SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ARRIMAHA IS DIIDAN EE SOOMAALIA

1) : Gumaysi dal uu sanlahayn qabsada makuwaaraa ?

(2) : Nin jagadoona xornima ma keenaa ?

(3) : Nin qaranimadu ay qabyaaladu kala wayntahay madaxwayne manoqonkaraa?

( 1) : Hadaba hadii aan taariikhadaha aduunka dib u jaleecno waxaa aduunka soo maray wadama badan oo wax gumaysatay iyo kuwa la gumaystaba laakiin guusha marwalbaba waxay ugu danbayntii raacaysay dadkii lagumaysanaayay maadaama ayagu dhulka iskalahaayeen una dhasheen xaqna ay ku taagnaayeen .

T usaalo hadii aan u soo qaadano Ingiriiska iyo Faransiiska waa labada wadan ee aduunka wadamada wax gumaysta ugu wayn maanta halwadan oo ay gumaystaana majiro kuwa ay xulufo hoose leeyhiin maahane sababaha ay iskaga daayeen waxaa ka mida dagaalo aad u xoogbadan oo ay kala kulmeen wadamadii ay gumaysiga utageen

Mar walba oo ay gumaystayaashu ay wadan qabsadaan waxay lahaayeen dad camiilo ah oo ay jagooyin beena u magacaabi jeereen si ay ugu gaaraan danaha ay wadankaas kaleeyihiin hadaba tii oo kale ayaa maanta ka jirta soomaaliya in ay jagooyin beena loo magacaabo inta camiilnimada ku wanaagsan inta kalana la yiraah waa argagixiso ugu danbayntii waxay iskugu soo biyo shubatay in uu gumaystuhu ku halaagsamo jab wayna uu kula kulmo gayiga soomaaliya

itoobiyaanka maalinkay wadanka Soomaaliya soo galayeen waxay lahaayeen i arkaa maanta waxay maraysaa iqariyay waxayna ku baryootamayaan wado hala ii furo waan baxanaaye waana guuldara lagu yaqaano gumaysiga gardarada ku yimaada dhul uu sanlahayn iyo waliba ciqaabaha uu kala kulmo TANI WAXAY KA MID TAHAY ARRIMAHA IS DIIDAN EE SOOMAALIYA ?

(2) marka hadii aan u soo laabano qodobka labaad ee ah nin jagadoona xornima makeenaa

sannadkii hore ee 2007-dii waxaa lagu abuuray dalkaasi Eritreya ururkii isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya ayna ku midaysnaayeen qaybo kala duwan oo kala matalayay Ummadda Soomaaliyeed sida maxkamadihii islaamka , culumaa’udiinka aqoonyahano, Qurbo joogga Somalida, xubnihii baarlamaankii xorta ah la baxay, ganacsato iyo qaybo kale ayaa u muuqday mid markii hore soo jiitay dareenka iyo rabitaanka shacbiga Soomaaliyeed, loona qaatay in ay yihiin wadaniyiin hadaf Diimeed iyo Dalba wadaaga

laakiin sida caadada ahayba waxaa ku soo dhex dhuuntay rag jaga doona kuwa dhaqaaladoona iyo kuwa magac raadisa oo aan kala jeclayn DIIN,DAD IYO DALBA Qorshahooda ugu wayn wuxuu ahaa sida ay xubin uga noqonlahaayeen ururkii isbahaysiga dib u xoraynta dalka soomaaliyadeed

maadaama arin kale hoos kawateen si ay danahooda ugu gaaran dadkaan inta badana waxay kakala yimaadeen laba qayboodoo kala ah qurbajoogta iyo qola labaxaday baarlamaanka xortaa sababtoo ah kuwa baarlamaanka xorta labaxay inta badan embagati ayay kuraas ka waayeen kuwa qurba joogtaana

markii embagati laqaybsanaayay ayay boos ka waayeen maadaama 4.5 wax lagu qaysaday oo ay kuraastii hogaamiye kooxeedyadii ay ka badnaan waysay hadaba shacaboow ninka jagadoon ah ama dhaqaale iyo magacdoona ah maxuu ku siyaadin karaa arimaha dibu xoraynta dalka soomaaliyeed TANI WAXAY KA MID TAHAY ARRIMAHA IS DIIDAN EE SOOMAALIYA ? kunatuuray god isbahaysigii dib u xoraynta ee ahaa rajadii ay qabeen shacabwaynaha Soomaaliyeed

(3) Nin qaranimadu ay qabyaaladu kala wayntahay madaxwayne manoqonkaraa? hadii aan soo qaadano qayba kamida qabyaalada uu cabdullahi yusuf ku dhaqmo waxaad ka mid ah sida uu u magacaabo hayadaha dowlada kala duwan sida WASIRA DOWLADA ,TALIYAASHA CIIDAMADA ,SAFIIRADA DOWLADA iyo dhamaan qaybaha dawlada kala duwan wali waxaa intaas sii dheer 2007 dii markii uu dagaalkii sagaalka maal mood uu socday waxaa laga soo duubay cabdullahi yusuf oo la hadalaaya jaaliyada reer puntland ee qurbajootaa asagooleh: Beesha (muqdisho) waa mucaarad ,sagaashan boqolkiiba nucaarad beey yihiin weey is aruursadeen,meel beey isugu tageen, ciidamadoodiibeey isku darsadeen dagaal beey u diyaar garoobeen ninkii innaga itaal rooni magaalada ha naga qabsadeey beey yiraahdeen hadda maalmihii la soo dhaafay soow dagaalo kama dhicin xamar soow meeyaadan maqleeynin macnuhu waxaa weeye waa la isku diyaar garoobayaa qoladdii Muqdisho ku adkaataa la arki doonee wixii laba iyo sagaashanki dhacay baa dhacaaya

sidookale 29ugusto 2008 dii cadbdullahi yusuf asigoo baarlamaanka emabagati u qudbaynaaya ayuu ku yiri Danta Puntland waxay ku jirtaa meesha uu ka dhihilahaa Danta Soomaaliya waxay ku jirtaa hadal kaas qabyaalada xambaarsan xidhibaano badan ayaa kacarooday kuna qaylshay intaas ma uusan ku joojine qabyaaladii oo aflagaado wadata ayuu kuceliyay asagooleh Macalin Jiisoow aamus cid kaa itaal xun oo gurigooda la heysto ma jidhee oo meesha fadhisa iyo arima kale marka cabdullahi yusuf halkaas ayay qabyaaladu ka joogtaa soomaaliyana Qaranima ayay ka sugaysaa TANI WAXAY KA MID TAHAY ARRIMAHA IS DIIDAN EE SOOMAALIYA ?

Hamza Adan Macalin (caaqilgurmad)

caaqilka707@hotmail.com

Stockhlom

Sweden

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 22, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS