CILMI BAARIS KU AADDAN HABKA DOWLIGA AH EE KU HABOON SOOMAALIYA.

Dr. Faarax Cabdullaahi Macallin.
hima_mog@hotmail.com
Hordhac;
Soomaaliya tan iyo markii ay soo ceshatay Xornimadeedii 1960kii, lana
soo maro nidaamkii Milatarigu hor boodaayey ee 1969kii, ilaa iyo markii
ay dhex dabaalatay dagaalladii sokeeye ee dhiigga faraha badani ku
daatay ee 1990kii ka qarxay waddanka, ma aysan arag hab nidaam dowli ah
ee ku saleysan cilmi, aqoon iyo qaanuun.
Markii Gumeystihii Talyaanigu waddanka ka baxaayey, wuxuu u dhiibay
hogaanka qaranka Soomaaliyeed in ay qabtaan dad wax barashadoodu ku
siman tahay heer Elementary, aqoon iyo maamul dowladeedna aan saldhig
weyn u lahayn, hase yeeshee raggaasi waxay la soo mareen gebi dhacleynta
maamulka dowladeed heerar kala duwan oo isugu jiray xumaan iyo wanaag
intaba, ilaa markii danbe arrintu ay meel xun oo khatar ah gaartay,
taasina waxay dhalisay in Millatarigu awoodda dalka la wareego.
Sida hadaba waqtigaas moodada u ahayd millatariga dowladaha
Afrikaanka ah, ee Xukunka ku qabsada af-gambiga, waxaa millatarigii ka
dhigay tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday in uu distoorkii dalka
laalo, taas oo bilow u noqotay laabista nidaam dowli ah ee sharci ku
dhisan, albaabaddana u furtay hogaan keli talis ah ee ku socda moodada
iyo ra’yiga uu ninka kursiga ku fadhiyaahi lasoo tooso subaxaas.
Nidaankaas aan raad maamul dowli ah saldhigga ku lahayn ayaa waxaa
lasoo anba qaaday kuna tababar qaatay kuwii lasoo shaqeeyey waaxyihiisa
kala duwan ee kasoo howl galay Muumulkii Millatariga ahaa, waana kuwa
manta si qarda jeex ah u hor boodaaya siyaasadda Dalka.
Taasi waxay ina bareysaa in Dowladnimada Soomaaliya ay weligeedba ku
socotay qarda jeex, aysanna marnaba ina soo marin wax nidaan siyaasadeed
ah oo ku dhisan Cilmi iyo Qaanuun, qardajeexaasi magacii la rababa haloo
bixiyee.
QEYBAHA HABKA DOWLADEED.
Marka laga hadlaayo Dowlad, sideedaba waxaa looga jeedaa Nidaam
Shacabku iska soo dhex doortay, si uu uga shaqeeyo danaha Shacabkaas soo
dhisay, iyadoo loo raacayo dhismaha nidaamkaas iyo qaabka uu yeelanaayo
heshiis ay diyaariyeen dad aqoon iyo waayo aragnimo durugsan u leh hab
maamulka dowladeed, ayna ansixiyeen Shacabka loo sameynaayo Nidaamkaas,
waxaana la yiraahdaa heshiiskaas marka la ansixiyo kadib (Distoor) isaga
ayaana laga eegaa habka nidaaminta Dowladda iyo qaabka ay yeelaneyso.
Waxaa haddaba inta badan Distoorka lagu qoraa nooca ay noqoneyso
Dowladda la dhisaayo ee ku haboon shacabka loo dhisaayo, iyadoo mar
walba la eegaayo habka loo baahinaayo Awoodda Siyaasadeed iyo Maamul,
waxaana inta badan lagu saleeyaa Saddex Nidaam oo kala ah:
1- UNITRY SYSTEM. XUKUUMAD DHEXE.
Waxaana nidaamkaasi looga jeedaa in loo qaabeeyo Dowladda hab awoodda
oo dhan ay isugu soo urureyso Dowladda dhexe, howshana ay ula fal
galeyso si details ah (faahfaahsan), wax kastana ay tahay in laga
maamulo xarunta dowladda dhexe, taas oo inta badan ah Caasimadda dalka,
si looga fuliyo dalka meel kasta ee ay ahaataba.
Habka noocaas ihi wuxuu gobollada dalka ka abuuraa maamullo
awooddoodu ku kooban tahay howl fulin, hase ahaatee aan wax xiriir ah la
lahayn go’aan qaadashada, wuxuuna mas’uuliyaadka oo dhan dusha ka saaraa
dowladda dhexe, taas oo looga baahan yahay iney qabato, isla markaana
koontoroosho wax kasta ee qaranku u baahan yahay ha yaraado ama ha
weynaadee, waana arrin aan sida badan suurta gal ahayn, waxayna sababtaa
in Culeyska dul saaran dowladda dhexe dartiis, ay howluhu isku wada
xannibmaan, Go’aankana laga sugo meel aad u fog, qulqulka Macluumaadku
yaraado, howshuna ku dhowaato iney Fowdo noqoto, ugu danbeyntiina ku
dhamaada qulqulatooyin iyo dagaallo aan dalka waxba ka reebin.
Faaiidooyinka nidaamkani leeyahay, haddii dad xil kas, aqoon iyo
waayo aragnimo isku darsaday majaraha u hayaan, waxaa ugu mudan, in ay
khilaafaadka ka dhex dhasha dowladda dhexe waaxyeheeda kala duwani
yaraadaan, isla markaana gobollada dalku si isku hal ah ugu xirnaadaan
caasimadda, si isku mid ah u qaybsadaan kheyraadka dalka, isla markaana
muwaadiniintu u sinnaadaan xuquuqda iyo waajibaadka galka guud ahaan.
2- REGINAL AUTONOMY (IS MAAMUL GOBOLEED MADAX BANNAAN)
Waxaa nidaanka is maamul goboleedku kaga gedisan yahay kan hore in
awooddii maamul ee Dowladda dhexe qaarkeed loo wareejiyo Gobollada, ayna
go’aan ka gaari karaan arrimaha qaar ee markaas uu u asaxayo Distoorka
Qaranku, waxaana ismaamul goboleedka inta badan awood uu u siiyaa
Maamulka Gobolka in ay wax ka qabtaan go’aanna ka gaaraan arrimaha
Ijtimaaciaga ah ee gobol walba sida: wax barashada, amniga gobolka
(regional Police), iyo barnaamijyada horumarineed ee gobolka, hase
yeeshee Arrimaha Aasaasiga ah ee Dowladeed, waxaa maamulkeeda iyo go’aan
ka gaaristeeda iska leh Dowladda dhexe.
Haddaba Maamula Dowladeed ee Caynkan ah wuxuu leeyaha laba heer oo
kala ah: Maamulladii Gobollada, ha la magacaabo ama hala soo doorto, iyo
Maamulka Dowladda dhexe. Waxaana u kala qaybsan Mas’uuliyadda iyo heerka
go’aan qaadashada.
Nidaamka Noocan ah wuxuu dowladda dhexe ka dul qaaday Culeys fara
badan maadaama aarrimaha qaarkood loo ogolaaday in maamullada gobolladu
qabsadaan, hase yeeshee culeyskaas laga dul qaaday dowladda dhexe waxaa
looga gol leeyahay in ay u gacan bannaanaato waqti ku filanna ugu hesho
arrimo ka muhiimsan kuwa gobollada la siiyay, waxaana ugu muhiimsan
Arrimaha Dowladda dhexe: Difaaca Dalka, Wax barashada sare, Amniga guud
ee Qaranka (National Police), ... , hase yeeshee isla markaasna waxaa
laga doonayaa in ay Maamullada gobollada ku Koontoroosho howlaha loo xil
saaray, kulana xisaabtanto in dakhligii loo qoondeeyey ee Canshuurta
Gobolka iyo Miisaaniyadda Dowladda dhexe ay sidii loo qorsheeyey u
bexeen iyo in kale, ayna mar walba qaadatto Tallaabada kaga aaddan
sixidda khaladaadka ka imanaya Maamul goboleedyada.
3- FEDERAL GOVERNMENT. (DOWLAD FEDERAL AH).
Nidaamkani waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo loo qeybiyey
Maamulkii Dowladda iyo Mas’uuliyaadkii loo haayay Shacabka, waxayna kala
yihiin:
- Amniga Qaranka. Waxaana hoos imanaaya Ciidanka Federalka
ah oo loogu tala gala inuu daafoco Xuduudda iyo Maslaxadda
Qaranka.
- Siyaasadda Dibadda. taas oo ah Xiriirka dowliga ah ee ka
dhexeeya Dowladda iyo caalamka intiisa kale.
- Dhaqaalaha Guud ee Qaranka. Dowladda Federalka ah ayaa u
xil saaran isu dheelli tirka dakhliga iyo tirada dadka ee ku
nool xuduudda Dowladda waana waxa loo yaqaan dhaqaale ahaan
(Gross Domestic Product) iyo waxyaabaha la xiriira
Dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin Lacagta Qaranka, Baanka Dhexe
ee Federal-ka …
- DOWLAD GOBOLEEDKA (STATE GOVERNMENT).
Waxayna Dowlad goboleedku Koontorooshaa dhowr gobol oo midiibay
kana tirsan Guud ahaan Qaranka, waxayna ku leedahay awood maamul oo
baaxad weyn, isuguna jirta maamul siyaasadeed iyo mid arrimaha
bulshsada ah intaba, waxay dowladdani leedahay waaxyeheeda Dowladeed
ee isugu jira Baarlamaanka Dowlad goboleedka, Maxkamado u gaar ah
Gobolka, oo xaq u leh in ay fiiriyaan denbiyada ka dhex dhaca dowlad
Goboleedka ee aan gaarsiisneyn heer Federal ah, iyo Xukuumadda
Gobolka.
Dowlad goboleedku waxay dowladda Federalka ah ee dhexe ka
qaadeysaa Mas’uuliyaad iyo Culeys aad u fara badan oo ay qaban
lahayd haddii aaneysan heysan lahayn Dowlad Goboleedyo taageera lana
qeybsada Culeyska Maamulka, isla markaa Dowladda Federal ka ihi
waxay dowlad goboleedka ku leedahay in ay koontoroosho howlaha ay u
xil saaran tahay, maadaama ay mas’uuliyadda Qaranku iyada dul saran
tahay.
- LOCAL GOVERNMENT. (DOWLADDA HOOSE).
Dowladda hoose waa heerka ugu hooseeya ee ay Dowlad nidaam
federal ah leedahay, waxayna hoos timaadaa maamul goboleedka,
waxayna u xil saaran tahay fulinta barnaamijyada Dowlad goboleedka
ee ku aaddan Magaalooyinka.
Dowladda Hoose waxay inta badan xukuntaa Hal magaalo oo ka tirsan
Dowlad Goboleedka, waxayna u xil saran tahay culeyska arrimaha
bulshada ee aasaasiga ah in ay ka xambaarto Dowlad goboleedka, una
gacan banneyso isku xirka arrimaha Istiraatiijiga ah ee Dowlad
Goboleedka, oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha ay ka midka yihiin:
Isgaarsiinta, Jidadka, Amniga Gobolka, Dhaqaalaha gobolka
ururintiisa iyo ku jaangoyn tiisa baahida Shacabka Gobolka, iyadoo
wixii ka dheeri noqda baahida gobolkana ku shubeysa Qasnadda
Dowladda Federalka ah, si ay uga qayb qaadato Miisaaniyadda Dowladda
Federalka ah qeybta uga soo aadan.
GABA GABO.
Shaki kuma jiro in habka Dowladeed ugu wanaagsan ee hadda aduunka ka
jira uu yahay habka Federalka ah, maadaama uu Mas’uuliyaddii Dowladda
iyo awooddii maamul u baahiyey si ay uga qayb qaadan karaan tiro fara
badan oo heerar kala duwan ah ee shacabka loo shaqeynayo, isla markaana
fursad u siineysa aaya ka talinta ay xaqqa u leeyihiin umadaha kala
duwan ee ku wada nool Waddan.
Waxaase Shaki ku jiraa Nidaamkan Casriga ah ee ummadihii hir geliyey
u horseeday horumar iyo baraare, ma ka hir geli karaa meel aan
weligeedba nidaam dowli ah soo arag, dadkeedu aysanba waxba ka aqoon
waxa ay dowladi tahay iyo sida ay isula shaqeyso, sida Soomaaliya oo
kale.
Dadkeennu waxay u baahan yihiin dadaal aad u dheer, iyo wax barasho
iyo faham xeel dheer ee ku wajahan waxa ay dowladnimo tahay, iyo sida
dowladi u shaqeyso, kahor inta aysan ka fikirin hab-dowladeedkee innagu
haboon (Federal Government, Reginal Autonomy, mise Unitary System).
Waxaa Diyaariyey.
Dr. Faarax Cabdullaahi Macallin.
hima_mog@hotmail.com