Kacaankii 21 Oktoobar & Dhallinyarada Soomaaliyeed
Soomaaliya ayaa waxay soo martay marxalado siyaasadeed oo aad u adag tan iyo
intii ay xorimadeedii ka qaadatay gumeystayaashii reer Yurub ee Talyaaniga iyo
Ingriiska bishii July . 07/01/1960-kii Dowlado kala duwan ayaa Dalka ka
talinayey tan iyo waqtigii Xornimada la qaatay oo ay ugu horaysay Dowladii uu
Madaxweynaha ka ahaa Alle ha u naxariistee Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan
Cadde) ,waxaa ku xigay Alle ha u naxariistee Madaxweyne Mudane Cabdirashiid Cali
Sharmarke oo doonayey in Dalka lagu Xukumo Diinta Islaamka markii ay ogaadeen
Waddamo fara badan oo Soomaaliya Siyaasadeeda lug ku lahaana waxay door bideen
inay Shirqool u dhigaan si ay awood ugu helaan inay ujeeddadoodu u hirgasho.
Waxaa Dalkii gacanta ku dhigay
Xukun Melatri ah oo uu Hoggaaminayey Madaxweyene Mudane Gen. Maxamed Siyaad
Barre Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre wuxuu Xukunka Dalka
gacanta ku dhigay Oktoobar 10/21/1969-kii , Xukuumadan loo yiqiinay Kacaanka 21
Oktoobar ayaa waxay la timi Siyaasadii Shuuciga ahayd ee Ruushka lagaga dhaqmi
jiray Howl iyo Hantiwadaag Shacabkii oo markaa aan lahayd foojignaan Siyaasadeed
oo buuxda ayaa hobooday waxayna noqotay in Dalka oo dhami ay gacanta ku dhigaan
iyagoo kaashanaaya Dhallinyarada Soomaaliyeed ee firfircoon qaarna ay isla
markiiba Waxbarasho ugu dirtay Dowlada Dowlahii ay Saaxiibka la ahayd ee Ruushka
iyo Bariga Yurub oo dhan.
Dhallinyarada oo ah laf dhabarka bulshada Soomaaliyeed ayaa Kacaanku wuxuu u
gartay in ay la shaqeeyaan wuxuuna u abuuray Ururkii la oran jiray Ururka
Dhallinyarada Kacaanka Soomaaliyeed Dhallinyaradani waxaa loo tababari jiray
inay u noqdaan Kacaanka Madaxdii Berrito loo magacaabi lahaa Golaha Dhexe ee
Xisbiga Kacaabka Soomaaliyeed iyo Golayaasha kala gedisan ee Dalka markaa
Xukumayey ,Sababtoo ah Mabda'a uu qofkani Dhallinyarada ahi uu aaminsan yahay
ayaa ah mid u bisil Siyaasadda Kacaanka ee Dalka Xukuma.
Kacaankii 21 Oktoobar ee Dalka Xukumayey ayaa 10-kii Sano ee ugu horaysay
abuuray bulsho aan Qabiil lahayn oo loo arkayey inay yihiin kuwa ku socda Waddo
waxtar leh ,hase ahaatee waxay ahayd mid aan si hoose looga war hayn Qabiilka
iyo Gobolaysiga ayaa maallinba maalinta ka dambaysa sii baahayey oo markii ugu
dambaysay gaaray heerkii ugu Xumaa oo abuura Dagaal Sokeeye oo aan joogsi lahayn
ilaa iyo maantana Xalkiisii la waysan yahay Shacabkiina ay noqdeen kuwa Qaxooti
ah, kuwa Tahriib ah ,kuwa Tarxiil ah ,iyo kuwa lagu Xasuuqayo guryahoodii iyo
Dugsiyadii ay wax ku baranayeen, Madaxdii Dalkuna uu khilaaf dhexyaallo maallin
walba , Xalku wuxuu ku jiraa oo keliya in laysku Xukumo Kitaabka Alle oo keliya
.
Dowladii Madaxweyne Gen. Maxamed Siyaad Barre ayaa waxay bilowday inay ka
Xorayso Gumaystaha Itoobiya, Gobolka S/Galbeed ee (Ogadenia) iyo Gumeystaha reer
Galbeedka Faransiiska ee gacanta ku hayey Jabuuti oo labaduba ka mid ahaa Shanka
Qaybood ee Gumeystayaashu u Qaybsadeed Dhulka Soomaaliyeed go'aankani ayaa wuxuu
ahaa mid aad u adag hase ahaatee waxaa markiiba u istaagay Dhallinyarada
Soomaaliyeed ee ka tirsanaa Ciidamadii Qalabka siday ee Dalka ,Gumeystayaashiina
baday inay Kabahooda ka Cararaan , Maxaysatadii Itoobiya ayaa waxaa loo gaystay
Jab iyo Halaag aad u weyn kaddibna Dunida ayaa waxay la noqotay Huwan maadaama
ay Itoobiya ahayd Dowlad Masiixa oo Wakiil uga ah Afrika .
Taariikhda ayaan Illoobayn kaallintii ay ka qaateen Dhallinyarada Soomaaliyeed
oo u kala qaybsanaa Dhammaan Ciidamadii Dalka waxaa kaloo Xusuus mudan inay la
Dagaalameen Huwan Maxaysata ah sida ay Weedhu u dhacayso "Galbeed waa la Xorayey
ee Waarsaa Gaagixisay" Halgankani wuu soconayaa Weligii Ilaa iyo Dhammaan kuwa
ay Maxaysatadu gacanta ku haysato iyo kuwii ay hore u haysatayba laga Xoreeyo.
Nasiib wanaag ayaa waxay Dowladii faransiiku markii ay u adkaysan weyday
Dagaalka iyo Halganka Dadka Soomaaliyeed iyo reer Jabuuti waxay garatay inay
Jabuuti Xornimadeedii Siiso sidaana ay Jabuuti Xor ku noqotay ,waxaad arkaysaan
inay yihiin kuwa u gargaaraya Shacabka Walaalahooda ah una taagan Nabadda.
Kacaanku wuxuu kaloo dhallinyarada u jeheeyey Ciyaaraha iyo Wax soo saarka sida
beeraha iyo kalluumaysiga sababtuna waxay ahayd wuxuu ogaa inay yihiin Xoogga
keliya ee Dalka uu leeyahay haddii ay ka horyimaadaana uu Xukunkiisa uusan
Guulaysanayn ,Kacaanku wuxuu ka dhisay Degmo walba oo Dalka ka tirsan Xarun
looguna magacdaray Degmada oo la oran jiray Xarunta Degmada , taasoo ay ka socon
jireen Shirar iyo kulamo looga hadlayey barnaamijyo ay Dowladu abuurtay oo loo
yiqiinay "Iskaa wax u Qabso "iyo NABADGELYDA, Ammaanka ayaa wuxuu ahaa mid aad u
sugan Hubka ayaa laga Ilaalin jiray inuu gacanta u galo Shacabka Muqdisho waxay
ka mid ahayd Meelaha ugu Nabadda badan Dunida Dhallinyarada ayaa horseed u ahayd
Horumarkii uu Kacaankii 21 Oktoobar uu gaaray burburkii ku dhacayna waxaa Sabab
u ahaa Madaxdii Dalka oo Shacabkii ku kala dilay Gobolaysi ,Qabiil, Dhaqaalihii
iyo Nabadii oo Xumaaday.
Gabagabadii iyo Qoraalkani Dhallinyadii hore ee Soomaaliya kuwii dhexe iyo kuwa
maanta waxaa u dhexeeya farqi aad iyo aad u fog kuwii S.Y.L waxay ahaayeen kuwii
keenay Xornimada aannu maanta Gacanta Cadawga gelinay iyaguna waxay ahaayeen
kuwa naftoodii u huray ama Xabsiyo u galay ama u dhintay oo u dhamaaday ,
farqiga kala gedisan ayaa kuu markhaati ah ,kuwa maanta jira waxay isu Dilayaan
Qabiil iyadoo uu Dalku ku jiro Gacan Gumaysi oo weli ah kii ugu Xumaa oo Cadaw u
ah Dadka Dalka iyo Diintaba,waa inaannu noqonaa sidii Dhallinyaradii S.Y.L kuna
midownaa Dib u Xoraynta Dalkeena Hooyo ee Soomaaliya.
Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2008
|