Maqaalkii kipkorir(soomaaliya ma noqon doonto taxes)
dirir114@hotmail.com
Wargayska sida wayn loo akhristo ee ka soo baxa magaalada niarobi
–kenya-magaciisuna yahay daily nation ayaa cadadkiisii soo baxay 3 october 2008
ku sooo bandhigay maqaal uu qoray ninka magaciisu yahay Donald kipkorir kuna
faaleeyey horudhacna uga dhigay qalalaasaha dhaqaale ee caalamka ka taagan iyo
in bankiyo badan oo wadamada reer galbeedka laga lahaa ay iflaaseen ama kaceen
jahawareer maaliyadeedna ka dhacay suuqyada caalamka,
Mr kipkorir wuxuu kale oo sheegay ama maqaalkiisa ku faaleeyey xaaladda murugsan
ee soomaaliya manta marayso isaga oo xusay budhcad badeeda soomaaliyeed iyo
dhibaatada ay ku haysto biyaha badda ee badwaynta hindiya iyo inay cidhiidhi
gelinayaan dhaqaalaha bariga afrika iyo caalamka guud ahaanba,wuxuuna kale oo
maqaalkiisa ku sheegay ujeedada qotada dheer ee wadamada deriska la ah
soomaaliya ay ka leeyihiin.
Mr kipkorir wuxuu sheegay in dhibaatada soomaaliya soo jirtay waligeed laga soo
bilaabo 1960 oo ah markii soomaaliya xornimada qaadatay isaga oo sheegay inaanay
marnaba soomaaliya ka jirin wax dawlad ahi ee ay mar walba soomaaliya ka
talinayeen kooxo budhcad ah kuna fashilmay inay qaran noqdaan oo khatar ku hayey
wadamada deriska ah gaar ahaan itoobiya iyo Kenya ayna ku andacoonayeen in Kenya
iyo itoobiya haystaan dhul soomaalidu leedahay taas oo sababay dagaalo iyo iska
hor imaadyo
Mr kipkorir wuxuu yidhi qabsashadii dhawaan budhcad badeeda soomaalidu qabsadeen
markabkii hubka u siday koonfurta sudan ee wadanka Ukraine laga lahaa inay
werwer wayn ku abuurtay dunida gaar ahaan maraykanka iyo Kenya ayna muhiim tahay
sidii xal loogu heli lahaa mashaqada soomaaliya wuxuuna yidhi maadama ilaa 1960
ay soomaalidu ku fashilmeen inay dhawlad iyo qaranimo dhistaan waxaa waajib ku
ah wadamada dersika ah gaar ahaan Kenya iyo itoobiya inay kala qaybsadaan dhulka
soomaalida hadii ay wakkhtigan sidaa yeeli waayaana ay dhibaato wayni ka soo
gaadhi doonto labada dal
Runtii hadalka mr kipkorir hadii wax macno ah leeyahay ama tilmaamayo wuxuu
cadaynayaa in mashaqada iyo dhibaatada soomaaliya ay tahay mid dalka dibadiisa
laga maamulayey,soomaaliduna badankoodu yihiin kooxo lagu shaqaysto oo danaha
cadawgooda fuliya dalkoodiina burburiyey.
Wuxuu kale oo tilmaamayaa hadalka qoraaga kipkorir cadaawadda guunka ah ee
dalalka deriska gaar ahaan itoobiya iyo Kenya u qabaan soomaaliya iyo hadafka
istaraatiijiga ah ee ay ka leeyihiin oo ah burburinta iyo kala qaybinta dhulka
soomaaliya ,qorshahaa oo runtii badankeedii ay ku guulayteen dalkiina sida aynu
ognahay u kala furfurmay maamulo qabiil ku dhisan qabiil walbana samaystay
maamul u gaar ah –soomaaliland,puntland,maakhirland,northland,jubaland,bay iyo
bakool land,mudug state iwm waxaana soomaaliya ka samysmay casrigii
dawa,aifta(kooxaha) marjica ama meesha ay u noqoto koox kastana tahay itoobiya
iyo Kenya ,labdii maamul wada haysta ee is afgaran waa yari dhex marona looga
yeedho adis ababa ama Nairobi si khilaafkooda loo sii kordhiyo"
Taariikhdu waa markhaati wayna isa soo celcelisaa sidaynu ognahay xaaladda manta
soomaaliya waxaay aad iyo aad u shabahdaa lana mid tahay xaaladdii qarniyadii
dhexe ka jirtay dhulka isbayn oo andalus loo yaqaanay kaa oo muslimiintu
xukumayeen muddo 850 sano ah ugu dambayntiina burburiyey dawladoodii iyo
qaranimadoodii sida soomaalida ka dib markii ay u kala baxeen kooxo iyo firaq
midba mida kale cadaw u tahay sida soomaalida, koox waliba magaaladeedii ayey
maamul iyo dawlad taagdaran oo hogaanka iyo majaraha cadawgu u hayo ka
samaysatay sida soomaalida, ugu dambayntiina dhulkoodii lagala wareegay
xaaladoodu waxay ku dambaysayna taariikhdu inooga warantay taariikhdana ay ka
baxeen sidii iyaga oo aanba waligoodba ahaan jirin adduunkana aan soo marin,
Waxaa hubaal ah hadalka kipkorir qoray ama ka soo yeedhay inaanu ahayn aragti
shakhsiyeed oo isaga ku kooban ayse tahay aragtida madaxda Kenya iyo itoobiya oo
ay la socdaan ama taagerayaan qaar badan oo reer galbeedka ahi
Waxaynu xusuusanaa hadalkii uu yidhi madaxwaynihii hore ee dalka Kenya Daniel
arapmoi isaga oo kaniisada dambi dhaaf waydiisanaya markii uu qirtay in aanu
doonayn in soomaliya dhibaatadeeda xal loo helo ama ay degto, waxaa kale oo
muhiim ah ama hadalka kipkprir daliil shaki ma doon ah u yahay lagana fahmayaa
xaaladda xubnaha kuwa isku tilmaamay dawladda iyo kooxda c/laahi yusuf iyo
xubnaha baarlamaankoodu ku sugan yihiin isaga oo ku booriyey dawladaha Kenya iyo
itoobiya inay u adeegsadaan sidii look ala qaybin lahaa loona burburin lahaa
soomaliya isaga oo tusaale u soo qaatay sanadkii 1845 markii dawladda maraykanku
ka boobtay xoogna kaga qaadatay dawladda meksiko gobolka texas(tagsas) ee
maraykanka ka mid ah isaga oo kipkorir sheegay in xildhibaanadii gobolkaasi qayb
wayn ka qaateen goynta gobolkaa ayna iyagu maraykanka u ansixiyeen, hadalka
kipkorirnawuxuu dhirbaaxo kulul ku yahay baarlamaanka iyo dawladda c/laahi yusf
oo runtii dad badan oo soomaali ahika shakisanaayeen wadanimadooda una arkayey
kuwo cadawgu ku adeeganayo danihiisana ku fushanayo, hadiise hadalka kipkprir ka
tarjumayo istaraatiijiyadda Kenya iyo itoobiya ka damacsan yihiin soomaaliya
waxaad moodaa in Kenya ka xanaaqsan tahay ama qawaday sida qaybinta soomaaliya u
dhacayso oo kenya mooday in dhulka soomaaliya badankiisu itoobiya qayb u heli
doonto gaar ahaan gobolada waqooyi iyo w/bari ilaa gobolada dhexe oo beledwayn
ugu dambayso kuwaa oo taariikhiyanba itoobiya sheegato inay iyadu leedahay males
zinaawina marar badan ku taamay dadkiisana ku guubaabiyo inay doonayaan inay la
soo noqdaan dhulkii ka maqnaa muddo kun sano ku dhawaad ah
Ugu dambayntii su,aashu waxay tahay bulshada soomaaliyeed diyaar ma u tahay
khatarta ku soo fool leh? Aragtidayda wax garadka soomaalidu waxaa suurtagal u
noqotay inay mar hore fahmaan khatarta Kenya iyo itoobiya iyo maraykanku ku
hayaan soomaaliya taas ayeyna ahayd sababtii ay halganka iyo muqaawamada kala
hortageen markii ciidamada cadawga itoobiya oo maraykanka iyokenya taageerayaan
soo galeen soomaaliya taas oo dhalisay in itoobiya iyo xulafadooda qorshihii ay
soomaaliya ka lahaayeen fashilanto oo ah waxa kipkorir ka hadlayo,hadiina
kipkorir kula talinayo Kenya iyo itoobiya inay xubnaha dawlada iyo baarlamaankau
adeegsadaan kala qaybinta soomaaliya nasiib wanaag xoogaga muqaawamada iyo
halganka wadaa mar hore ayey ka tashadeen xubnaha baarlamaanku noqdaan
baarlamaankii gobolka texas(tegsas) c/laahi yuusufna noqdo boqorkii c/laahi
saqiir oo ahaa midkii ugu dambeeyey madaxdii andalus kaa oo cadwga u suurta
geliyey inay dhulkii muslimiinta la wareegaan isagiina andalus ka masaafuriyeen
markii ay dantoodii ka gaadheen,mr kipkorir waxaan filayaa inuu riyoonayo
waxaase hubaal ah inuu nacayb wayn u hayo soomaalida soomaaliduna waxay hal hays
u leedahay wixii uurka kaa jiraa afku kaa xadaa"dhagartuna waxaan xumaan ahayn
ehelkeeda ma dhaxalsiiso,
dirir114@hotmail.com