Xaalada caruurta iyo dadka waaweyn ee uu ku dhaco cudurka shuban biyoodka
oo ku soo badanaya gudaha dalka somaliya
Gud ahaan isbitaalada dalka ayaa waxaa buux dhafiyey bukaano qaba cudurada kala
duwan iyo dhaawacyo waxaana jira caruur iyo dad waaweyn oo ugu geeriyooda
sababta cudurka shuban biyoodka oo uu soo rito inbadan oo bulsho weynta
somaliyeed ah .

Dr xangul iyo Dr Maxamed Yuusuf
Xakameynta shuban biyodka ayaanay jirin cid u heelan oo isu xilsaartay halka
ummadii oo dhan ay isha ku hayaan weerarada iyo rogaal celinta dagaalada u
dhaxeeyo dowlada fadaraalka oo garab ciidan ka helayso ciidamada Ethiopia iyo
wadada ugaandha . Burundi waxayna sii kordhiyeen in ay dhintaan dad somaliyeed
oo bulshada qiimo ku leh .

Isbitaalka
hooyada iyo dhalaanka ee banadir ayaa waxaa jiifa qeybihiisa kala duwan bukaano
qaba cudurada kala duwan .dhaawacyo waxaana ka mid ah caruur iyo dad waayeelo ah
oo uu soo ritay cudurka shuban biyodka halka qaarkoodna ay qabaan xanuuno halis
ah .
Caruurta qabta cudurka nafaqo darida .tiifowga.malaariyada . shuban biyodka .iyo
cudurada maqaarka oo ay la socdaan kuwa la isqaadsiiyo isbitaalka banadir ayaa
ka mid ah isbitalada heeganka u ah bulshada in ay la tacaalaan maadaama uu
howgab noqday isbitaalkii so see arimaha caruurta iyo hooyada.
Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ayaa waxaa isa soo tarayo carurta iyo dadka
waaweyn ee la keenayo isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee banadir waqtidaan
danbe intii la xiray isbitalkii sos oo isagu noqday goob dagaal oo ka caagan
dadka rayidka ah waxaana hareerihiisa dagay ciidamada Ethiopia oo ay dagaalo
kala dhexeeyaan kooxaha ka soo horjeedo joogitaankooda .
Bukaanada jiifa isbitalada gudaha Muqdisho ayaan heysan ageed dhameystiran oo ay
u bahaan yihiin bukaanada cudurada iyo dhawacyada la ildaran marka laga tago
howlaha ay qabtaan dhaqaatiirta ka howgasha isbitaalada waxayna diyaar u yihiin
in ay qabtaan waxkasta oo ay awodaan balse waxaa jirta inaysan heli Karin
mararka qarkood shiidaal ku filan iyo qalab xaga sheybarka ah ,
Isbitaalka ayaa u kala baxa laba qeybood sida qeybta dhalmada iyo qeybta
caruurta iyo shubanka ,waxaana jira haween badan oo qaarkood u imaaday in ay
dhaliwaayeen oo ilmo lagu qalo ,qaar jiran iyo kuwo ay ilmo ka soo halaabeen oo
mudoyinkaan danbe Magaalada ku soo badanaya waxaana loo malaynayaa in ay wax ka
soo gaareen bambooyinka iyo baaruda oo ay xamili waayeen.
Qof kasta oo shuban soo rito waxaa la keenaa isbitalka banadir iyada oo laga
keeno dagmooyinka gobolka banadir iyo degaanada u dhow dhow ,curada minijaajista
,iyo nafaqo darida ,sida dhiig.la.aanta kuwo kale ayaa qaba cudurta sokorowga (
diabetic ) dhiig karka sidoo kale waxaana jira kuwo qaliin u baahan oo aan dalka
gudiisa wax looga qaban Karin sida wiilkaan lagu magacaabo
Maxamed cabdi samad waa wiil somaliyeed oo ku tiirsan daryeel uu siiyo
isbitaalka banadir sida jiif iyo cuno balse aan haysan daaweyn iyo qaliin uu u
bahan yahay waxaana afkiisa burburiyey nabar markiisii hore ka so bilowday
cuncun ka dibna isku fidiyey, noqdayna mid aan si dhab ah loo fiirin Karin
isagana ku haya xanuun ku filan waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in aan waxba looga
qaban Karin dalka gudihiisa ,
Maxamed Cabdi samad 2 sano ka hor ayuu ka yimid Magaalada qoryooley markii uu
isku arkay nabarkaan wuxuuna ii sheegay in reerkoodu uu yahay qoys sabool ah oo
aan awoodin in ay bixiyaan daaweyn iyo geynta ispitaal awood u leh cudurka haayo
Wiilkaan ayaa ii sheegay in la siiyey daawoyin qaldan oo la siiyey ka dibna uu
nabarkii isu bedelay mid ku faafay ( bishumaha) ( dibnaha ) ( faruuryahay ) mid
baabiyey waana mid aan hada dhareerka ceshan Karin oo aan laheyn wax u celiya.
Wiilkaan ayaa reerkoodii hada ka ah sida deyro oo kale ka dib markii ay awoodi
waayeen in ay wax u qabtaan kuna daaleen oo qarash badani uga baxay daaweyntiisa
.
Wiilkaan ayaa si fiican u awodin in uu hadlo wuxuuna u baahana yahay in loo
gurmado si uu u helo dhaqtar dibada ah oo aqoon u leh cudurada noocaan oo kale
ah hadaba cidii dooneyso in ay wax u qabato wiilkaan hakala so xiriirto
isbitaalka baanadir oo uu hada marti u yahay
Isbitalkaan waxaa kale oo jiifa dad qaba dhawacyo hore dad waayeelo ah kuwaas oo
aan heysan meel kale oo ay aadaan
Sidoo kale qeyb ka mid ah isbitaalka qeyb ay jiifaan dad qaba curuda maqaarka
sida juudaanka oo iyagu meel gooni ah lagu karantiilay waa qoys ka kooban aabe
.hooyo iyo 5 caruur ah oo ay dhaleen .
Isbitaalada qarkood ayaa waxaa jiifa dad xaaladooda nololeed ay halis tahay
waxaana sidoo kale aad ka heli kartaa kuwa aanan laheyn wax eheyl u ah sida
caruur qoysaskoodi uu madfac ku dhacay oo kaligood ka haray sida laba gabdhood
oo yaryar kuna mid ah dadka ay hayaan isbitaalada Magaalada Muqdisho qaarkood
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2008