WARSAXAAFADEED KU SAABSAN KU DILKA XAQ DARADA AH EE MAGAALADA
B/WEYNE LOOGU GEYSTAY NABADOON XOOSHOW Isbahaysiga
Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu si xoog leh u dhaleeceynayaa
dilka xaq darada ah ee loo geeystay Allaha u naxriistee Nabadoon
Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Guddoomiyihii Golaha dhaqanka ee
Gobolka Hiiraan.
Isbahaysiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa
dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxa uuna si
gaar ah tacsidaasi ugu gudbinayaa eheladii uu nabadoonka ka
geeriyoooday iyo guud ahaan reer Hiiraan .
Isbahaysigu waxa uu farayaa maamulka gobolka Hiiraan
inay sida ugu dhakhsaha badan gacanta ugu soo dhigaan gacan ku
dhiiglihii geystay dilka nabadoon Xuurshow, lana hor keeno
cadaaladda , dhanka kale Isbahaysigu waxa uu farriin culus u
dirayaa dhammaan Masuuliyiinta ka arrimiya goobaha cadawga laga
xoreeyey inay dadaalkooda ku wajahan sugidda nabadgelyada guud
ayna labajibaaraan, si loo sugo amaanka shacabka ku dhaqan
degaanada ay masuulka ka yihiin , gaar ahaan dadka u adeega
bulshada oo ay hormuudka ka yihiin Odayaasha dhaqanka ,
aqoonyahanka , Hay'adaha gargaarka iyo samafalka.
Isbahaysiga waxa kale oo uu cambaareynaya duqeynta iyo
adeegsiga hubka culus oo lala beegsanayo degaannada dadweynaha,
oo keenay xasuuq iyo barakicin cusub oo ku yimid dadweynaha
Muqdisho iyo nawaaxigooda, waxa uuna mar kale ku celinayaa
baahida loo qabo in sida ugu dhakhsaha badan loo celiyo adeegii
shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed oo ku carqalatoobay
xiritaanka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka,
Ururada Caalamiga ah iyo kuwa goboleedba inay gacan ka geystaan
sidii ciidamada Ethiopia looga saari lahaa dalka , Soomaalidana
loogu madax bananayn lahaa inay ka tashadaan aayahooda, taaas oo
keeni karta inay dib u soo noqoto jiritaankii iyo karaamadii
shacabka Soomaaliyeed.
UGU DAMBEYNTII Isbahaysiga oo cambaareynaya caga jugleynta
lagu hayo kuwa bulshada u adeega , waxa uu deeq bixiyayaasha iyo
hay'adaha samafalka ugu baaqayaan inay shacabka Soomaaliyeed ee
tabaaleysan la soo gaaraan gargaar iyo gurmadyo lagu samata
bixinayo, gaar ahaan goobaha uu maamulka iyo kala dambeyntu ay
ka jirto, iyadoo maamullada jira ay si weyn ugu diyaargaroobeen
sidii loo sugi lahaa nabadgelyada guud loogana hortagi lahaa cid
kasta uu isku dayda ianay carqaladeyso.
Xafiiska Warfaafinta ee ARS
Jabuuti,07/10/2008.