SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

25tii Ardayd ee ku xirnayd xabsiga dhexe ee magaalada Hyderabad ee dalka India oo la siidaayay.

Nov 13, 2008

Ardaydii Soomaaliyeed ee ku xirnayd xabsiga dhexe ChanChan-Guda ee magaalada Hyderabad oo lagu sii daayay damaanad, dadaal fara badan oo ay sameeyeen guddi arday ah oo loo xilsaaray inay la socdaan xaalada ardaydii xirnayd ayaa ku guulaysatay in la soo daayo kadib markii ay u qabteen Qareen u dooda ardayda Soomaaliyeed ee ku eedaysnaa inay sharci daro ku joogeen,waxaana xusid mudan in Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka India Dr.Mohamud Mohamed Elmi (Qoriyow) uu kala qayb qaatay soo dayntii ardaydii xirnayd. Mr Qoriyow oo intuu joogay magaalada Hyderabad si wayn uga dhex muuqday dadaalada loo waday sii daynta ardaydaasi.



Qareenka loo qabtay ardayda Soomaaliyeed iyo nin ay walaalo yihiin oo ah, Youth Leader Majlis Bachao Tahreek (MBT) oo ka jira magaalada Hydebabad ee dalka India, ayaa waxa ay si hagar la'aan ah uga qeyb qaateen sii daynta ardayda, iyagoo ardayda hortooda uga badan qaaday inay la shaqayn doonaan ilaa inta ay waxbarashadooda ka dhamaysanayaan, mas'uulkan oo ardayda Soomaaliyeed ku booriyay inay samaystaan (Community leader) ayna yeeshaan Qareen la socda marwalba dhibaatooyinka soo wajaha ardayda.



Mudane Qoryiow oo ah mas'uulkii ka socday Safaarada Soomaalida ee fadhigeedu yahay New Delhi iyo Mr Amjed ullah khan iyo ardaydii la soo daayay ay si wada jir ah uga casheeyay Hotelka Mandar halkaas oo looga wada hadlay sidii aysan u dhici lahayn mar labaad dhibtaadii ku habsatay ardayda Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii waxaa dhamaan mushtamaca ku dhaqan magaalada Hyderabad ay mahad gaar ah u jeediyeen Guddigii ardayda ahaa ee isku xilsaaray in la soo daayo ardaydii xirnayd iyo waliba waxa ay si aan kala har lahayn ugu mahad celiyeen Dr Qoriyow oo ah Qunsulka Soomaalida u fadhiya India oo gacan weyn ka gaystay.



By Xog haynta Qunsulka New Delhi.

Waxaa soo tebiyey
Cabdi Raxmaan Maxamed
maanka88@yahoo.com


QUNSULKA SOMALIA U FADHIYA DALKA INDIA OO XABSI KU YAALA MAGAALADA HYDERABAD KU BOOQDAY 25 ARDAY SOMALIYEED OO DHAWAAN LAGU XIRAY HALKAAS..

Waxaa shalay abaarihii 12:25 pm soo gaaray gobolka Andhra Pradesh gaar ahaan magaalada Hyderabad, Mudane Mohamud Mohamed Elmi (Qoriyow) oo ah Qunsulka DFKS u fadhiya dalka India, kadib markii uu soo degay si toos ah ayuu ugu gudbay xabsiga dhexe ee magaalada Hyderabad, isla markaana waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxda ugu saraysa jailka ay ku xiran yihiin ardayda ,si uu u arko ardayda xiran una soo ogaado xaalada dhabta ah oo ay ku sugan yihiin, waxaana u suura gashay Qunsulka in uu arko lana sheekaysto ardayda ku jirta xabsiga.



Mudane Qoriyow oo u yimid magaladan Hyderabad sidii uu u xalin lahaa dhibka haysta ardaydan tiradoodu dhan tahay 25 oo taariikhdu markay aheyd 21-ka OCT- 08 lagu xiray dalka India, laguna soo eedeeyay in ay yihiin arday si sharci daro ah ku joogeen. Ardaydan xiran oo isugu jirta kuwa dhigta, sanadaha 1aad,2aad, iyo 3aad ee jaamacaddaha ku yaala magaaladan Hyderabad.



Kadib 18 sanno oo burbur uu ku yimid dowladdii dhexe ee Somalia, ayaa ardayda wax ka barata dibadaha waxaa marwalba ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan oo ka haysta dalalka ay wax ka bartaan, dhacdadan ugu dambaysay ee ku dhacday ardayda Somaliyeed ee wax ka barata dalka India ayaa waxa ay noqotay inta la ogyahay dhibkii ugu badnaa ee soo gaara ardayda Somaliyeed.



Intaa waxaa dheer mudo sanooyin ah oo uusan jirin Qunsul Somaliyeed oo xaliya dhibaatooyinka soo food saara ardayda soomaaliyeed ee gaaraysa 3000 kun iyo qoysaska ilaa iyo 200 ah oo degan magaalada Hyderabad iyo guud ahaan dalka India, waxaa hada nasiib wanaag ah in ardayda Somaliyeed heleen dad ka damqanaya dhibaatooyinkooda.



Kadib dhibaatoyin fara badan oo daashaday ardayda Somaliyeed ayaa tani waxa ay suura gal ka dhigtay in aan loo kala harin soo dhawaynta Qunsulka Somaliyeed Mudane Mohamud Mohamed Elmi (Qoriyow).



Mudane Qoriyow oo hada degan HOTEL-ka R.INN. CONTINENTAL halkaas oo uu kulamo is daba joog ah kula yeelanayo bulshada degan Hyderabad, Qunsulka Somaliyeed waxaa uu warbixinadii ugu dambeeyay ka dhagaystay gudiga ardayda iyo odayaasha waxaana uu balan qaaday inuu dhisi doono jaaliyad Somaliyeed oo ka tarjumi doonta Somalida dagan magaalada Hyderabad.


By Mr: Abdirahman Mohamed Omar (G8)
Tel: +919849797691
Mr: Ibrahim Mohamed Nur Jowhar
Tel: +919866355068
India
maanka88@yahoo.com

Xaflad Qalinjebin ah Ardayda Soomaaliyeed ee Wadanka Bangladesh - Nov 7

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS