Maxaa la gudboon madaxweynaha Mustaqbalka Puntland.
Waxaa fooda inagu soo haya doorashadii jagadda madaxweynenimo ee
Puntland. Doorasada 2008 oo u muuqata mid rag badani isu soo taageen.
Hardan badanina uu ka dhici doono. Lakiin waxaa hubaal ah tiradii
doontaaba ha is sharaxdee in nin qudha un la dooran doono.
Sidaa awgeed, waxaa iswaydiin mudan hadii doorashada lagaga adkaado
madaxweynaha maanta talada haya, waa Jen. Cadde Muusee, tolow
dhibaatooyinka yaala maanta Puntland xal ma loo heli doonaa, mase dhici
kartaa in shacabka Puntland nabad iyo badhaadho ay galaan. Mise
sheekadu waa kaalinkii geela oo uu hadba nin wadaanta darsanayay oo
cidina dan guud iyo adeeg shacab umaba socoto, ee tuubada suro weeye
arinku.
Markaad fiirisid figrada musharaxiinta qaarkood ay ka duulayaan waxaa
kuu soo baxaysa inay tahay warfaa qabtay, wardheeraana ku xugay ee waa
kalinkii warsuge. Markaad eegto (Platform-ka) ama qorshayaasha (waaba
hadii hadal iyo qorshe dhaxal gal ah ayba soo bandhigeene) musharaxiinta
qaarkiis ama badankoodaba waxaad arki in aysan abaarin boogaha in la
dhayo u baahan. Markaad eegto taageerayaasha ragga is sharaxay badankii
waxaad dareemi in weli uusan shacabka reer Puntland bislaan, ninkastana
jifadiisa hoose isku hareereeyay, taas oo aan oran karno waa dhaqan lagu
fashilmay, kaas oo dib u dhac u keenay Puntland, sababayna in rag iyo
hablo badan oo howlkar ah wax badana tarilahaa dadka iyo dalka ay faraha
laabtaan. Sidaa awgeed dhamaan dhaqamandaan kor ku xusani waa kuwo u
baahan in isbadal taabo gal ah laga sameeyo, wacyi intaa ka qota dheerna
ay la yimaadaan musharaxiinta maanta, hadii kale sheekadu miyaysan
noqonay tii reer Xamarka `jug-jug meeshaada joog``.
Hadaba inta aanan u gelin dardaarankayga ayaan jeclaan lahaa inaan
idinla wadaago sheeko dhab ah oo ka dhacday wadan Africaan ah, taas oo
wax badan inooga faaìidayn karta doorashada maanta.
Shacabka ayaa doortay madaxweyne, kaas oo ay u arkayeen mid wax ka
qaban doona dhibaatada haysata, madaxweynahaas oo balaqaadyo badan oo ka
turjumaya baahida shacabka sameeyay. Kadib markii xukunkii uu qabsaday
ayuu musuqmaasuq iyo in reerkiisu kaalinka keligood ka cabaan ka dhigay
maamulkii, shacabkiina gaajo iyo dhinb kii hore ka badan u horseeday.
Kadib markii la soo gaaray doorashadii ayaa rag badan isa soo sharaxeen
kuwaad oo dhamaan ku andacoonaya inay wax ka qaban doonaan cadaalada,
musuqmaasuqa, una adeegi doonaan danaha shacabka. Madaxweynihii markuu
arkay in dabayshu sidato, ayuu shacabkii isugu yeeray isbartiimada,
dabadeed ayuu khudbad dheer jeedsay. Nuxurka hadalkiisu wuxuu ahaa
sedan:
Shacabkaygiiyoow waa run inaan ka soo bixi waayay balanqaadyadii
hore, waa run in aniga iyo reerkaygu ku takrifalnay hantidii shacabka
iyo qaranka, waa run in aanan wax ka qaban dhibaatadd indin haysatay,
hadaba laba idinkaa maanta u dowr leh. Ama inaad doorataan mid
gaajaysan oo shan sano oo soo socota isaga iyo reerkiisu masruuftaan
hantida shacabka ama aniga oo hada dhargay diyaarna u ah inaan u soo
jeesto adeegii shacabka inaad mar labaad idoorataan.
Sidaa awgeed, hadii arintu tooko ber tooko tahay, waxaan oran lahaa
shacabka masaakiintaa yaan la daalin beena loo sheegin, hadiise isbedel,
horumar, nabadgelyo, iyo cadaalad ay rabaan inay keenaan Musharaxiinta
qaarkood, waa in taas laga arkaa Campaign-kooda. Taas waxaan ula
jeedaa in musharaxiintu ka waantooba dib ugurashada jifada hoose, iskuna
dayaan in ay hantaan dhamaan shacabka reer Puntland iyagoon u eegayn
gobol iyo qabiil, taasna waxaa dhalin karta inay la yimaadan hadaf,
mabda ama qorshe ayku hogaaminayaan Puntland dhibaatadana kaga
saarayaan.
Xaaji Cali Majeerteen ayaa gabay uu tiriyay waxaa ku jiray oraah
dhahaysa: Nin anfacii canshuur yahay iimaan ka dheeraa.
Sidaa awgeed , waa in ragga jagadaan u tartamayaa ogaadaan in hantida
ay maamuli doonaan ay tahay canshuur laga soo qaaday rag iyo dumar
dhidid iyo dhiig u tufay kasbashada hantidaan. Waa inay ogaadaan in
xisaab aduun iyo mid aakhiro ka danbayn doonto masuuliyadda. Nin
xilqaaday eed qaad.
Qormadaydaan waxaan isku dayi doonaa inaan u iftiimiyo madaxweynaha
mustaqbalka dhowr boogood oo u baahan in la dhayo, boogahaas oo
maamuladii hore ku fashilmeen dawayntooda. Waa boogo hadii aan dhakhso
loo dawayn soo dadajin karta fashil ku yimaada maamulka cusub.
- Baarlamaanka Puntland oo ah mid aan lagu soo dooran hab
cadaaladeed, dadka xubnaha ka ahina ay yihiin dad aan u qalmin,
balse ku caan baxayn laaluush qaadasho si looga meel marsiisto
hadba wixii la doono. sidoo kale muujiyay awood dari iyo la
xisaabtan la’aan madaxda iyo maamulka Puntland. Sidaa awgeed,
Hadii xal laga rabo Puntland waa in la badalaa dhamaan xubnaha
baarlamaanka Puntland, waana in lagu soo doortaa hab doorasho
beel kasta dhexdeeda ee uusan oday kaaba qabiil ah warqad u soo
saxiixin xubinta reerka, waana in shuruudo adag oo aqooneed,
cadaaladeed, iyo u qalmidba xilkasnimo lagu xiraa. Sidoo kale
waa in la kordhiyaa tirada xubnaha Baarlamaanka si boos loogu
helo qabiilada tirsanaya in la caburiyay codkooda iyo xaqooda.
- Dowladihii soo maray Puntland oo dhamaan lagu nisbeeyay
Madax ka nool. Taas oo micnaheedu tahay in hadba ninka
madaxweynaha ahi uu ku takrifalo awooda iyo dhaqaalaha Puntand,
isagoo rakaab xun oo aan xilkas ahayn wasiiro u magacowda, si
markaasi rag dhufaanan oo isaga ka liita ay u noqdaan,
dababeedna shacabka loo fahamsiiyo in madaxweynuhu fiican yahay
ee tuugta xaaranta cunataa oo aan shaqaysan ay yihiin
wasiirada. Sheekataan oo laga dhaxlay macinta Ummadda waa
Siyaad baree, isagoo wasiiradiisa ugu yeeri jiray iimaan
laawayaal aan dhargin. Maantana Cadde uu sidoo oo kale u
ihaaneeyo wasiiradiisa weliba dadka hortooda ku bahdilo, taal oo
ah mid ay istaahilaan, maadaama ay damiir laawayaal yihiin.
Inkastoo aan aamin sanahay inay jiraan wasiiro aan sidaa u sii
tira badnayn oo howl kar ah, laakiin badanku waa kuwa aan kor ku
xusay. Sidaa awgeed, waa in wasiiro xul ah ay noqdaan kuwa
taladda dalka qabanaya. Ee aysan sheedaku noqon reer hebaloow
nin keensada aan wasiir idiinka dhigo, dabadeedna reerku ay
keenaan nahaab xaraan cun ku caan baxay.
- Xeer Ilaalinta oo howsheedii gabtay, lana xisaabtami wayday
dowladda, sharcigiina ilaalin wayday. Sidaa awgeed, waa in xeer
ilaaliyayaal ka madax banaan dowladda la doortaa, sidoo kale
hanti dhowr guud oo ku sifoobay karti, cadaalad, aaminimo la
magacaabaa, awood buuxdana loo siiyaa la xisaabtanka cidkasta oo
hantida qaranka masuul ka ah, sida wisiirka maaliyadda,
kastamka, airportka iyo dhamaan madaxda illaha dhaqaalaha.
- Canshuur bixiyayaasha oo aan awood u lahayn daba-galka
meesha lagu baxshay lacagtooda. Sidaa awgeed, waa in la
abuuraa waxa loogu yeero(Tax Payers Association) Ururka canshuur
bixiyayaasha, ururkaas oo ay ku bahoobaan, ganacsatada waaweyn
sida: kuwa wax dhoofiya soona dejiya, shariikadaha taleefoonada,
diyaaradaha, maraakiibta, korantada, biyaha, hoteelada, iyo
dhamaan ganacsatada kale oo yar yar. Waa in dowladu dhiiri
kelisaa ururkaan una awood siisaa inay dabagal madax banaan ku
samayn karto sida loo isticmaalay lacagtooda. Maadaama ay
yihiin udbaha iyo awooda dhaqaale ee Puntland ku taagan tahay.
Sidoo kale waa in canshuur bixiyayaashu fahmaan sababka looga
qaadayo canshuur taas o ah in dowladu ugu adeegto bulshada
iyadoo ku fulinaysa arimaha bulshada sida tacliinta ,
caafimaadka , amniga, iyo dhamaan hayàdaha kale ee u adeega
bulshada. Canshuurta micnaheedu maaha in jeebkii ninkii iyo
gabadhii u dhididay oo kasbaday laga qaado jeebkale oo aan
kasban istaahilina gasho.
- Ciidanka dalka (boolis/daraawiish/sirdoon) oo howlgab
noqday. Sidaa awgeed, Waa in ciidan cusub oo musahaar u qalma
la siiyo la qoraa, laguna soo xulaa: aqoon dugsi sare, jir ahaan
caafimaad qabo, balwad iyo laaluush cunisna ka dhowrsan. Waa in
ciidankaasi dhalinyarada dalka u bataa, waana in mushahaar iyo
nafaqo ku filan la siiyaa si howshooda ay hufnaan u gutaan.
(fiiro gaar ah: maanta waxaa soo baxay dhibaatooyin
akhlaaqiyaad, dhaqan xumo,tahriibiyayaal,burcad badeed,
afduubayaalka ajaanibta iyo mukhaadaraad, sidaa awgeed
isbadalkaas waxa la falgeli kara waa dhalinta maanta, ee maaha
odayadoo cali boobaaye ka soo haray in ay isbaaro dhigtaan
hayàdaha amniga, sidaa awgeed waa in la howlgeliyaa dhalinyarada
dalka xoogooda iyo xirfadoodana laga faa’iidaystaa. Hadii kale
Al-Shabaab iyo Burcad badeed ayaa u adeegsan doonta burburka
Puntland. Khasab maaha in ciidankaasi tiradiisu badan yahay
waxaase lagama maarmaan ah in tayadiisu fiican tahay.
- Dowlada oo aan haba yaratee wax la taaban karo ka samayn
goboladda dalka. Sidaa awgeed, waa in dowladu ogaataa in dalku
uu ka kooban yahay gobalo , loona baahan yahay in si cadaaladi
ku jirto wax loogu wada qabto dhamaan dalka. Dowladu ka wayn
Garoowe iyo Boosaaso, waa in Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag, Cayn,
Karkaar, Bari iyo Ciid intaba wax ay ka qabataa, maadaama
bahwadaagta Puntland dhulkoodu baaxadaas leeyahay.
- Jaaliyadda Qurba joogta reer Putland oo noqday howlgab.
Sidaa awgeed, waa in maamulka cusubi sameeyaa ama xoojiyaa
hay’ad madax banaan oo samaysa isku xirka qurba joogta reer
Puntland iyo maamulka iyo shacabka Puntland.
- Ururada aan dowliga ahayn ee caalamiga ah oo aan wax la
taagan karo ka fulin deegaamada Puntland. Sidaa awgeed, waa in
maamulka cusubi uu la xisaabtamaa uraradaasi, isagoo u samayn
doona hayàd awood leh, dad xirfad u lihina ka shaqeeyaan , taas
oo xaqiijin doonta in ay ururadaasi ka run sheegaan
waxqabadkooda , hadii kale ay dalka isaga baxaan.
Ugu danbaystii waxan kula talin lahaa madaxweyna mustaqbalka in dowlad
kooban oo aan ilaa 7 wasiir ka badnayn dalku yeesho, sidoo kale ciidan
iyo shaqaale dowladeed oo kooban yeesho, iskuna dayo in tayada iyo
tacliinta shaqaalahaas kor loo qaado , si taasi u dhacdana waxaa lagama
maarmaan ah in (secondary school education) tacliin dugsi sare ugu
hoosayso shuruuda tacliineed.
Markii taasi dhacdo kadib waa in dowladu ay awooda saartaa in
mushahaar u qalma ay siiso wasiirada, agaasimayaasha , shaqaalaha, iyo
ciidamada. Taasi waxay meesha ka saari doontaa in la dhaco hantida
qaranka, la qaato laaluush, waxayna laba jibaari doontaa shaqada ay
qaban doonaan shaqaalaha dowladu.
Waxaan Ilaaha qaadirka ah ka baryaynaa inuu taladda Puntland gacanta
u geliyo qof u qalman, qof danta guud ka hormariya danta gaarka ah, sida
mida jifo iyo shakhsiyadeed, sidoo kale inuu Eebe ka saaro dhibaatada
Ummada Soomaaliyeed meelay jooganba qalbiyadoodana isku soo dumo,
midnimo , wada noolansho iyo cadaaladna qiimaheedana tuso.
Farah Aw-Osman
canadianfriendsofsomalia@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2008
Jabuuti:-Sheekh
Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo
gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo
kalsooni kala noqosho…" Akhri...
|