CADDE MUSSE WAXYAABAHA UU PUNLAND U QABTEY IYO WAXYAABAHII KA
DHICISOOBEY?
Mahad idilkeed waxay u sugan tahay allaha wayn ee
kaligii xaqqa u leh amaanta wanaagsan gabi ahaanteed isagaa kaligii ayaa
xaqq u leh cibaadada, mulkiyaddana isagaa leh ayadoon cidina la
wadaagin, naxariis iyo nabadgalyo tan ugu sarreysana alla ha yeelo
nabigiisa (scw) korkiisa. Waxaanan allah waydiisanayaa inuu noogu
kaalmeeyo wax walba oo aan u samaynayno raalli-galintiisa (sw).
Intaa kadib, sida la ogsoon yahay qof wax akhriya kama qarsoona qaymaha
ay taariikh-du ugu fadhido horukaca waxqabadka aadanaha, iyo dawr-ka ay
ka qaadato ka-talinta, agaasimidda iyo xadaynta mustaqbalka jiilasha
dadka ee isdaba jooga.
Hadaba, inay taariikh-du tahay tajaarubtii iyo waaya-aragnimadii dadka,
ee hore u dhacday darteed oo la arkey sidii ay ku dhamaatey ee natiijadu
noqotey, inay tahay mahadhadii aadanuhu soo maray geeddi socodkiisa
nolosha iyo isbabadalkii maalmaha dawlado iyo boqortooyooyin waawayn
dhismahoodii ama siday u dumeen colaado iyo dagaallo aloosmey eelkay
reebeen iyo siday ku dameen abaaro kulul iyo sanado barwaaqo ah iyo
siday ku dambeeyeen aqallo qurxoon, qasriyo iyo qalcado la adkeeyey
ciddii udub-mudey amase ciddii maamushey nabiyo loo waxyooday
hogaamiyeyaal caan-baxay rag magac dheer faylasofyo khubaro fakarka iyo
noloshaba raad aan harin ku reebay siday nolosha u xadeeyeen amase u
fahmeen aragtiyo iyo mad-habado asaasmey amase shaac-baxay magaalooyin
horumarey aaladihii dhismahooda saacidey ama burburkooda sabab u ahaa
ummado kuwa kale adoonsadey ummado waa jirey kadibna dabarbeeley
qudradii isu sakhirtey xadaarado iyo ilbaxnimooyin waa jirey ilaha
awooddoodu ku tiirsanayd iyo astaamihii hoos u dhocooda daadihiyey
waxaan oo dhan oo hayaankii aadanaha iyo isbadalkii ayaamaha ah
kulligood waa un taariikh.
Sidaa awageed waxaa ku guda jira darsi laga qiyaasqaato oo aan meel kale
laga heli Karin. Xigmadda halqabsiga ah ee soomaaliyeed waxay oraneysaa
“dhagtaa kaa facdheer ishaase waa kula fil” illayn dhagtaadu waxay
maqashaa mahadhooyinkii qarniyada dhexdooda hore u dhacay ishaaduse
intaad noolayd umbey wax aragtey.
Ahmiyadda ay taariikh-du ku fadhido
li’ajligeed qofka yaqaan waa qofka kaliya ee ka baaraandagi kara
masiirka lagama fursadaha ah ee bulshooyinka, hadaysan taasi jirin maxaa
waaya arag-nimadu tahay taladiisase maxaa loo qadariyaa? Tani waa halka
laga yiraahdo ninkii taariikh-da bartey cimrigiisa wuxuu ku kordhiyey
cimriyaal badan illayn taariikh-da uu bartey darteed waa nin gu’giisa
garaadkiisu ka wayn yahay.
Waxaa hadaba jira faa’iidooyn aan lasoo
koobi Karin oo ku diimoon barashada taariikh-da inkastoo aanan wada
taabanayn waxaan farta ku fiiqayaa kuwa ugu waawayn qaarkod.
ka cibra
qaadasho ka qiyaas qaadasho, inta badan dhacdooyinka hareeraheenna ka
socdaa ma cusba amase ugub ma aha ee hore ayey u dheceen amase wax u eg
sidaa darteed arrimo badan oo murugsan xal u heliddooda waxaa qayb wayn
ka ah in la barbar dhigo sidii xal loogu helay dhacdooyin lamida oo hore
u dhacay, taasina waa tan alle wayne (sw) quraankiisa ku tilmaamey marka
uu leeyahay “ “Waxaa wallee ku sugan qisooyinkooda wax lagu cibro
qaato”.
In badan oo waxyaalaha inagu hareeraysan ah aragtiyaha iyo afkaaraha
isfeer socda khilaafaadka iyo isbahaysiyada dadka ka dhex jira waxay soo
bilowdeen waqtiyo hore waxaana jira ujeedooyin iyo dano loo asaasey ama
sababo keenay markii hore marwalbana kama lug marna sababahaas,
ujeedooyinkaas iyo danahaas loo asaasey, hadaba, hadduusan qofku lasocon
sida waxaani u bilowdeen ama sababka keenay ama ujeedada laga leeyhay
way ku adag tahay inuu fahmo ama la tacaamulo taariikh yahankuse waa
qofka garanaya sida waxaani usoo bilowdeen oo garan kara siduu ula
falgali lahaa.
In la iska jiro lagana feejignaado khaladkii dad hore ku dhacay, -si cad
saan ugu fakaro- mustaqbalka waxa imaan doona alle cid aan ahayni ma oga
dadkuse Markey fiiriyaan sida arrimuhu u socdaan waxay saadaaliyaan sida
laga yaabo in mustaqbalku u ekaado islamarkaana odortaasi inay
saadaalintii ku timaado waa la arkaa inaysan ku imaanna waa suurowdaa,
laakiinse waxaa natiijada la ogaan karaa oo kaliya markii mustaqbalkaas
la gaaro. Hadaba, taariikh-yahanku wuxuu ka faa’iidaysanayaa
khaladaadkii hore u dhacay oo natiijadoodii gadaal laga arkey
islamarkaana waa ka feejignaanayaa.
In la ilaaliyo lana dhawro kayd cilmiyeedka ummadaha amase oollimaadka
bulshada, taariikh-da waxaa ku jira shucuubta kayd cilmiyeedkeedii
dhinaca caqiidada iyo aaminsanaanta dhinaca luqadda, dhaqanka, xigmadaha
maahmaahyada, gabayada iyo sheekooyinka ay ku guntameen ee ku yimaadeen
dhinaca ogaanshaha jiritaankooda, cadowgooda hore, dadkooda magaca
waynaa, guulaha ay hore usoo hooyeen, hadafyada ay higsanayeen iyo
dhamaan khusuusiyaadka ummad walba.
Toosinta iyo agaasimidda ujeedooyinka ummadda ee mustaqbalka ah, markii
la ogaado dhacdooyinka hore ayaa la toosin karaa ama la agaasimi karaa
bulshada tallaabooyinka la gudboon inay mustaqbalka hore u qaado.
Muhiimadda Qoraalkeegu waa waxyaabahii ka fashilmay xukuumadda cadde
musse madaxwaynaha u yahey, Horumarkii u ka gaystey inta uu xilka hayey,
iyo dhamaan shacabka reer puntland sidda ee u arkaan cadde musse,
haddaba su'aalaha is waydiinta muddan ee cadde musse lagu hayo waa
sideeh
Maxey reer puntland cadde Musse ku xasuusan garaan?
Sidee u arkaan Marlabaad in uu cadde Musse la doorto?
Cadde Musse ma dhabeeyey dhaartii u ku hordhaatey, Shacabka iyo
golaxiisa Parlamanka?
Haddaba anigoo ka jawaabayah Su'alahaas,
MADAXEYNE CADDE MUSE IYO WAX QABADKIISI DAHABIGA AHAA EE LAGU XASUUSAN
GARRO
Madaxwaynaha cadde musse, waxuu hormariye dhamaan G/bolladda Puntland
qaybaha ugu muhiimsan Sidda:-
BARI REGION
BANDAR KASIM INTERNATIONAL AIRPORT RECONSTRUCTION
SHIEHK JABIR INTERNATIONAL MAHJAR
BOSASO HIGH COURT RECONSTRUCTION
BOSASO MAINPORT RECONSTRUCTION AND JABAL ALI AGREEMENT
PUNTLAND PETROLIUM PRODUCTION
PUNTLAND OPEN MARKET
BOSASO ROADS RECONSTRUCTION
BOSASO POLICE TRAINING
ARMO INTERNATIONAL AND SOMALI POLICE training center
Bossaso City Council and Local Goverments
NUGAAL REGION
AIRPORT CAASIMADDA GARAWE OO LA DHISAY
WAKAALADDA KORANTADA CAASIMADDA PUNTLAND OO LAFURAY
SHARCIGA CAASUMADDA OO LA ANSIXIYEY
DIB U DHIS WADOOYINKA CAASIMADDA
WASAARADDAHA MAALIYADDA IYO CAAFIMADKA OO LOO DHISAY GURO KHAASA
CITY COUNCILKA CAASIMADDA OO LA DHISAY
AMAANKA CAASIMADDA OO LA ADKEEYEY
BAARLAMAANKA PUNTLAND OO AWOODOODA KOR LOO QAADAY
GUDDIGA XISAABTANKA QARANKA OO LA DHISAY
HAYADDAHA OO LAGU AMRAY INAY XARUN KADHIGTAN CAASIMADDA
MUDUG REGION
AMAANKA GOBOLKA OO KOR LOO QAADAY
MAAMULKII HORE OO LAGA BEDELAY
CANSHUURTA GOBOLKA OO LA KORDHIYEY
GUDIGGA XAALADDA DEGDEG AH EE GOBOLKA OO LA DHISAY
DHAMAAN XARUMAHA DAWLADDA OO DIB U DHIS LAGU SAMEEYEY
XUDUUDAHA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO LA XIRAY
XARUN TABABAR CIIDANKA SOMALIYA OO LA FURAY
ISKOOLADDA GOBOLKA OO LAGA DHIGAY BILAASH
XARUN AGOOMEED OO LAGA FURAY
XIRIIRKA GOBOLKA IYO DAWLADDA ETHOPIA OO KOR LOO QAADAY IYO XUDUD
LADHISAY
SANAAG REGION
MASHRUUCA MACDDAN BAARISTA OO LAGA FURAY BUURAHA SILSILADDA GOLIS
XUDUUDA PUNTLAND IYO SOMALILAND OO LA XIRAY
AMAANKA GOBOLKA OO LA ADKEEYEY
MAAMULKA GOBOLKA OO LA BEDELAY
IYO MASHAARIIC LAGA HIRGELIYEY GOBOLKA
SOOL REGION
GOBOLKA SOOL MASHAARIICDIISA OO DIB U DHACAY SABABO AMAANKA LA XIRIRA
IYO MAAMULKA
OO KA GAABIYEY HOWLIHIISA GOBOLKA
DHAMAAN WARBIXINTA KOR KUXUSAN WAA WARBIXIN SAX AH OO AAN KASOO XIGANAY
ILA XOG OGAAL AH IYO XIRIIR AAN LA SAMAYN MADAXDA SARE EE MAAMULKA
PUNTLAND
Waxa kale oo cadde muse oo lagu amaani karaa hanaanka dimuqraadiyadda ee
uu hirgaliyey
intii uu xil ka hayey waayo madaxweyne cadde muse waxaa la oran karaa
waa madaxweyne
ama hogaamiye afrikan oo lamid ah majiro waayo waana nin wax loo sheegi
karo waxna laga diidi karo
taas waxay astaan u tahay ama lagu garto DEMOCRACY
waxana tusaale u ah xiligii maxakimta ay qabsadeen dhamaan somaliya ayna
soo fariisteen ardaaga magaalada galkacyo cadde wuxuu ogolaaday inuu
kitaabka qaato isaga oo ka amar qaadanayey culimadda puntland sida
sheekh abdikadir nuur farah, sheekha fuaad siciid aflow, Sheikh Ahmed
Daad, Shiekh Daahir IWM
wuxuuna ku guulaystay inuu shacabka puntland ka badbaadiyey duqayntii
diyaaradaha AMERICA ay ka gaysteen magaalooyinka koonfurta somaliya.
wuxuu kale oo amaan balaaran kumudan yahay halgan koonfurta somaliya ee
dib loogu doonayo dowladd dhexe oo somaliyeed oo uu qayb wayn ka qaatay
sida diyaarinta ciidamadda bixinta kharashka federalka maadama anay
dowladu lahayn wasaarada shaqaya
waxaan kale oo ku amaanayaa sida uu puntland uga ilaaliyey in qof
kudhinto ama khilaaf uu soo dhex galo shacabka gobolka
waxaana ognahay maalintii cadde wadanka qabsaday waxaa uu ka bilaabay
eber ama numberka ZERO
maantana waxaa la orankaraa waa maamul hanaankiisu balaran yahay kana
baaxad iyo sawir duwan
maamuladii hore ee ay xukumeen madaxda sharafta leh ee puntalnd'
MUDDANE ABDALLA YUUSUF AHMED 1998- 2001
MUDDANE YUSUF XAAJI NUUR 2001-2002
MUDDANE ABDALA YUSUF 2002-2004
MUDDANE MOHAMED ABDI HAASHI 2004-205
MUDDANE CADE MUSE 2005-2009
WAXAANA UU HADDA BALAN QAADAY INUU XILKA SI SHARAF LEH UGA DEGAYO MARKA
UU XILIGIISU DHAMAADO WAANA 08-01-2009
WAXAANA U BAHANAHAY ISBEDEL WAXANA KA RAJAYNAYNAA INUU NOO FIRAAQAYO
LANA HELO DHALINYARO ISBEDEL SAMAYSA OO AQOON SARE LEH LAGANA GUDBO
ODAYAASHA.
SICIR BARARKA
SICIR BARARKU:- Cid lagu eedayn garo ma jirto, waayo Sicir bararku waxuu
ka jiraa dhamaan dunidda oo dhan, waxaana jirah shirkado baddan oo
dunida ku yaaley oo sameyn u geystey sicir bararka khasabna noqotey in
shirkadahaasi gacaan, kuwo kalena gaabsi ku yimid hoowlahoodi shaqo,
Tusaale ahaan, waddanka thailand ee aan ku noolahey, maalinba maalinta
ka danbeesah waxaa kor u kacayah sicirka waxaana qaaliyoobayah,
maciishadda, waxaana hoos u dhacayah lacagta dollar waxaana kor u
kacayah lacagta Baht ee waddanka thailand, Ilaa haddana waxba kama
eeysan qaban dowladda, waxaa xilka laga qaadey madax waynahii horre ee
waddanka isaga oo lagu eedeyn in uu dhaqaalaha oo kor u sii kacayah
waddanka ilaa haddana madax waynahii la islahaa wax buu ka badalayaa
waxba kama uusan qaban, oo waa sideedii, waxaase laga baxi karaa, Iyadda
oo Alle la baryo, lacagaha somaliga ee la daabacayo la xadido,
HADDABA MA DHACI GARTAA IN CADDE MUSSE DIB ISKU SOO SHARAXO, MAXEYSE
REER PUNTLAND KA QABAAN?
Mar aan xiriir la sameeyey G/bolka bari Aqoon
yahano joogah G/bolkaas, waxey ii sheegeyn in cadde musse la filaayo in
97.9% u dib loo doorto sababtoo ah, madaama uu khibrad wayn u yeeshay
inta uu xilka hayey, waxeyna ii sheegayn in eeysan marlabaad dooran
doorin, nin ka yimid Europe, USA, Canad IWM.
sababtoo ah ma ahan,
waxey ku eedayeen nin walba oo ka yimaadan waddama kor ku xusay ama
waxii lamid ah, waxuu isku dayaa in uu dhaco hantidda dad waynaha, marka
uu ka buuxsaddo jeebkiisa ayuu ku fagaraa sidda uu wax uu wax ugu qaban
lahaa ama u hormarin lahaa.
Cadde Musse waxaa dhib ku ahaa inta uu xilka hayey, 2005-2009 sidda uu
ula qabsan lahaa ama shacabka reer puntland u qancin lahaa, waxuu hadda
noqdey waayo arag amase waxuu u yeeshay qibrad wayn, waxaana la orran
garaa waa xiligii uu wax u qaban lahaa waddan-ka?
Waa su'aal khuseeysah dhamaan shacabka wayn ee reer Puntland
ma waxeynu dooranaa nin kayimid USA, CANADA, EUROPE AMA ARAB COUNTRIES,
oo dhib ku ah sidda uu ula qabsan lahaa marka uu xilka madaxtinimadda uu
qabto, una dhun san lahaa hantidda qaran mise waxeynu dooranaa Muddane
Cadde Musse Hirsi(BOQOR) oo ah professional exprience u noqdey Puntland
haddana diyaar u ah in uu Puntland Hormariyo?
Khadar Musse Mohamet
E:-Mail profkhadar@hotmail.com
Bangkok Thailand
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2008