SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

GOOBAHA CADOWGU DAGANYAHAY WAA LA GEES MARAYAA...GAROONKA MUQDISHO-na WAA LA GARAACAYAA!!!!

Anigu koley ma garan ujeeddada ka dambeeysa..in badanoo ila mid ahna su'aalo badan ayaa maskaxkooda ka guuxaya oo ay jawaab u la'yihiin...waxay is weydiinayaan sababta gantaalada Al-shabaab iyo Raas-kamboniyiin qolada la baxday ridayaan, loogu gani la'yahay Xeryahaha Ciidamada cadowga ee Itoobiya oo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ah isha kaliya ee ay dadka muqdisho gargaarka tirada yar ka helaan loo go'doominayo..?.

Cadowgu wuu nastay in muddo ah...muqdisho Stadium madfac laguma rido...Warshada Baastada war dagaal kama soo yeerin...Xeyle bariise sidoo kale..Xaafadda 6 piano oo ah halka ay madaxda Cadowgu ku marqaamaan hal madac xitaa looma quuro...Cisbitalka Digfeer oo ay xabashidu dagantahay meel aan u dheereyn madaafiic ayaa laga ridaa loo wado Muqdisho Airport..agagaarka Km 4, dagaallo ayaa habeenkii mar mar lagu qaadaa ciidamada Ugandha ee jooga laakiin kuwa Itoobiya oo la daris ah dagaalka waa laga daayey..sabab?.

Ma Xabashida ayey heshiis xabad-joojin ah la galeen asaa xabaddii loo weeciyey goobaha nolosha dadweynaha Muqdisho muhiimka u ah...ma dadka masaakiinta ah ayaa la yiri 'hala barakiciyo inta yar ee magaalada ku hartay'? maxaa loola jeedaa madfac laga dhax ridayo xaafadaha dadku daganyahay, waliba meelaha nabdoon oo aaney dhibaato weyn horey uga dhicin...Xaafadaha Wadajir iyo Madiino ayaa madfac laga riday markaasaa Ciidamada Shisheeye ee Ugandha si naxariis daran u garaaceen oo dadkii aan wali deegaanadaas dagaal uga qixin hada la barakiciyey...iyaga hortoodna waxaa si deg deg ah looga qaxay xaafado ka mid degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag markii madaafiic xoog badan loogu jawaabay hoobiyeyaal ay Al-shabab iyo Raskambodiyiintu ka dhax rideen.

Shibtu maxay tahay...Madax iyo dadweyne, dadka dagan Gobolada dhexe ilaa muqdisho waa loo tashtay...cadowguna ma ahan kan shisheeye oo qura ee mid sokeeye ayaa jira, waana muuqdaa..midka dadka magaca leh dilaya..masaakiinta cunuha ku dhagan...madax-dhaqameedyada kii danta dadka ka hadla dilaya sida Nabadood Dacar Xersi Xooshow, Allaha u naxariistee..kan Odayaasha hawiye u hanjabaya ee Nabadoon Axmed Diiriye qeylada ka keenay...kan Hey'adaha samafalka ee dhulka dadkaanu degaan cabsi-galinaya ee shaqada ka joojinaya miyaad ka aamusantihiin oo aad leedihiin waxbaan xeerineynaa...maya ..maya.. sidani si maahan ee war heydinka baxo.

Ma ahan wax la fiirsan karo 40 nin oo Raskamboni ka timid iyo tiro kaloon sidaas u badneyn oo Al-shabab ah inay muddo bil ku dhaw malaayiin qof noloshooda baabi'iyaan..kuwii cadowgu barakiciyey oo gargaarkii laga horjoogsado iyo kuwo nabad Kmg ah heystay oo madfac laga dhax rido si ay u barakacaan muraadka laga leeyahay waa cadyahay oo waa cadowtoyo loo qabo dadkaas, waxaanse jawaab u la'ahay waxa ay dadkani galabsadeen ee laga gudayo?

Hadda iyo dan, dadka taladu ka go'do ee Muqdisho cabsida ha iska daayeen oo intay isu tagaan talo dhibtaan dadka looga saaro ha raadiyeen, anigoo huba in go'aanada ay soo saaraan ay in badan oo ka mida rabshad-wadayaashu u dhago nuglaanayaan oo aaney yareysan doonin warkooda.

Dadka qaarkiis ayaa sugaya in Maxkamadaha Islaamiga ahi talaabo ka qaadi doonaan qolayahan tirada yar ee falaagoobay,laakiin taas ayaanta ha u sugin, sida ay ii sheegeen Saraakiil ka tirsan maxkamaduhu diyaar uma aha inay isku dhacaan iyaga iyo Kooxahani waxayse sugayaan inta ay dadku ka kacayaan oo ay u eryayaan sidii Madaxdii dagaalka ee Muqdisho oo kale.

Taasi ma dhawa haddana ma dheera..taageerada shacabku u hayaan Al-shabab iyo kooxaha kalee xag-jira ma buurna..hooyo aan habaarrameyn muqdisho iyo Ceelasha biyaha ma joogto maanta..qurbajoog badanoo taageeri jirayna maanta waa tufeen, taasna waxaad ka garan kartaa sida ay dadku u carreysanyihiin marka aad tagto meelaha ay Soomaalidu isugu tagto..ma qof ogolaan kara ayaa jira hooyadaa ama carruurtaadu dhaawac ama cudur dartiis dawo la'aan Muqdisho ha ugu dhintaan?.

Markaad wax yar fekertaba wax cusub ayaa maskaxdaada kusoo dhacaya..su'aalo badan ayaad isweydiineysaa..jawaabtana dhakhsi heli meysid..Muqdisho Airport waa la xiray oo Niman Kismaayo iyo korkeeda ka yimid ayaa usoo jihaad tagay si ay u xiraan..haddana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa diyaaradihii looga gacan haatiyey..maxaad u malayn kartaa..ma dano dhaqaale oo Diinta loogu gambanayo ayaa meesha ku jira..ma dagaal siyaasadeed is muujin ah oo qolada Isbaheysiga Jabuuti lagula baratamayo iyo hala idin arko inaad awood jirta tihiin baa socota...?.mise arrintuba intaas oo dhan waa ka shisheysaa oo meelo kalaa laga ceel-shubayaa..?

Ugu dambeytii, Dadka masaakiinta ah culeyska faraha badan ee aaney xamili karin halaga dul-qaado oo kooxaha Garoonka xiray ha is-xilqaameen ama xoogagga dadweynuhu hubka ha qaateen si aaney Hooyooyinku dhaawaca Rasaasta cadow oo dhan ridayo ugu dhamaan dawo la'aan darteed. Haddii cadowgii Xabashida Xeryo lagu kuusay makula tahay inaan Xaafadaha degmooyinka Hodan, Howl-wadaag iyo Wadajir la xureyn karin???.

W/Q:Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)
qaasimnero@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 9, 2008

Akhri qormadii "Kipkorir" oo AfSoomaali loo rogey...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS