Heshiiska Jabuuti iyo Fursadaha uu Kuguuleysan Karo.
Soomalida waxaa lagu tilmaami karaa in dhanka siyaasadda aay cayr ka
yihiin. Sidaa darteed heshiiska Jabuuti ku dhexmaray dowlada
federaalka kumeelgaarka ah iyo isbahaysiga dib u xoraynta , waa
arrin muhiim ah oo mudan in lasoo dhaweeyo.waana guul siyaasi
ah. Heshiiska wuxuu kaloo muujinayaa yididiilo ku aadan
dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee soomaalida in uu hurumar tiigsanayo.
Labada dhinac ee heshiiska gaaray waay ku liiteen dhanka
siyaasadda iyo diblomaasiyada taasna waxay cadaatay shirkii
KHartuum labo sano kahor, markaas oo soomaalidu haysatay fursad
qaali ah, sida haykal dowlad dhisan iyo nabadgelyo goboladda oo
dhan siiba magaalada Muqdisho, fursadaas waala dayacay sababtuna
waxay ahay ceyrnimo xaga siyaasadda .Ra'iisal wasaare Nuur cadde
oo mudan iyo salaan sharaf loo taago, waayo wuxuu garoonka
siyaasadda soo galay ayidoo soomaaliya uusan kajirin wax
dhaqdhaqaaq siyaasadeed ah.markaas ayuu biyihii fadhiyay ku
dhextuuray dhagax dhaqaajiyay. waxaa kale oo amaan mudan Sheekh
Shariif oo la dhihi karo horukac siyaasadeed iyo khibrad ayaa
kusoo siyaaday, islamarkii uu arkay iftiin ka bidhaamaya godka
meesha ugu danbeeysa garawsaday in aay tahay fursad qaali ah
oon la dayici karin, waqti iyo dadaalna siiyay sidii looga
miradhalin lahaa.Heshiiska in lagaaro oo qoraal ahaan loo
saxiixo way sahlan tahay laakiin cibradda waa naatiijada ugu
danbeeyso oo ah fulintiisa. marka labada dhinac ee saxiixday,
dowlada federaalka kumeelgaarka ah iyo isbahaysiga dib u
xoraynta maxaa looga baahan yahay sidii heshiiska dhulka looga
hergalin lahaa?
Dowladda Federaalka ku meelgaarka ah.
Waxay dhisan tahay dowladu mudo afar sano ah. Xubnaha ugu
sareeyo waxay u badan yihiin qabqabyayaal dagaal iyo kuwo liito
xaga tacliinta iyo maamulka inyar mooyaanee. Waxaan aragnay
ciidamo dowladeed oo dadkii dhacayo. goboladdii iyo madaxdii
laamaha oo loo magacaabayo dad aan aqoon iyo karti maamul
lahayn, ciidankii oon mushaar la'aan u kala dhaqaaqay ama
boobayo shacabka. waxaa lagu sheegay xukuumadda ugu musuqmaasuqa
badan ee aduunka. marka dowlada sifahaas leh ma fulin karto
heshiis. Ra'iisal wasaare Nuur Cade waa curiyaha heshiiska
jabuuti, si dhanka uu matalyo ee dowlada heshiiska u hergeliyaan
waa in uu ku dhaqaaqaa talaabooyin cad oo kalsoonida ciidamada
soocelinayo. sida in ciidanka si degdeg ah mushaar loo siiyo, in
saraakiisha maamusha oo dhan laga bedelo loona dhiibo saraakiil
hufan khibrad u leh maamulka. Gobolka banaadir oo ah
mushkiladda ugu weyn ee soomaaliya in gudoomiyaha iyo taliyaasha
booliska laga dhigo shaqsiyaad khibrad iyo karti waxqabad leh
lanlana xisaabtamo bil walba.
Isbahaysiga Dib-uxorayta
Waxaa la ogyahay in Isbahaysiga dib-uxoraynta ama Maxkamadaha
Islaamiga aay kala qaybsameen dhanka siyaadda labo garab, dhanka
ciidamadana dhowr jabhadood. Hadda waxaa saxiixay heshiiska
Jabuuti qeybta uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo ku tilmaami karo
in uu qaatay go'aan taariikhi ah. Ciidan ugu xoogan ee gudaha
soomaaliyana wuu raacsan yahay, sidoo kale dadweynaha tageero
xoog leh ayuu kahaystaa. Waxaa xaqiiqo ah in ciidanka
Maxkamadaha uu yahay mid iskudubaridan, nidaamsan marka la
babardhigo kuwa dowladda, inkastoo askariga caadiga ah xukunka
gacantiisa kufulinayo.Marka si heshiiska dhanka uu matalo Sheekh
Shariif uga hirgalo. Waxaa muhiim ah talaabooyinka ah:in
dhaqdhaqaaqa siyaasadda aan diblooga noqon ilaa natiijo waarto
laga gaaro, barnaamij siyaasad iyo fal bani'aadam ku salaysan
oon diimaysneyn la yimaadaan, in markii aay timaado waqtiga
fulinta waxyaabaha qaarkood loo dulqaato, in kooxaha kale ee
maleeshiyaadka leh gacan nabadeed loo fidiyo laguna soodaro
heshiiska mustaqbalkooda,in shaqsiyaadka dhulka joogo ee matalyo
aay noqdaan kuwa lagu doortay aqoon iyo khibrad aysan noqon kuwa
lagu doortay taageero iyo walaa'a sida badanaaba maxkadaha wax
kusaleeyaan.
ugu danbeeyntii heshiiska Jabuuti waa bilawga yididiilo
fiican. waana imtixaan lagu eegayo hogaankeena wuxuuna mudan
yahay in la taageero.
Qore: C/kariim Cabdulle Xuseen
Nairobi. Kenya
kariim127@yahoo.com