Burcad badeed? - Qore: C/wahaab Baajeey, Holland
Dhawaanahaan waxaa isa soo taraya tirida marakiibta lagu afduubto
xeebaha Somaliya. Arintaan ayaa waxay sababtay caalamka oo rabay in uu
indhaha ka qabsado dambiyada culus ee laga geysanayo dhulka Somaliya uu
haatan xariir iyo shirar ka yeesho arimaha Somaliya, inkastoo xiriirkaa
uu ku saabsan yahay oo kaliya “sida looga hortagi lahaa dhibaatada ay u
keeni karaan dhaqaalaha wadamada Europe, Asia iyo Mareykanka burcad
badeeda Somalida”.
Waxaan qoraalkeyga oo ku saleysan maqaalada Reuters, AFP, Interfax, AP
iyo ANP iyo arigtideyda shaqsi ahaan uga jawaabi doonaa su’aalaha hoos
ku xussan:
Waa maxay sababta uu caalamka indha iyo dhagaha uga qabsaday arimaha
Somaliya?
Waa ayo ‘burcad badeeda Somalida’?
Yaa ka dambeeyo ama maamulo waxaan lagu tilmaamay ‘burcad badeeda
Somalida’?
Waa maxay danaha laga leeyahay hawlaha burcadnimo ee laga fulinayo
xeebaha Somaliya?
Rajo malaga leeyahay in dalka Somaliya uu nabad iyo dowlad yeesho?
Caalamka:Dalka Somaliya waxaa in muddo ah laga geysanayey
falal ka dhan ah xaquuda aadanah. Ma rabo in aan kugu dawakhiyo tirada
hogaamiye koxeed, wasiir, madaxweyne iyo dawladaha ajaanibka ah ee
Somaliya ka geystay falalkaan ka dhanka ah xuquuxda aadanaha.
Basle waxaa isweydiin u baahneyn in Somaliya laga geystay falal uusan
xamili karin uurka qofka caafimaad qaba. Arintaan iyada ah ayaa sababtay
in caalamka uu indha ka qabsado arimaha Somaliya, maadaama aan maxkamad
lagu soo taagi karin fal aysan joogin markii uu dhacayey isla markaan
aysanba ogeyn in uu dhacay. Waxayna wadamada aduunka arimaha Somaliya u
dhaafeen wadamo danaha ay Somaliya ka leeyihiin ay ka weyntahay cabsida
ay ka qabaan in mustaqbalka maxkamad lasoo taagoo. Wadamadaan Somaliya
falalkaan ka wada oo ay ugu horeyso Itoobiya, waxay ku dhiradeen ku
dhaqaaqida falalkaan loo geysano caruurta iyo dumarka Somaliyeed markii
ay Mareykanka ka heleen damaanad ah in aan maxkamad lasoo taagi doonin.
Wadamada EU waxay arimaha Somaliya ka ahaayeen mararka qaar dhax-dhaxaad
markaad fiiriso kaalinta weyn ee uu Mareykanka ku leeyahay burbarka iyo
dhibaatada wali ka socoto dalka Somaliya. Balse waxaan si saa'id ah u
daboolneyn dhaqaalaha ay wadamada EU ku bixiyeen soo galitaanka iyo
joogitaanka ciidamada Itoobiya / Uganda ee dalka Somaliya.
Waxaase dhacday in wadamada EU markii ay arkeen dhibaatada ka dhalatey
maalmihii ugu horeeyey ee ay ciidamada Itoobiya soo galeen dalka
Somaliya iyo tirada dadka gacanta ciidamda Itoobiya ku dhintay, in ay
bilaabaan dib u gurasho. Siyaasiin reer Europe ah oo uu ka mid yahay
Louis Michel, Eric van der Linden iyo Jens Orlander ayaa markiiba waxay
bilaabeen in gudaha EU looga shiro dambiyad EU uga imaan kara falalka
laga geysanayo Somaliya oo ay EU dhaqaale ku bixiso. Waxaana EU u suurto
gashay in ay sameeyaan guddi ka kooban xeer yaqaano oo baritaan ku
sameeyey eeda EU uga imaan karta falalka ay ciidamda Afrikaanka ah ee
maal geliyeen ka geysanayaan dalka Somaliya. Waxay guddigaan ku
guuleysteen in ay helaan qorsho ay EU uga baxsan karto hadii mustaqbalka
maxkamad lasoo taago. Gushaan ay gareen guddiga waxay suurta galisay in
markiiba lacagtii loo balan qaaday ciidamda Afrikaanka lagu wareejiyo
gacanta dowladaha Afrikaanka ah.
Wixii maalintaa ka dameeyey EU waxay ku dadaashay in magacayada EU iyo
Somaliya aan 1 buug lagu wada xussan 1 qalinna lagu wada qorin.
Siyaasiinta reer Europe ugu tunka weyn waxay sidoo kale bilaabeen in
wixii su'aalo ah oo ku saabsan Somaliya ay ka caga jiidaan. Sidoo kale
siyaasiin badan oo Afrikaan, Asiaan iyo Mareykan ah waxay bilabeen in
markasta oo ay maqlaan Somaliya ay dhagaha, afka iyo indha is qabtaan.
Majiraa caadil/maxkamad kuu ciqaabi karto fal aadan geysan amaba aadan
ogeyn in uu dhacay?
Burcad badeeda Somalida
Somalida waa dad aadanaha intooda badan kaga roon bad-baadinta
naftooda, iska dhicinta hogaamiye-koxeedyada, risiq doonka (ganacsi), u
dagaalanka cadaalada iyo waxyaabo badan oo aan halkaan kusoo koobi
karin.
Bal waxaad eegtaa hooyada Somaliyeed ee kadib markii ninkeedi la’dilay
ganacsi ay gashay caruurteeda horumar ku gaarsiisyay.
Imisa caruur Somaliyeed oo waalidkood la dilay, ayaa si karti leh uga
baxsaday dalka Somaliya maantana dhaqaalo ay ka sameeyeen dalka
dibadiisa ku bixinnaya xalka Somaliya?
Dib ugu noqo wakhtiga ee soo xisaabi tirada shaqsiyaad awood leh ee ay
gacan isaga qabteen shacabka Somaliya.
Sidoo kale soo xisaabi tirada buugta uu caalamka ka qoray sida kartida
leh ee ay isaga qabteen gumeysigii adeegsanay hub xiligaa casriga ahaa
oo ay ka mid yihiin dayuuradaha wax lagu laayo.
Si maantana la isaga dhiciyo burcad badeeda waxaa loo baahayn in marka
hore dhawr arimood la ogaado.
Burcad badeedaan tirada badan Somaliya hore looguma arag, ee xagey ka
yimideen?
Wuxu ma’ahan qabiil meel daga, oo meel ama oday loogu hagaago leh. Mana
ahan jabhad ama maamul goboleed. Waa run in dad badan ay ku eedeeyeen
maamul goboleedka Puntland uu ka dambeeyo hawlaha afduubka, balse aniga
ma doonayo in aan qoraalkeyga ku weeraro maamul/qabiil.
Balse marka aan akhriyey qoraalada Admiral Philip Jones iyo Andrew
Mwangura, oo ay 1-da bisah oktober 08 xabsiga u taxaabtay dowlada Kenya
maadaam uu qoraal ka qoray markabka MV FAINA ee hubka u siday Kenya
laguna heysto xeebte Eyl ee dalk Somaliya iyo qoraalo ay arimaha
Somaliya kasoo saareen xafiisyo madaxbanaan oo isku hawla amaanka biyaha
Somaliya. Waxaan arkay tirada afduubka oo sii kordheyso iyo dhaqaalah
laga helo afduubkaan (sanadkaan kaliya waxaa la afduubay ka badan 30
markab, waxaana laga helay ka badan 30 milyan dollar)
Burcaddaan maahan dhalinyaro calooshood u shaqeystaal ah. Waxay
leeyihiin maamul ka caawiyo:
- Qorsheynta falalka burcadnimo
- Helista hub casri ah
- Isticmaalka ama qaabka loo adeesado doomaha dheereeyo
- Helista iyo barashada isticmaalka qalabka isgaarsiinta casriga ah
- Guriyenta iyo waxyaabo badan oo u suurta galiyey in ay u sahlanaato
afduubista ` maraakiibtaan.
Dhalinyaradaan ma’ahan kuwo matalo qabiil, inkasta oo intooda badan ay
kasoo jeedaan hal qabiil, lamana oran karo waa kuwo u shaqeeyo dano
qabiil.
Yaa ka dambeeyo ama maamulo?
Falalkaan waxaa ka dambeeyo siyaasiin Somaliyeed oo bilawgii dhaqaalo
badan ku bixiyey, balse haatan hawlaha burcadnimo ka helo dhaqaalo /
faa’iddo badan.
Siyaasiintaan waxay qaarkood ka mid ahaayeen dowladihii soo maray
Somliya halka qaarkood ay wali xubun ka yihiin ama miisaan ku leeyihiin
siyaasada DFKMG ah.
Danaha laga leeyahay
Caalamka wuxuu haatan ku hawlan yahay sidii uu kaga fogaan lahaa eed
ku saabsan xuquuqda aadanaha oo mustaqbalka kaga timaado Somaliya. Sida
awgeed waxay wadamada EU xaddadeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen
Somaliya. Arintaanna waxay sababtay in dhaqaalaha iyo awooda DFKMG ah uu
hoos u dhac ku yimaado.
DFKMG / siyaasiinta qaarkood waxaa lasoo daristay cabsi saa’id ah. Waxaa
yaraadey dhaqaalihii soo gali jirey DFKMG, ciidamada AMISOM oo dhaqale
badan loo hayn iyo wararka sheegaya in Itoobiya ay kala baxeyso
ciidankeeda Somaliya oo batay ayaa cabsi darran ku abuuray siyaasiin
Somaliyeed.
Sida kaliya ee siyaasiintaan ay cabsidaan uga bixi karaan ayaa ah iyadoo
caawinaad dalka dibadiisa ah ay helaan maadaama aysan wax kalsooni ah ka
heysan shacabka Somaaliyeed.
Maadaama uu caalamka baroorka siyaasiintaan iyo DFKMG dhagaha ka
fureystay waxay danta ku qasatay in la helo qaab kale oo caalamka
markale loogu soo jeediyo arimaha Somaliya.
Shidaalka ay wadamada aduunka helaan 30% waxaa laso marsiiyaa wabiga
Suez (Qanâ el Suweis). Waxuu wabigaan isku xiraa qaaradaha Afrika iyo
Asiya waxaana isticmaalo sanad walba 15 kun oo markab.
Wadamad EU iyo Rush-ka amaanka wabigaan muhiim saa’id ah ayuu u leeyahay
maxaa yeelay qeb weyn oo dhaqaalohooda ka mid ah ayaa ku xiran halkaan.
Sidaa awgeed waxay dantu ku kaliftay in ay wax ka badalaan siyaasadoodi
ahayd wax ma maqlo waxna ma arko.
Xiriirkaan sida cajiibka lagu soo noleysiiyey wuxuu farxad galiyey tiro
siyaasiin ah iyo DFKMG ah.
Wadamada haatan marakiibta dagaal usoo diray Somaliya ama qorshohoodu
yahay waxaa ka mid ah: Belgium, Cyprus, France, Germany, Lithuania, the
Netherlands, Spain, Sweden, Britain iyo Rusia. Waxaana lagu heshiiyey
xafiiska weyn ee laga maamulayo qorsha laga hor tagaayo ‘barcad badeeda
Somalida’ in laga dhigo magaalada London.
Waxaase su’aal ka taagneyn in mar walbo marakiib dagaal iyo dhaqaale
caalamka laga helo aan lagu maamuli karin dalka iyo dadka Somaliyeed
isla markaana ay muqaddas tahay in la helo kalsoonida Somalida.
Rajo
Somaliya waxay ka tilaabtay marxalado kala duwan, shakina kuma jiro in
xaalada ay hadda ku jirto ka bixi doonto.
Waxaa soo kordhayo tirada dibad baxyada xorta ah ee ka dhaco Somali,
tirada siyaasiinta dibada joogo ee midoobayo, tirada qabaa’ilada wada
shaqeynayo si ay danta guud ee ka dhaxeyso u gaaraan iyo arimo badan oo
ku dayasho muddan oo ay dhawaanahaan ku dhaqaaqeen muwaadiniin
Somliyeed. Marka aad aragto tirada sii kordheyso dalka iyo dibidaba ee
muwaadiniinta Somaliyeed ee wadaninimada ay ka muuqato isla markaan ka
fogaanayo wax walba oo salka ku hayo qabiil iyo neceyb, waxaa kuu
muuqanayo in xalku uu soo dhaw yahay.
Guul iyo nabad aan loo dhibtoonna ma raagaan.
Maqaalkeyga xigana waxaan ku falanqeyn doonaa micnaha guusaha iyo wadada
loo maro guusha una mareen kuwii inaga horeeyey.
Marnaba haka nijad jabin xalka Somaliya!
C/wahaab Baajeey, Holland
Fadlan wixii feedback ah iigu soo hagaaji
daacad2000@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2008