inay noqot 5}, suurto gal ma noqonaysaa, sidaas ayeey la mid tahay waxgaradkeena maanta ku doodaya ama ku fekerayaa qof ay tayadiisa ogyihiin inuu u noqdo nin wanaagsanaada oo wax qabad leh.

Maanta ayeey waxgaradkeena, culumadeena, aqoonyahanadeena, oday dhaqameedyadeena iyo wealiba haweenkeenuba ay fursad heystaan, oo ay kasii shaqeyn karaan maamulka ay doonayaan inay helaan saddex bilood kadib, waxaan aaminsanahay allaah ka soke inay iyagu ku xiran tahay haddii ay muujiyaan Allaah ka cabsi, isku kalsooni, isku xirnaan iyo la tashiyo baddan. Laakiin haddii ay ku sii socdaan nin jeclaysi, iyo nin aan istaahilin tixgalintiisa, wallee looma fadhiyo inaad heshaan maamul loo aayo, mid kan kasii liita mooyee.

Quraanka haddii aad in baddan akhrisaan waxa uu aad uga hadlaaa arimihii lagu halagay ummaddo hore iyo weliba qof walboo waddo xun qaada halka uu ku danbeyn doono, iyadoo looga digayo dadkaa ama lagu tusaaleynayo bal inay taariikhahaa ka faa’ideystaan. Sidaas si la mid ah dowlad walboo soo martaa dunida ama maamul walba waxaa laga reebaa qoraalo dhaxal gal ah, oo looga daydo ama looga digtoonaado in kuwii hore oo kale ay dhacaan. Laakiin annaga Soomaali haddeynu nahay naloogama fadhiyo arintaas, oo Soomaalidaa waxey leedahay murti aheyd,


{ Durba waxey Illowdaa umuli Dihashadeydiiye }. Oo micnaheedu yahay maba moodid in dadkeenu ay soo mareen afar sano oo hoog iyo ba’ ah, oo weliba kuwaas baaba’ dadka qaar waxey u yihiin tusaale ay raacaan, oo ku fakaraya ninkaas shaqsiyadda liitay qaabkuu u soo dhaqmay oo kale isagana inuu helo fursaddaas.

Annigu waxaan leeyahay wax walba haddaan laga shaqeyn iskama yimaadaan. Puntland waxaa ugu wacan Balaayo oo idil sida burcad badeedka, tahriibka lagu baaba’ay, lacagaha faalsada ah, lacagaha la dhacayo, handtidii shicibka ee lagu gor gortamayo, wax qabad la’aanta, waxaas oo idil waa mirihii aad idinku beerateen, kadib markaas tiraahdeen na maamula nimaan aan iyagu waxar gibinna lagu aamineen. Waxba yaanan meel kale laga raadinin sababta, annigu waxaan aaminsanahay haddaad shalay ka fiirsan laheydeen wax baddan baa hagaagi lahaa.

Waxba hadalka yaanan ku dheeraan, waxaan kusoo gabagabeynayaa maanta haddii la oran lahaa, yaa xilka loo dhiibaa, iyo kuwan kuwo dhaama ma hayno, waxaa taas marag inoogu filan in aynu hayno maanta inkastoo aynaa ku jirin laabahooda, oo uu allaah daalacdo laabaha, oo aynu annaga xukumeyno uun daahirkooda, rag isku darsaday aqoon, waayo aragnimo, karti iyo weliba la hayo tusaalayaal goobihii ay horey uga soo shaqeeyeen. Raggaas oo intooda baddan ah qurbaawiyiin, maanta diyaar u ah inay waddankooda wax u qabtaan, ayaan leeyahay raggaas fursada hala siiyo, anigoo aan kala fadileyn, oo waxaan u arkaa intooda bddan inay yihiin rag uu misaankoodu culus yahay, oo lagu tuhmayo aqoon iyo karti, raggaas waxaa ka mid ah { prof.muxiyadiin cali yuusuf Prof. Farjac, Nuuradiin Diirye, Shiikh Aadan Maxamed Ciise iyo weliba Janaraal Ilkojiir }, raggass oo aan qirayo inay jiri karaan rag kale oo ka qibrad baddan laakiin aan is oran karo inta hadda is magacowday inay yihiin Raggan kuwa ugu cad cad uguna tunka weyn. Haddaba maanta Puntland wey heysa rag ay ku aamini karto Maamulkeeda mustaqbalka, ee waxaa haray kaalintii Odayaasha dhaqanka, culumada, waxgaradka, aqoonyahanada iyo haweenka puntland ee la doonaya inay wadastashi baddan kadib ku dadaalaan sidi Raggan cusub fursad loo siin lahaa, kuwaa lagu daalayna uga fariisin lahaayeen ummadda. Ma inkirayo inay wax qabteen maamulkii hore laakiin , waxaan leys bar bar dhigi Karin fursaddii iyo dhaqaalihii ay heleen iyo sidii wax baddan loo dayacay iyo waxa ay qabteen. Waxa noo haray waa labo bilood oo waqtigaa yar ee haray halaga faa’ideysto sidii wax loo sixi lahaa.

Musharixiinta cusub waxaan kula talinayaa inay Allaah talo saartaan, oo haddii midkood uu ku guuleysto, ay kuwa kale la shaqeeyaan, oo aanay imman xiqdi, hinaaso iyo ka shaqeyn bur bur. Ogow mar walba waxaan allaah kuu qadarin inaadan helayn, ee mar walba waxaa suurto gal ah in midkiin uu ku guuleysto amaba inaydaan idinkoo idilba aydaan fursaddaas helin, ee ku dadaala mar walba sidii ummadda wanaaga loogu soo dabaali lahaa.

Sidoo kale waxaan Madaxweyne Cadde Muuse kula talinayaa inuu ka faa’ideysto maanta fursaddan oo uu soo dhiso dowlad mustaqbal leh, isagoo fursada siinaya Raggan cusub ee isa soo sharaxay iyo kuwa kaloo wanaaga lagu tuhmayoba, oo uuna ka odayeeyo maanta, laakiin hadduu fursaddaas layaco oo uu noqdo madaxweyne Afrikaan, ogow mar walba dikteetar halka u danbeysa waa hoog iyo ba’. Laakiin waxaa rajeynaynaa inshaa’allaah inaad noqon doonto mid magac iyo sharaf uga fadhiista oo qiimeyn iyo qadarin ummaddiisa kula dhex noolaada, taariikhduna ay had iyo jeer xusi doonto.

Allaah waxaan ka baryeeynaa inuu talada wanaagsan na waafajiyo, oo uu sanadkan gacanta maamulka u galiyo mid ummadda Puntland u horseeda horumar iyo kii jeexii lahaa khadkii lagu gaari lahaa himilidi aynu ku taami jirnay. Allaha naga qabto kuwa usoo durbaan tumanaya inay hoogi iyo ba’ii mid kasii daran nala yimaadaan. Aaaamiin.


qore:xasan maxamed jamac(suge)

daarow88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2008


aadanJabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho…" Akhri...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS