SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Oktoobar 21, 2008 Oslo, Norway
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Mudane: Nuradiin Aadan Diiriye la kulmay Jaaliyada reer Puntland ee wadanka Norway

Halkaan ka daawo sawiradii Oslo


Waxaa maanta oo Talaado ah bisha Aktoobar 21, 2008 lagu qabtay kulan balaaran magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway, kulankaas oo ahaa soo dhaweyn iyo iswaraysi isugu jira oo loo dhigay musharaxa madaxtinimada Puntland mudane Nuradiiin Aadan Diiriye iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo.

Musharaxa iyo wafdigiisa oo maalmahaan ku joogay booqasho wadamada Yurubta Galbeed ayaa waxaa kasoo qeyb galay kulankooda marti sharaf isugu jirta qeybaha kala duwan ee bulshada aadna u danaynayey xaalada amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Puntland maanta ku sigan tahay

Amniga:-

Arimaha amniga oo uu aad ugu dheeraaday musharaxa ayaa waxaa uu ku tilmaamay amniga mid ah furaha wax-walba, waxaana uu sheegay in amnigu yahay sheyga ugu horeeya ee uu xooga saari doono hadii la doorto.

Caafimaadka:-

Xagga caafimaadka ayaa waxa uu musharaxu sheegay in uu aad u liito, sanad kastana ey deeganada Puntland ku dhintaan haween gaaraya 10.000 (toban kun) kuwaasoo umul raacda, sida uu kasoo xigtay hey`ada UNICEF.

Musharaxa oo xog dheer u leh deeqaha soo gala Puntland una shaqeyn jiray hey`ada UNICEF ayaa sheegay in maamulka iminka ka arimiya Puntland uu helo dhaqaale iyo taakuleyn loogu talo galay caafimaadka, aminiga iyo meelo kale balse dhamaan dhaqaalahaasi iyo taakuleyntaba eysan wax kasoo gaarin dadka shacabka ah, islamarkaana aan cidna isweydiin halka ey maraan.

Mar uu soo hadal qaaday musharuxu dhulka ey maamulka Somali-land xooga ku qabsatay ee SOOL, SANAAG iyo CEYN ayuu ku tilmaamay gardaro ah, wuxuuna sheegay in dadka degan deegaanadaasi ey waligood hormuud ka ahaayeen midnimada iyo jiritaanka Somali-Weyn islamarkaana ey wax weyn ka geysteen dhisida maamulka Puntland.

Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa sheegay in midnimada Somaliya ey Aabayaasheen dhiig usoo daadiyeen, waxaana uu intaasi ku daray in uusan marnaba aqbali doonin maamul uu isagu horkacayo in uu qeyb ka noqdo amaba ku fiirsado wax midnimada iyo qaranimada Somaliyed dhibaato u keeni kara.
Mar uu ka hadlayay arimaha burcad-badeeda ayaa waxaa uu sheegay in burcada iminka faraha ba`an ku haysa xeebaha Somaliya ey bilowgoodii ahaayeen dad iska kalumeysato ah islamarkaana nafta ey u keeneen maraakiibta bililiqeysata kheyraadka badda Somaliya, sidaasna ey ku bilowdeen in ey afduubtaan balse arinku uu iminka marayo meel ceeb iyo sumcad darro u ah Somaliya.

Doorashada Puntland ayuu sheegay mudane Nuuradiin in ey ka harsan tahat ku dhawaad 2-bilood iyo bar, waxaana uu intaasi raaciyay in sideeda musharax ee u tartameysa jagada maamulka ey xiriir iyo wada shaqeyn waxaagsan leeyihiin islamarkaana ey dhawaan shir isugu imaan doonaan caasimada Puntland ee Garoowe.

Ololaha doorashada ee uu wado ayuu ku sheegay mid ka duwan kuwa ey wadaan ragga la tartamaya, waxaana uu sheegay in ey iyagu xooga saarayaan in ey kasbadaan shacabka halka ragga kale ey xooga saaraan xildhibaanada baarlamaanka Puntland, isimada iwm.

Ugu dambeyn musharax Nuuradiin Diiriya ayaa waxaa su`aalo kala duwan weydiiyay qaar ka mid ah dadkii kulanka kasoo qeybgalay, wuxuuna dhamaantood ka qanciyay su`aalihii ey qabeen oo ey u muuqdeen kuwo maqsuud ku ahaa jawaabaha la siiyay.

Si kastaba ha ahaatee musharaxan oo xag walba ka dhisan hadii ey noqol laheyd aqoon, waaya-aragnimo, diin iyo qibrad xaga nolosha ah ayaa dad badan oo kulanka goob-joog ahaa ku tilmaameen nin wax ka badeli kara arimaha cakiran ee Puntland, waxaana ey dadka qaarkood ku tilmaameen OBAMA-hii PUNTLAND bad-baadin lahaa.

Halkaan ka daawo sawiradii Oslo
Siciid Cali Nugaal
Madaxa Xiriirka Bulshada
Ololaha Doorashada Nuradiin Aaden Diiriye
www.nuradindirie.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 23, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS