SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dadka iyo Diinta yaa asal ah ???

Ascww

Cabdiwaxid khaliif walaal horta aad ayaad ugu mahadsantahay wararka xigmadda ka buuxdo ee aad soo siiso shabakadda Somalitalk. Marka waxan rabay in aan kuweydiiyo su’aalaha soo socdo?

Sida aad ogtahay Dalkii Soomaliya aad iyo aad ayuu u burburay dadkiina waxa ku dhacay wax laga sheekayn karo ma ahan maalinkasta waddamada deriska nala ah ee Kufaarta Kiristaanka ah waxaa u qaxa Soomali Farabadan, kadib makrii ay dalkii ka waayeen Nabadgelyo, Waxbarasho, Shaqo iyo wax kasta oo nolosha Muhiim u ah. Iyagoo kala Kulma dhibaatooyin aad u xoog badan Dhac, Xabsi, Kufsi Midabtakoorid iyo wax weliba oo dulli ah.

Haddaba sidee suurta gal ah in dadkii loo badbaadiyo??

Yaa Asal ah Dadka iyo Diinta?? Oo badbaadadooda la hormarinayaa ??

Dawladdee ayaan uga dayanaynaa dawladda aad rabto in somaliya ka hirgasho oo hadda addunka ka jirta?

Ma kula tahay in aan Somaliya ka hirgelin karno Nidaam aanan hadda addunka iyo weliba dawladaha Muslinka aanan ka jirin??

Hashiiska lala heshiiyo Gaalada markasta Ma gaalada ayuu dan u yahay Mise shacabkana dan ayuu u yahay ??

Hadda ka hor shikii khartuum waa ay is adkeeyeen Maxkamadaha marka loo fiirsho DFK, wixii dhacayna waad aratay gaalo waxay tiri anigoo ooyi rabo ayuu sac saynta igu dhuftay markaasaan sifiican u ooyey oo wixii aan rabay sameyey. Haddii haddana hashiis la diido armay kasii dartaa oo dalkii la qeybsadaa looguna soo duurxulo waa dal aan sinna heshiis ku rabin in ay iyagii ismaamullaanna aanan oggolayn.

Muqaawamadii waad aragtay iyagoo dano gaar ah Fiirsanaya ayey sii kala jabjabeen, ma dadkaas ayaa dagaal sii wadi karo, haddayse heshiis diidaan iyagaaba la isku adeegsan sidii USC iyo ciraaq oo kale.

U fiirso dadkaan waxaa dhalay USC, USC markii ay imaanaysey aad ayey u xoog badnayd markii danbe waa qeybsameen iyagii ayaa dagaalamay illaa heer hal Jufo ah ay isku dagaalamaan sida Caato iyo Caydiid oo kale akhirkiina mid laga takhaluso, runtiina middaas ayaa dhaantay waayo marka ay dagaalamayeen isma aysan gaalaysiin ee masaalix kale ayey ku dagaalameen.

Laakiin haddda wadaadadi waa is gaalaysiiyeen taasna cudur ka xun ma jiro, (طعنة العدو تدمي الجسد وطعنة الصديق تدمي القلب ) marka si dhibkaas oo dhan looga gudbo xabbad iyo heshiis heshiiskaa fiican e aan heshiiska qaadanno xabbaddana yeynan dhigin hadii uu hirgeli wayo haddana si kale wax loo xalliyo, Gaaladu khiyano waa wadataa annagana Alla ayaa nala jiro oo na og makrikoodana abaalkooda siinayo ee aan ku dadaalno badbaadinta dadka kadibna diinta.

Muse Xasan
musexasan67@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2008


aadanJabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho…" Akhri...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS