SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad Qalinjebin ah Ardayda Soomaaliyeed ee Wadanka Bangladesh

Xafalad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu gudoonsiinayo shahaadooyin ardaydii dhamaysatay waxbarashadoodii jaamacadeed ayaa lagu qabtay hoolka jaamacada islaamiga ee culuumta tiknoolajiyada( Islamic University of Technolochy) oo hoostagta Organization Of The Islamic Conference (OIC).

Jaamacadani waxa la aas aasay sanadkii 1981 waxaana ay tahay mirihii ka soobaxay kulankii sagaalaad ee wasiirada arimaha dibada ee dalalka islaamka ay ku yeesheen magaalada dhakaar ee dalka Senegal.

Dhagixii u horeeyayna waxa dhigay madaxwaynihii xiligaas talada dalka bangladhesh hayay Mr Ziaur Rahman.

Jaamacadani waxa ay leedahay qaybaha kala duwan ee culuumta tiknoolajiyada sida:

Computer Science and Information Technology. (CIT)

Mechanical and Chemical Engineering. (MCE)

Electrical and Electronic Engineering. (EEE)

Instructional Training and General Studies (ITS)

Waxana ay bixisaa heerka kala duwan ee waxbarasho sida higher diploma,BS.C, Master ilaa Doctrate ama Phd,

Si kastaba ha ahaate waxa ay u ahayd maalin sifo, farxad iyo damaashaad huwan ardaydii ka qalin jabisay jaamacada islaamiga ee culuumta tiknoolajiyada (IUT)ee dalka bangladesh,

Ardayda qalinjabisay waxaa kamid ahaa arday soomaaliyeed oo gaarayso ilaa sideed (8) arday kuwaasi oo dhameeystay kuliyado kala duwan ee jamacaddaan ay ka koobantahay, ardaydan oo magacyadoodu kala yihiin:

  1. Eng. Hashim cabdulaahi cabdi
  2. Eng. Axmed maxamed cumar
  3. Eng. Xasan shariif maxamed baa calawi
  4. Eng. Ismaciil bille xasan
  5. Eng. Ciise xasan sh.nuur
  6. Eng. C/qaadir canshuur xasan
  7. Eng. Jaamac cali jaamac
  8. Eng. Maxamed c/lahi c/raxmaan

Waana dufcadii ugu badneyd oo Soomaali ah kaqalin jabisa jaamacadaan, iyadoo sanadba sanadka xiga ay sii badanayan ardayda somaliyeed ee wax kabartaa jaamacadan lana filayo sanadka soo socda in ay kasii bataan ardayda soomaliyeed ee kaqalin jabineesa Islamic University Of Technology (IUT).

Waxaana kasoo qeeybgalay xafladaan madax ururka wadamada islaamka (OIC) ee jaamacadaan maamusha, madaxweeynaha imika talada haya ee wadankaan Bangladesh Dr.Fakhruddin Ahmed, waziiro iyo madaxda jamacadaha dalkaaan, sidoo kale waxaa goobtaasi kusugnaa safiiro kasocday safaaradaha dalkaan kuyaalaa, waxaa qudbado kala duwan halkaasi ka jeediyay.

madaxda halkaasi kahadashay iyagoo gubaabyo iyo dardaaran siiyay ardayda halkaasi lagu gudoonsiinayay shahaadooyinka..

Ugu horeeyntii waxaa xafladda warbixin dheer iyo marxaladihii ay soomartay jamacadaan kasoo jeediyay gudoomiyaha jaamacadda (IUT), Prof.Dr.M.Imtiaz Hossain ayaa si faah faahsan uga warbaxiyay sida ay kusoo saareen dufcaddi 22aad ee ka qalinjabisay jaamacaddan, inkastoo uu shegay in uu gudoomiyanimada jaamacadaba uu haayo halsano balse uu qabtay wax lataaban karo yirina dadaalkayga waan kasii wadayaa halkaasi, isagoona hambalya gaar ah udiray ardaydii qalinjabisay oo muddo kusoo samray waxbarashadoodi iyo ururka OIC oo iskuhoowlay soo saarida ardaydaan.

Sidoo kale waxa qudbad kajeediyay wakiilka ururka islaamka kasocday ee (OIC) Prof.Dr.Ekmeleddin Ihsanoglu isaga oo amaan balaaran u jeediyay maalmulka jaamacada sida ay ugu soo baxeen hawshii loo igmaday, iyo waliba sida firfircoon ay ushaqeeyeen, iyadoo ardaydana ku booriyay in ay sare u qaadaan aqoontoodo, sobabtoo ah waxa uu yiri aqoonta waa furaha nolosha waa asaaska mustaqbalka, hiigsada hadafka aad leydahiin waad ku guuleysan doontaan taasi waa hubaal ayuu yiri Ihsanogulu madaxa OIC.

Mar qura waxa sacab iyo sawaxan lagu soodhaweeyay hogaanka sare ee talada dalkan haya Dr.Fakhruddin Ahmed. Dr.Fakhruddin waxa uu si diiran ugu hambalyeeyay ardaydii qalinjabisay waxaana uu yiri,” manta waa maalin xusid iyo taariikhi ah waayo waxa aad si guul iyo farxad leh u dhamaystirteen qayb kamida heerarka noloshiina ,waa hubaal in aad ka kala timaadeen wadama muslim ah oo kale duwan idinka oo niyad wanaag huwanaa, waxa aad sidoo kalana ka faa iidaysateen aqoonta ku laaban dhaqanadiina iyo afafkiina kala duwan isaga oo hadalka sii wata waxa uu wadama islaamka ku booriyay in ay iskaashadaan,sida midaysanna ugu shaqeeyaan hurumarinta dhalinyara islaamka,

Xafladaan waxaa ay kusoo gabagaboowday jawi degan oo farxadeesan iyo isu hambalyeen dhexmartay ardayda oo dhan iyo wadan walba ardaydiisa oo cayaarayay cayaaraha hidaha iyo dhaqanka dalkiisa.

W/Q: Qadar Hassan Salad

(qadar335@hotmail.com  )

Islamic University Of Technology (IUT)

Bangladesh/Dhaka

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS