SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Midhaha Laga Goosto Kala Tagga

Waxaan u mahad naqayaa ilaaheena waaxidka ah ee ina faray Midnimada inoogana digay kala taga iyo tafaaruraqa waxaan ku Sallinayaa nabigeenii sharafta badnaa ee Muxamad NNK ha ahaatee.

Inaga oo aan marnaba soo koobi Karin Nimcooyinka waaweyn ee uu ilaahay inagu galadaystay ayaa waxaa nimcooyinkaa ka mid ah inuu Shareecadeenna ku soo dejiyay sabab kasta oo aynu  ku midoobi karno kagana badbaadi karno kala taga iyo ismaandhaafka baaxada leh ee saameeyay ummada  muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed.

Hadii aad u fiirsato shanta tiir ee Islaamka waxaad ka dheehanaysaa inay midnimadu tahay astaan iyo muunad ay muslimiintu  ku faani karaan kana dhigan karaan halbeeg iyo hal ku dhag .

Hadaynu tusaale u soo qaadano salaada waxaad arkaysaa kana fahmaysaa  sida uu ilaahay inoola rabo midnimo iyo wada jir. 

Ilaahay wuxuu inoo dooray qiblo kaliya, waxaa la ina faray inaan tukano wakhtiyo sharcigu gooyay, loona  tukado qaab ay shareecadu xadidday, waxaa la inoo yeelay hal imaam oo aynu wada daba istaagno  lana ogalayn inaan khilaafno & inaan  salaadda ka goosano  isaga oo aan ka bixin. 

Kaasi waa hal muuqaal bal waxaad u fiirsataa Xajka,Soonka ,Zakada iyo arimaha Tawxiidka waxaa kuu soo baxaya macnayaal  fara badan oo aad kala bixi karto sida ilaahay inoola  rabo midnimo iyo wax wada  qabsi saameeya nolasheena iyo mustaqbalkeenaba . 

Hadii aad akhrido taariikhdii qiimaha badnayd ee salafkeenii ay ku xardheen kuna qoreen baalasha taariikhda waxaa kuu soo baxaysa inay sabab u ahayd midnimadii iyo iskaashiigii diinta ku salaysnaa ee ay ka run sheegeen kuna dabbaqeen nolashooda iyo waaqicooda . 

Midnimadu waa sababka laf dhabarka u ah in  ummadi  ka tallowdo caqabaatka & duruufaha soo wajahay sida Gaajada,Faqriga ,Jahliga,Dacfiga, dib u dhaca iwm, sidoo kale waa sabab  lagu gaadho horumar waara oo midhihiisa markiiba loo goosto. 

Hadii aan u soo noqdo su’aashaydii ahayd waa maxay midhaha laga goosto kala taga ? Waxaan filayaa waa arin qof kasta oo Soomaaliyeed oo wax garad ah garan karo fahmina karo midhaha qadhaadh ee aan ka goosanay tafaraaruqa  iyo meesha uu inagu furay  ismaandhaafka aan cududaarka lahayni  . 

Way badan tahay wax yaalaha uu tafaraaruqu  dhaxalsiiyo ummadaha  waxaanse ka xusi lahaa qodobadan soo socda. 

      ·        Daganaan la,aan iyo inaan la xasilin shacabkeenuna daadsanaadaan daafaha caalamka. 

      ·        Qaxootinimo iyo inay astaan inoo noqoto baahida iyo dawarsigu. 

Dayaxaa cirkiyo reerahaas dagaya guudkeena 
Digsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootay 
Dadku waxay ku gaareen aqoon durugtay weeyaane 
Idinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaane 
Durdurka iyo wabiyaasha oo wada dareerraaye 
Dibaddaad ka baridaan waxaad daanka galisaane 

      ·        Faqri joogta ah iyo baahi aan dhamaad lahayn & inaan ka gaajoono  kheyraadka la yaabka leh ee ilaahay dhulkeena galiyay. 

Soomaali magaceed muxuu maanta sharaf beelay 
Miyirkiyo ismaqalkii muxuu naga madoobaaday 
Mucsurkiyo Abaarraha dhiciyo milicda jiilaalka 
Macaluul daraadeed maxaa maato le’anaysa 
Maxaa muusanow iyo baroor meelkastaba yaala   !! 

      ·        In maal  nool iyo moodba la waayo miyir iyo maanna lumaan dalka iyo dadkuna ay daadka raacaan. 

      ·        Inay lunto karaamada iyo sharafta ummadu, cid kaa haybaysatana la waayo loona baratamo sidii kheyraadkaaga loo boobi lahaa dalkaagana loo qaybsan lahaa . 

      ·        Dagaallo aan sabab lahayn iyo hardan joogta ah oo ay ku naf waayaan maato & caruur aan waxba galabsan. 

Imisaa dagaalada ku lumay duunyo iyo xoolo 
Imisaa saqiir dalandaliyo dumar ku aafoobay 
Imisaa dalkoodii ka qaxay oo  gaajo dabargooysay 
Imisaa duqoow iyo wax garad ciidda lagu duugay 
Imisaa ka tagay diinta oo duunyo laga siistay 
Daarihii wacnaa een dhisniyo dabaqyo doordoorran 
Imisaa kudaafadi dagtoon dib u habeeyn waayay. 

      ·        Taag daro soo wajahdaa umada iyo inaan la difaacan Karin sharaf  iyo karaamo toona. 

      ·        Cadawga oo ka faa’iideysta kala tagga ummada ayna u suura gasho inuu  hirgaliyo qaaciidadii ahayd qaybi oo xukun. 

      ·        Kalsoonida oo lunta iyo inaan cidina is aaminin, tuulo kastaana ay tuulada kale ka durugto cadawna ka dhigato.

Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaaneHaddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteeneItifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaaneAbtirsiinyo reer hebela’ iyo oday ku faan tuura

Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene 

      ·        In la isu Adeegsado cadow si qolaba qolada kale uga takhaluusto aakhirkana qolada soo hadha uu cadawgu liqo. 

    Talo xumo todoba jeer nin falay haatanna u taagan 
    Oo aan naftiisa u turayn looma taag helo e 

      ·        Kala taggu wuxuu umadda hilmaansiiyaa waxa ka dhaxeeya ee  walaalnimo iyo islaanimo ah.

Markay taladu kaa weecato eed yarehe waayayso

      Shaydaanku weel madhan mar buu kuu widhwidhiyaa 

      ·        In la dabar go,o si sahlanna looga baxo khariidada caalamka sidii ummado horeba uga baxeen. 

    Nimankii dayacan dowladnimo kuma dakeeyaane 
    Dullibay mutaan iyo ninkale inuu dumaallaaye 
    Daldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsada e 
    Diihaalka bixi waayay iyo diifta nagu raagtay 
    Dirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda loo tuurro 
    Oo daacad loo wada socdoo lagu dakaynaayo 
    Gobonimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye. 

      ·        Tafaraaruqu wuxuu ummadaha dhaxalsiiyaa inay sii kala tagaan cidina ayna ku faa’iidin, waxaanu u horseedaa inay noqdaan tusbax furtay. 

      ·        Umadda oo ka mashquushay waajibaadkeeda iyo sidii ay u horumari lahayd kuna mashquusha sidii ay isu tirtiri lahayd isagana adkaan lahayd. 
       

    Waxaan ku soo koobayaa waa inaan fahanno inaan leenahay cadow inaga baxsan , farxadiisa iyo guushiisuna ay ku jirto kala taggeena , una taagan inuu mindiyaha isugu keen dhiibo kana shaqaynaya inaynaan ka bixin mawjadaha khilaafaadka ah ee aan inagu door bidnay. 
     

    Cadawgu wuxuu leeyahay hadaf uu doonayo inuu ka sal gaadho wuxuuna ku fulinayaa cidii uu ku fushan karo ee inagu ma leenahay hadaf iyo  yool aan rabno inaan gaadhno? Mise waxaan isku waafaqnay sidii hore loo yidhi inaynaan is waafiqin. 
     

Waxaan u baahanahay in miyirku soo noqdo, maskaxdana aan ka shaqaysiino, mustaqbalkeena aan u naxno, fahannona duruufaha inagu xeeran iyo waxa ummadeena lala maagan yahay. 
 

    Waa inaan  garanaa inaan kala tagga lagu xaqaiijin Karin himilooyinka aan maskaxda ku hayno kana badbaadi karin khataraha aan ku jirno. 
     

    W/Q: Cabdikhaaliq Jaamac Ismaaciil

    darwiish101@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2008


aadanJabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho…" Akhri...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS