SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Webbiga Jubba Oo Ku Fatahay Dhul-Beeraad Ku Yaalla Luuq Iyo Buurdhuubo
  • Nin Kenyan Ah Oo Dhawaan Muslimay Oo Lagu Dilay B/Xaawo
     

Nov 8, 2008

Webbiga Jubba Oo Ku Fatahay Dhul-Beeraad Ku Yaalla Luuq Iyo Buurdhuubo


Webiga Jubba ayaa wuxu ku fatahey deegaanno ka tirsan degmooyinka Luuq Iyo Buurdhuubo kaas oo baabiyay dhul Beereed aad u ballaaran,waxaana dhulka uu ku fatahay deg.luuq webiga kamid ah degaanada kooneey,shiidle,dhaysimo iyo kuwo kale oo farabadan

Sida uu saxaafadda u sheegay Cali Ibraahim Cali oo kamid ah maamulka Degmadaasi luuq oo aan kula xiriirnay qadka teleefoonka.isagoo sheegay in fatahaadaasi ay sii socon karto taasi keeni karto barakac ballaaran maadama aysan dadku xiligan u gagsankaraynin.

Fatahaadaasi uu iminka gaystay webbiga Jubba ayaa la rumaysanyahay inay ka dhalatay kagadaal roobab xoog leh oo ka da’ay dhulka ismaamulka soomaalida ee waddanka Itoopiya oo uu webbiga jubba soo maro.

Dad farabadan ayaa ka cararaya webbiga geesihiisa ,iyagoo ka cabsi qaba inay daadadku soo gaaraan, waxaana kamid ah dadkaasi kuwo aan kula kulmay magaaladan baardheere ,kuwaasoo matooradooda kala soo baxayay webbiga iyaga oo ka cararay beerahoodii.

Webiga Jubba ayaa fataha xiliyada ay roobab badan ka da’aan dhulka sare ee buuralayda itoobiya ,waxaana ka dhasha burbur saraca beeraha iyo barakac ku yimaada kumanaan beeralay ah.

Fatahaadan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili roobab xoog leh ay misana ka da’aan Gobolkan Gedo,kuwaasoo sababay in daadad ay ku soo rogmadaan xaafado ku yaallla degmadan baardheere.

Maxamed Gaarane Aadan
Baardheere-Gedo

Nin Kenyan Ah Oo Dhawaan Muslimay Oo Lagu Dilay B/Xaawo


Kooxo hubeysan ayaa xalay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo waxaa ay ku dileen nin la sheegay inuu u dhashay wadanka Kenya oo halkaasi kusugnaa

Wararka ayaa sheegaya in ninkaas uu dhawaan qaatay diinta islaamka isagoo aan la sheegin cida keentay markii hore degmada Baladxaawo.

Xaafada uu dilkani ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Dhabad gaar ahaan goob masaajid ah oo uu xiligaasi ka soo baxay iyadoo tallaabada ninkaasu lagu dilay ay tahay tii ugu horeysay oo nin ajaanib ah oo diinta islaamka qaatay ay dilaan kooxo hubeysan.

Magaalooyin ka tirsan wadanka soomaaliya ayaa waxaa ku sugan dad kenyaan ah oo ku shaqaysta xirfado kala duwan ,kuwaasoo ay u badanyihiin macaliimiin wax ka dhigta dugsiyada dalka. ammuurtaasi ayaan la ogeyn waxa ka dambeeya waxaan a maamulka degmada B/xawo ay dadaal ugu jiraan sidii ninkaasi loogu gudbin lahaa wadanka Kenya oo dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Maxamed Gaarane Aadan
Somalitalk News

Baardheere/GEDO

gaarane68@hotmail.com


 

Daadad Ku Soo Rogmaday Gudaha Deg.Baardheere Oo Sababay Khasaare Burbur Iyo Barakac Leh

Roobab Mahiigaan ah oo da’ayay inkabadan 6 saacadood,kuwaasoo ku daruursaday Deg.Baardheere iyo dhulka ku teedsan ayaa gaystay khasaare isugu jira burbur iyo barakac kaddib markii daadad xoog leh ay ku soo rogmadeen xaafadaha qaar.



Inkabadan 600 oo qoys oo u badan haween carruur iyo dad maata ah ayaa ka cararay guryahoodii.waxaana saaka degaanadaasi si weyn looga dareemayaa jawi aan deganayn,iyadoo dadku ay la baxsanayaan carruurtooda iskabadaa wax kalee ka gadaal markii si lama filaan ay daadadkaasi u soo rogtay tog weyn oo dhexcmara dhinaca koonfureed ee magaalada.

Mar aan saaka booqday goobahaasi ayaa waxaa ay indhahaygu qabanayeen degaanada kurmaanka iyo masawa oo ay dadku ku howlanayeen inay soo arkaan bal inay jiraan wax uga badbaaday daadadka iyo in kale. Qaar kamid ah dadkii aan halkaasi kulanay ayaa dusha kula cararayay joodariyaal iyo dharka carruur kuwaasoo ay awoodeen inay la baxsadaan.

Waxaa kala go’an magaalada iyadoo xaafada Kurmaanka ay tahay meesha ugu daran oo ay mashaqadaasi samaysay, dhulkan aad u jeedo waxa uu ubuc u yahay inta u dhaxaysa suuqa xoolaha iyo xaafadaasi oo gabi ahaanba ay biyuhu ceegaagaan.



Rumee ama ha rumen dad xalay ku seexday inay u soo waabariistaan shaqooyinkoodii ayaana u soo gudbin magaalada waxaana kamid ah kuwaasi carruurta iskuuleeyda ah oo aan gabi ahaanba iskuuladoodii isaga baaqday.


Qoysas ku soo barakacay abaaro iyo nolol xumo horay uga jiray degaankan ayaa ku xayiran xeryaha kurmaan iyo xero Italia.waxana xaaladooda ay maraysaa meel adag dadkaasi oo u badnaa murag maal iyo tuugsato ayaana soo hawaysan inay biyaha isku soo biimeeyaan xittaa haddii ay gaajo la dhimanayaan.




khasaarahan soo gaarey Deg. Baardheere ayaa noqonaya kii ugu darnaa tan iyo 1990kii xiligaasi oo ay dhacday fatahaad aad u daran. Maamul iyo waxgaradka degmadan Baardheere ayaa ka codsaday hay’addaha samafalka inay kaalmo soo gaarsiiyaan dadka ay waxyeelada soo gaartay

Maxamed Gaarane Aadan
garane68@hotmail.com

Baardheere


Booqoshadii Wariye Najax uu ku tagay Afar gobol oo ka tirsan gobolada wadanka kenya,
gaar ahaan gobolka Rift-Velly ayadoo ay magaalada Eldoretna tahay meel dalxiiska ku wacan.. Akhri... Nov 4

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS