SAWIRKA DHABTA AH EE DALKEENA HOOYO
- Ciidamada Ethopia ayaa xasuuq ka geystay masaajid
- Doon waday tahriibayaal Soomaali ah ayaa ku degtay biyaha malta
- Meydad Soomaali ah ayaa ku soo caariyay xeebaha dalka Yaman
- Burcad ayaa rasaas ku furtay gaari safar ah
- Madfac ayaa ku habsaday Qoys waxaana ku geeriyooday dhammaan caruurtii iyo
waalidkood.
- Rag bistoolado ku hubeysan ayaa dil u geystay nin rayid ah
- Dad Soomaaliyeed oo qaxooti ah una socday Kenya ayuu libaax cunay
- Dad ayaa gaajo ugu dhintay xerooyinka ay degen yihiin dadka soo baro kacay
- Caruur ayaa haraad ugu dhimatay gobolada dalka Soomaaliya.
- Koox dabley ah ayaa kufsi u geystay haween ku jiray xerada dadka soo baro kacay
- Gaari kuwa rakaabka ah oo ka shaqeeya magaalada dhexdeeda ayaa miino la kacday.
- Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu afduubay xeebaha Soomaaliya.
Musiibooyinkaa aan soo sheegnay iyo qaar kale oo aan halkan lagu soo koobi karin
ayaa inta badan wadanka ka dhaca, hase yeeshee dhegaheena oo ay ka bateen awgeed
waxa ay nala noqdeen wax caadi ah oo nolosha ka mid ah.
Dabar go’a ku socda ummadda Soomaaliyeed kuma koobna intaa oo kaliya ee bal aan
fiirinno qeybaha arimaha bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Waxaa si aad ah isku dhimay tirada dadka ku nool wadanka gudihiisa, kadib markii
intii carari kartay wadanka isaga hayaameen. Dadka Soomaaliyeed oo ah bulsho
muslim ah, dhaqan ahaana isgargaarta ayaa intii wax bixin kartay dalka isaga
baxday waxaana isku soo haray dad aan wax badan is dhaamin oo daruufta dhaqaale
ku adag tahay danina meesha dhigtay, xaalkooduna waxa uu noqday laba qaawani
isma qaado!!
Wadanka oo dhaqaalaha soo galo inta badan ku tiirsan yahay xoogsatada dibada,
waxaa lagu qiyaasay dhaqaalaha ka soo gali jiray xawaaladaha in ka badan hal
bilyan oo dollar (1 billion) sanadkii, laakiin taasi aad bay hoos ugu dhacday ka
dib markii xoogsatada dibaddu ay eheladooda kula taliyeen in ay tagaan goobo
xasiloon oo ka nabad wanaagsan Soomaaliya. Dadkii intooda badana waxa ay tageen
waddammada dariska ah sida Kenya, Itoobiya, Jabuuti kuwaas oo dhaqaalahoodu kor
ugu kacay lacagaha adag ee soo maraya xawaaladaha Soomaalida.
Intaa waxaa dheer ganacsatadii Soomaaliyeed ee wax soo dejin laheyd naftooda
ayay la baqeen, wadankana wey isaga tageen. waxayna dhismayaal bilicsan ka
dhisaan wadamada ay ka mid yihiin Imaaraadka, Masar iyo Kenya ka dib markii ay
ka quusteen in ay wax ka soo dajiyaan xeebaha Soomaliya oo u xiran burcad aan
ogoleyn in Soomaaliya wax la keeno, cunaqabateyna ku haya ummadda maatada ah ee
Soomaaliyeed.
Iyadoo taasi jirto, ayaa haddana dadka tirada yar ee ku haray wadanka oo aan
lahayn awood dhaqaale oo ay wax ku iibsadaan, waxaa si aad ah hoos ugu dhacay
wax iibsiga oo dadku wax ma iibsan karaan.
si gooniya ayaan u naxaa markii aan maqlo raashin gargaar ah oo Soomaaliya loo
soo wado isla markaana ay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin gaalo ay ka
waardiyeynayaan burcad Muslimiin Soomaali ah si loo gaarsiiyo dadka gaajada u
dhimanaya ee Soomaaliyeed.
Burcadda cunaqabateynta ku haysa shacabka Soomaliyeed kuma eka badda oo keliya,
laakiin masaakiinta waxaa lagu baadaa xerooyinka ay ku barakaceen iyo waliba
dariiqyada wax u soo maraan oo dhan. Iyadoo weliba intaa dheer tahay raashin iyo
lacag looga rabo dhulka ay degen yihiin ee goofafka[1] ayaa ka kiraysan[2] dadka
barakacay.
Lacagta Shillin Soomaaliga ah oo wadanka ka shaqeysa oo ah hal kun oo isku taal
ayaa halis ugu jirta in ay istaagto sidii dhacday kal hore, taas oo markii danbe
fadliga Alle ka dib Alle ku suurogaliyay dadaal ay bixiyeen Cullumaa’udiin iyo
wax garad kale.
Sidoo kale wadanka waxaa ka socday mashaariic tiro yar oo ay maalgelin jireen
Qaramada Midoobay iyo hay’daha caalamiga ah dalkana soo gelin jiray dhaqaale,
iyagana meesha way ka baxeen amaandarrada awgeed, taasina waxay mar kale meesha
ka saartay dhaqaalihii wadanka soo geli jiray.
Soomaalidii hore kuma tiirsanaan jirin xoogsatada dibadda ama hay’ado shisheeye
balse dhaqaalaha Soomaalida waxaa ebid laf dhabar u ahaa xoolaha nool iyo
beeraha, haddaba su’aashu waxay tahay maxay maanta ku sugan yihiin Xoolaha iyo
Beeraha Soomaaliyeed.
Abaarta iyo daryeel la’aanta waxa ay keentay in xooluhu u dhamaadaan abaar,
dhaqaalo darro ileyn dhalinyaradii ilaalin laheyd tahriib ayay ka door bideene.
Mid-midkii Alle ka badbaadiyo baddana waxa uu qowsaar ka noqdaa xoolo Sacuudiga
laga leeyahay halka xoolihii Soomaaliyeedna cid dayaca iyo dugaagga ka celiso la
la’ yahay, loogana soo tegay waayeel ay daruufi hayso oo aan tabar badan lahayn.
Si kastaba ha ahaatee, naxdinta ugu weyni waxa ay ka jirtaa xaalufinta lagu hayo
dhirta si looga shido dhuxul la dhoofiyo.
Xooluhu waxa ay la’ yihiin geed ay ka dugsadaan gabadanada dhaxanta ama ay ka
harsadaan milicda qoraxda, dhulkii Soomaaliyeedna waxa uu u ekaan rabaa saxaro
lama degaan ah, dhirta fara-ku-tiriska ah ee hartana hadda ayay ku socotaa jarid
iyo gubid cid ka ceshataana ma jirto!!
Dhir jariddu waxa kale oo ay keentay bacaad ku fidaya dhulkii carrosanka ahaa oo
ay ku tiirsaneyd beerashada iyo daaqsintaba.
Dadka dhirta jara oo aan lahayn aqoon iyo damiir wadaninimo oo celiya, ayaysan
hadana jirin awood hor istaagta ama culimo si dhab ah ugu istaagta wacyi
gelintooda.
Dadka dhuxusha shidaa qaarkood lacagta ay ka helaan dhirta ay gubeen waxa ay ku
iibsadaan xoolo nool, laakiin garaadkoodu ma gaarsiisna in ay ka fekeraan
mustaqbalka xoolahaasi waxa ay daaqi doonaan.
Dhanka beeraha waxaa aasmay kanaaladii biyaha qaadi jiray waxaana la waayay
qalabkii lagu qodi jiray keliyada, waxaana wadanka ka hayaamay dadkii aqoonta u
lahaa cilmiga beeraha taasina waxa ay keentay in wax soo-saarka beeruhu aad hoos
ugu dhaco.
Soomaaliya waxaa ka jira dhul badan oo beero ahaan jiray maantana duur ah.
Beerasho la’aanta iyo burcada badduba waxay sabab u yihiin cuno la’aanta ka
taagan Soomaaliya.
Haddaba dadka gudaha wadanka ku nool xaalkoodu waa sidee?
Dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka markii ay u adkeysan waayeen madaafiicda arxan
darada ah ee Itoobiya waxa ay door bideen qorrax iyo dhaxan magaalooyinka
banaankooda ah.
Guryaha u dhisani waa ulo’ lagu xirxiray xarko, baco iyo baakado. Kiiba heli
kara.
Adeegyada aadanuhu u baahan yahayna sida cuno ku filan, biyo nadiif ah, tacliin
iyo caafimaadna warkooda daa!!
Caruurta dadka barakacay oo aan helin tarbiyo toosan iyo tacliin waxa ay keeni
kartaa in ay ku dhaqmaan falal lala argagaxo haddii aan hadda la helin cid daba
qabata
Dhanka kale, dhalinyarada wadanka sida aadka ah uga yaacday waxa ay ku jiraan
da’dii taranka taasina waxa ay keeni kartaa in caruurta ku dhalato wadanka
gudihiisa aad u yaraato.
Haddaba dadku maxay ku nool yihiin?
Dadka muruq-maalka ah sida fuundiyada, xamaaliga iyo farsamo-yaqaanada ayaa meel
cidla ah ku soo dhacay ka dib markii la waayay cid loo shaqeeyo.
Dadku waxa ay ku nool yihiin intooda badan cunooyin dhacay ama la dhaafay
xiligii cunitaanka ay ku habooneyd, magaalada waxaa ku yaal makiinado lagu
furfuro burka dhacay oo isku dhegdhegan kuwaas oo qaarkood la qabtay xiligii
maxaakiimta islaamku wadanka ka talinaysay
Sidoo kale bariis dhacay oo midab-doorsoomay ayaa la furaa oo teendhooyin inta
lagu waro lagu daraa mid kale oo isaga dhaamo, kadibna dib ayaa jawaanno lagu
cabeeyaa.
Daawada ayaa ka mid ah waxyaabaha la qiyaameeyo oo loo soo ekeysiiyo daawo horey
u jirtay ama laga bedelo taariikhda si loo dheereeyo taariikhda dhicideeda
(expire date)
Waxaa sidoo kale qishku ka jiraa caanaha oo inta badan lagu badiyo biyo aan
weliba nadiif ahayn oo ah kuwo ku raagay harooyin waxaa kale oo lagu qooshaa
magaad, shaah, dambaska garaska iyo waxyaabo kale. Sidoo kale hilibka neef aad
caato u ah ayaa lagu dhex iibshaa neef iska wanaagsan.
Qishka iyo ribbadu kuma koobna qeybaha aan ka soo sheekeynay oo keliya laakiin
waxa kale oo ay ka jiraan dhammaan qeybaha kale ee ganacsiga Soomaaliya
Dadka qaarkoodna waxa ay ku andacoonayaan in aysan dadku iibsan karin wax nadiif
ah oo aysan u lahayn awood dhaqaale, sidaa darteed loo baahan yahay in dadka loo
yeelo si ay wax ku iibsan karaan.
Intaa waxaa dheer dhimashada iyo dhaawacyada joogtada ah oo ku dhacaya shacabka
ay haysato duruufta nololeed, waxaa jira dad badan oo dhaawac darani ku yaal oo
waayay qaar ka mid ah xubnaha jirkooda, hadana lagu hayo guryaha iyo geedaha
hoostooda oo aanan haysan wax daawo iyo daryeel ah cid u maqana aynan jirin,
dadkaasi waxaa dhiiri-gelin u ah dhawaaq nabadeed oo kasta waxaana naxdin u ah
dhiillo kasta oo colaadeed.
Gabogabo
Dhamaanteen aan ku fekerno in aanan noqonin dadkii ugu horeeyay aduunka ee karti
u yeelan waayay in ay midnimadooda iyo jiritaankoodaba ilaashadaan.
Caqligu ha na hogaamiyo ee caadifadu yaanay na hogaamin.
Alloow towfiiqda na waafaji.
Aamiin…
[1] Dhul balaaran oo aan magaalada gudaheeda ku ool oo ay dad leeyihiin, inta
badana waxaa ka baxa cows magaalada loo iibgeeyo
[2] Waxaa jira dad tiro yar oo dhulkooda aan kiro ka qaadin, kuna taba rucay
dadka soo baro kacay
W/Q Maxamed Maxamuud Ducaale
Cujub@yahoo.com ,
mducale@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 9, 2008
Akhri qormadii "Kipkorir" oo AfSoomaali loo rogey...