Maqaalada c/waaxid waa stuff and nosense

Yusuf A. Ateye
Dirir114@hotmail.com
Salaama calaykum dhamaan bahda somalitalk wax ku qorta iyo akhristayaasha
sharafta mudanba
Runtii anigu shakhsiyan maqaalada uu qoro walaalkeen c/waaxid khaliif si aan u
fahmo ayaan garan waayey
Mawduucyada uu ka hadlo waaku muhiim ah laakiin sida uu maqaaladiisa u qoro ayaa
mushkiladi ka jirtaa
Dhamaan maqaaladiisu waxay xambaarsan yihiin hal fikrad ooah cambaarayn iyo
dhaleecayn ma siday la noqotay in xal lagu heli karo mise ?
Waxaan xusuusinayaa manta xaaladda wadankeenu marayo waa mid adag sida wadanku u
burburay ayaa mujtamacii u burburay qofka doonaya inuu wax hagaajiyana waa inuu
intii awoodiisa ah isku dayaa inuu bulshada soomaaliyeed isu soo jiido maaha
inuu sii kalajiido ama sii kala qaybiyo canaantana iyo cambaarayntana waxba
laguma keeno waxaa daliil ku filan maqaalada c/waaxid akhriskooda dadkii isku
khilaafay waxaadna aragtaa in eryo adag uu adeegsadomarka uu doonayo inuu qof
canaanto isagana sidoo kale ereyo aad kuwiisii uga siia dag ayaa loo
adeegsadaa,waxaad moodaa oo kale in c/waaxid aanu akhrin jawaabaha maqaaladiisa
laga qoro waayo waxaanaaminsanahay hadii uu akhrin lahaa inuu khibrad ka qaadan
lahaa maqaaladiisa mustaqbalka wanaajiya
Waxaa kale oo jira in culimada uu sheego inuu ixtiraamo aanu si fiican u
dhegaysan hadaladooda
Tusaale waxaynu usoo qaadan karnaa si dhamaanteen anu wada dhegaysanay sheikh
cumar iimaan markii tv al jaziira uu waydiiyey khilaafka isaga iyo sheikh
shariif u dhexeeya inta uu leegyahay wuxuu ku jawaabay jawaab miisaaman oo ahayd
khilaaf nooma dhexeeyo ee waxaan ku kala duwanahay arati keliya ma caayin mana
macbaarayn mana ceebayn wuxuuyidhi hadafka yagu waa isku mid ee aragtida keliya
yaan ku kala duwanahay ,runtii waxay ahayd jawaab aad u qiima badan laakiin
waraysigaa ka dib c/waaxid wuxuu qoray maqaal ah sheikh shariif tigreega malal
ogyahay ====
Waxaan kula talinayaa walaalkay c/waaxid dikteetar ha noqon intaadan qorinna ka
fiirso intaadan post garayna mar kale akhri hadii kale maqaaladaadu waxay
noqnayaan stuff and nosense
Manta waxaynu u baahanahay inaan midawno ummaddana laysu soo jiido kooxaysigana
aynu iska ilaalino hal hadafna aynu yeelano
Fikir keligaa miisaan saar adiga iyo maqaaladdada runtii aragtidayda waxaad
tahay nin laga faa,iidaysan karo hadii aad saxdo khaladaadkaaga
Canaantaydu waa canaan walaaltinimo
Yusuf A. Ateye
Dirir114@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2008