Booqoshadii Wariye Najax uu ku tagay Afar gobol oo ka tirsan gobolada wadanka
kenya, gaar ahaan gobolka Rift-Velly ayadoo ay magaalada Eldoretna tahay meel
dalxiiska ku wacan.
W/D: Najax Maxamed Cali.
najax.usa@hotmail.com
Socodkeeni booqoshada ahaa ayaan ka bilownay dhamaadkii Bishii sagaalaad ee
sanadkaan, xiligaas oo lagu jiray ayana dhamaadkii Bishii Soon ayaan ka safray
magaalo madaxda Wadanka Kenya ee Nairobi waxaana socodkaas aan kusoo marnay
magaalooyin katirsan afarta gobal ee ugu qanisan wadankaan kenya, kuwaaso kala
ha Gobolada Rift Velly, Inyaza, Western iyo Gobolka ay dagaan Qabiilka ladhaho
Turkaanada ee lagu magacaabo Turkaano.
Ugu horeyntii waxaan ku hormaray Magaalada Nakuro oo ah xarunta Gobolka lagu
naaneyso dooxada hosta kadulesho ahna Gobolka Rift Velly halkaaso an ka
maamulayay socodkeyga magaalo madaxda Gobolkaas ee nakuro iyo magaalada labaad
ee caasimada u ah isla gobalkaas ee ayana ladhaho Eldoret.
Balse waxaan inta badan aan ku sugnaa magaalada Eldoret oo ah meel aan si fiican
ujecleystay nafsad ahaanteyda maadaama ay tahay magaalo cimilo wanaagsan leh
amaankeeduna uu yahay mid la isku haleyn karo sido kale waxey tahay magaalo
taarikh dheer leh, waxaana an kashekeyn donaa magaaladaas iyo sidii ay ku dagen
dadka soomaaliyed kuwoodi ogu horeyay iyo inta ay yihiin qiyaas ahaan dadka
soomaalida ah ee hada dagan.
Sidoo kale waxan boqosho gaagaaban aan ku tagay magaalo madaxyada ama xarumaha
gobolada kale sida xarunta Gobolka Inyaza oo ladhaho Kazumo taaso ah magaalo aad
uqurux badan ayna dagan yihiin dad faro badan oo soomaaliyed, kuwaaso halkaas ku
haysto ganacsiyo kala duwan, intii an ku sugnaa magaalaas inkastoo anan jogin
waqti sidaas usii dher hadana waxey indhahegu qabanayeen goobo aad ucamiran oo
ay ganacsiyo kala duwan ku leyihiin dad soomaaliyed, balse arinta iga yaabisay
ee aan kula kulmay magaaladaas ayaa aheyd in aan arkay dad soomaaliyed oo
qaarkood ay ku dhashten qaarka kalana ay wax badan halkaas ku dhaqnaayeen
kuwaaso ku hadlayay luuqada Kzawahiliga xitaa marka aad afka Soomaaliga kula
hadashid waxey jawaabta kugu sinaayo luqada sawahiliga sababo ayagoo anaan
sifiican ugaraneynin luqada soomaaliga owgeed.
Intaas kadib waxaan Babuur uraacay xarunta Gobolka ladho Western taaso lagu
magacaabo Kakameega waxaana aan kasii aday magaalo kale oo katirsan isla
gobolkaas taaso ayana lagu magacaabo Mumyaazi waxaana aan kula kulmay labadaas
magaalo Dad soomaaliyed oo halkaas ku dhaqan, intii an ku guda jiray
socdaalkeygii aan ku tagay qaar kamid ah Gobolada wadankaan kenya ayaan kusoo
laabtay magaaladii imataleysay inaan daganahay madaama aan ayada ubadnaan waana
magaalada Eldoret.
markale ayaan safar ugu baxay magaaloyin katirsan Gobalka ay dagan yihiin
qabilka magaca dheer ku dhex leh wadankaan Kenya ee ladhaho Turkaanada waxaana
aan gobolka turkaanada intii an jogay ka tagay magaaloyinka kala ah Ladhwo iyo
Lujokiyo balse maalmo un kadib ayaan markale dib ugu soo laabtay magaalada
Eldoret.
inta aanan gudo galin taarikh ay ledahay magaalada Eldoret aan ku hormaro
magaaloyinka ka tirsan Gobolka Rift-Velly ee aan tagay inkastoo an Gobolkaas
ubadnaa waxaana aan ka tagay marka laga reebo tuulooyinka yar yar, magaaloyinka
kala ah Nifaasha, Nakuro, Eldama, Eldoret, Kitale, Bangooma, Mere ene iyo
magaalada kizii.
Taarikhda ay ledahay magaalada Eldoret iyo wixii an kula soo kulmay intii an
jogay.
magaalada Eldoret waa magaalo madaxda labaad ee Gobolka rift velly waxaana
dhisma ahaan la aas aasay mudo hada laga jogo inkabadan Boqol sano ayadoo ayna
xiligii ay dowlada England gumeysaneysay dalkaan Kenya ay daganaan jireen
magaaladan Eldoret dadka kasoo jedo dhalasho ahaan Boqortoyada midowday, united
kingdow UK.
Markii uu wadanka kenya xornimadiisa qaatay Dalka Ingiriiska kadib waxaasi aad
ah udagay magaaladaan Eldoret oo ilaa iyo hada dagan qoomiyada Hindida oo ku
badan daganaasho ahaan magaladaan ayagona kuleh helkaas ganacsiga ogu badan
marka laga soo tago dadka udhashay ee kenyanka ah.
dhinaca Dadka Soomaalida ah taarikhda ay ku leyihiin magaaladaan Eldoret.
Dadkii ugu horeyay ee soomaalida ahaa ayaa soo dagay magaaladaan Eldoret
markii ay bilaabaneysay dhismaha ahaan magaaladaan Eldoret.
waxaana halkaas ay oga horeen qubaradii Shineyska aheyd ee dhisay wadada laamiga
ah ee dhex marto magaaladaan Eldoret, dadkaas ayaana noqday kuwii ogu horeyay ee
dagay magaalada Eldoret, waxaan noga shekeyay Maxamud jaamac Madar oo ahaa
Gudomihii hore ee Gobolka Rift Velly hada ah Gudomiyaha ufadhiyo waqooyiga
gobolka rift velly Ururka hogaamiyaash Muslimiinta Kenya ee marka lasoo gaabiyo
loo yaqaano (Nemlef).
balse waxa ay yimaadeen dadkii ugu badnaa ee halkaan ku tarmay kuna biriyay
magaaladaan in ay kamid noqoto magaaloyinka ay dagan yihiin dadka soomaaliyed
kadib marki uu abaal marin ahaan dowlada Ingiriska udajisay dadkii soomaaliyed
ee ka qeyb galay dagaalkii labaad ee aduunka. kaasoo dhamaaday sanadii 1945
xiligaaso hada laga jogo mudo dhan 63 sano.
Aadan Axmed Xaashi oo lagu naaneyso (Aadan Goobe) ayaa waxa uu kamid yahay
dadkii ay aabayaasho ka qeyb galen dagaalkii labaad ee dunida asagoo hada aadan
ay dadiisu kor udhaafeyso 40 sano ayuu ishegay inuu ku dhashay magaaladaan
Eldoret, waxa una intas ku daray in aabayaasho ay kamid ahaayeen dadkii markodi
hore laga soo qafaalay gudaha wadanka soomaaliya kana qeyb galay dagaalkii
labaad ee aduunka ayagoo lasafnaa dowlada ingiriiska taaso guushii ay ka gaartay
dagaalkaas kadib abaal marin ahaan udajisay magaaloyin ay kamid tahay Eldoret.
sidoo kale xarun weyn oo kudhex taalo masaajidka ugu weyn ahna masaajidka kaliya
ee ku yaalo magaalada Eldoret laguna magacaabo Masaajidka Jamiya Moski Eldoret,
ayaa waxaa ku dhex taalo xarun lagu muslimiyo dadka aanan haysanin diinta
islaamka ee Gaalada ah waxaana aan kawareystay sida ay u islaamaan dadka gaalada
ah iyo tirada ay qiyaaseen dadka sanadkaan kaliya ay soo islaamiyeen ayaan
kawareysanay mu'adinka masaajidka jamiya maski Eldoret oo lagu magacaabo Ali
nuur. waxa una noo shegay in sanadkaan kaliya uu asagu Ashahaada uqabtay dad ka
badan Boqol qof waxa una tilmaamay in xiligii ay qalalaasaha kadhaceen wadankaan
kenya kadib ay aad usoo galen Islaanimada kadib markii ay kanisadihii ay wax ku
caabudi jiren in loogu galay lagu gubay laguna dhex dilay.
Ugu danbeyntii magaaladaan Eldoret waxa ay caan ku tahay dhinaca socodka ayadoo
leh Airport weyn, Keyd shidaal sidoo kale waxey ledahay beero waxaana ka baxo
Galeyda iyo qamadida, waxaana dhawaan laga furay magaaladaan Eldoret jaamacad
weyn sidoo kale waxey ledahay isbitaal weyn oo loga yimada ilaa xadka wadanka
Yugaandha.
Eldoret waxa ay ledahay taarikh aad udheer waxaana lagu qiyaasay dadka
soomaalida ah ee hada dagan in kabadan Labo kun, ganacsiga ugu weyn ee ay
soomaalidu kuledahay Eldoret ayaa waxa uu yahay Qaaditaanka noocyada kala duwan
ee Shidaalka ayagoona leh Gawaari aad uweyn kuwaaso tago inta badan wadamada
kuyaalo Qaaradaan africa gaar ahaan kuwa ku yaalo bariga africa,
Dhanka kale waxaa kudhaqan dad faro badan oo soomaali ah kuwaaso dib oga soo
laabtay damada reer yurub ama qaarada America kuwaaso dhaqan celin ahaan iyo
Tacliin ahaan ukenay caruurtooda.
C/salaan Maxamed Cali (najax)
najax@journalist.com