SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

08-11-1429H

Doorashada Obama iyo cawaaqib xumada ay ku keeni karto dhallaanka muslimiinta Maraykanka 

Waxaa maalmahan dunida inta madowga ahi la mashxaradaysaa ninka Madow ee loo doortay hogaanka guriga Cad, kaasoo noqonaya madaxweynaha dunida ku amar-ku-taagleeya sannadaha soo socda, haddii nafta loogu simo.

Dalka uu kasoo jeedo ee Kenya feestooyin iyo damaashaad bay arintaa ka dhigeen ay ku maamuusayaan dhacdadan taariikhiga ah ee ugubka ku ah dunida reer Galbeedka oo dhan, in badan oo inta gibilmadowga ahina niyadda ayey kala damaashaadaayaan iyagoo ay ka tahay “Alwalaa bil-lawn” taageero dhanka midabka ah. 

Barak Xuseen Obama, waa nin Kenya u dhashay kana soo jeeda qoys muslim ah, balse isagu aan nasiib u yeelan inuu sii haysto diintii dadkiisu asalka u lahaayeen, taasoo ay ugu wacan tahay markii aabbihii ka dhalay haweenay kiristan ah, uuna iyada kaga tagay wiilkiisii markii wada noolaanshahoodu soo afjarmay kadib.

Obama waa madaxweynihii 44aad ee soo mara Imbaraadooriyaddan dunida ku amar-ku-taaglaysa, waana madaxweynaha kaligii ka ah jinsiyad gaar ah (African)iyadoo  wakhti aan fogeyn si arxan darro ah madowga loogu addoonsan jiray dalkaas, balse dhacdadani waa tusaale cad oo ina tusinaysa dimuquraadiyada reer Galbeedku ku baaqaan inay kolkol waaqici ahaan u muujiyaan, dantay doonaanba haka lahaadeene.

In badan oo ka mid ah dunida Muslimiinta carab iyo cajamba, kama marna in dadyowga u dhashay dalalkaas qawmiyado ka mid ahi yihiin kuwo aan lahayn xuquuqda aasaasiyaadka ah ee muwaadinka, iskaba daa inay bulshada ka dhex muuqdaane iskaba daa inay hogaan u hanqal taagaane, balse gaaladaas caddaanka ah oo dunida ka arrimisaa waxay si cad ugu gacan haatiyeen dunida oo dhan iyagoo leh, “haddaad maraykanoowdaan darajadaad helaysaan”. 

Bullaanka dhacdadani abuuri karto:

Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxaan shaki ku jirin inay noqdaan kuwo reeba raadad culayskooda leh, kuwaas oo noqon kara:

  1. kacdoonno ka dhaca meelo badan oo dunida ka mid ah iyadoo lagu halqabsanayo guusha Obama, taasoo keeni karta dhiig data, barakac iyo khilaafaad hareeya meelo badan.
  2. Bannaanbaxyo dad badan oo dulmani ku doonayaan xuquuqdooda aasaasiga ah iyo kaalinta ay bulshada ku leeyihiin in bannaanka loosoo dhigo.
  3. Furfurnaan ku timaadda talisyo badan oo qafillo waaweyni ku jabsanaayeen.
  4. Dhiirranaan gasha dadka daneeya hogaanka iyo siyaasadda i.w.m

Cawaaqib xumada ay arintani ku reebi karto dhallaanka muslimiinta USA: 

Haddaan usoo dhaco dulucda maqaalkayga ee ah saamaynta ay arintani ku yeelan karto muslimiinta ku dhalata Maraykanka, waxaa ii muuqata inay tahay mid sababi karta arin aan la mahadin, taasoo ah inay diinta ka baxaan oo riddoobaan in badan oo ubadka muslimiinta ka mid ah, iyagoo u hanqal taagaya hadafka Obama mid la mid ah, maadaama aysan suurogal ahayn iyagoo Muslimiin ah oo diintooda haysta inay haweystaan jagadaas culayskeeda leh, dadyowgana ay dabeecad ahaan ku beeran tahay inay taqliitaan (daba-galaan) dhaqammada soo kordha haddii aysan jirin dabar adag oo xajinaya. Siiba dadyowga madow oo haatan u arka inay guul weyni usoo hoyatay, maadaama ay cagta saareen jaranjarada aqalka cad, oo laga yaabo inay soo martay wakhti hooskoodu hadduu qabto laga mayri jiray.

Soomaalida qaarkood baa ku maahmaaha “Indha quraanjo iyo caqli gaalo midna lama arko”. Iyagoo ula jeeda dhagarta gaaladu siday u fogtahay, dibin-daabyadoodana cid kastaa aysan u dareemi karin.

Aniga waxaa ii muuqata in doorashada Obama loo qorsheeyey arimo wejiyo badan leh, oo ay ka mid tahay soo xaraynta in badan oo caruurta muslimiinta ka mid ah, tirtiridda waxa loo yaqaan “Al-walaa wal baraa” oo ah is xiriirinta iyo is goynta, taaso ka mid ah mabaadida islaamka ee la’aantii diintu aysan taagnaanayn, maadaama ay tahay nuxurka Tawxiidka, muslimiintoo la jeclaado laguna xirmo, iyo gaaladoo la naco lagana go’o. 
 

Ma aha arin hadda dhacday tirtiridda Astaantan qiimaha badan, ee horay ayaa isticmaarku inoogu qulaamiyey waxyaabo kale oo lagu dhiso xiriirka iyo nacaybka, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Midabka, Luqadda, Qaaradda, Jinsiga, dhulka iyo waxyaabo kale oo aynu horay u haysannay oo qabiilku ugu weyn yahay.

Balse waxaa la oran karaa waxaa la gaaray xilli  gaaladu tallaabo weyn oo dhaqangelinta arrintaa ka mid ah hor ugu qaadeen, ayna timid markii caqiido ahaan loo cabbi lahaa astaamaha isticmaarku wax ku walaaleeyo. 
 

Maxaa la gudboon Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan kuwa Maraykanka:

Muslimiinta oo arintani si gaar ah u taabanayso maadaama ay ugu horreeyaan dadka mabaadidooda horarka lagu yahay, waxaa la gudboon waxyaabahan aan qaar hoos kuu tilmaami doonno:

  1. dardar gelinta daraasada caqiidada islaamka iyadoo laga qaadanayo ilaha asalka u ah  oo ah Kitaabka Allaah iyo Sunnada nabiga Sallalaahu calayhi wasallama, laguna fahmayo sidii saxaabada rasuulku ay u fahmeen.
  2. In ubadka muslimiinta lagu beero miizaanka ay leedahay muslimiinta oo la xiriiriyo iyo gaaladoo la gooyo, dadkanu ay walaalo ku yihiin iimaanka iyo diinta ee aysan walaalo ku ahayn midabka i.w.m
  3. In ubadka muslimiinta laga dhawro taageeridda ninkan madow taasoo sabab u noqon karta jacaylka gaalada.
  4. Inaan dhallinta muslimiinta lagu dhiirri gelin inay jagooyin u doontaan kana qabtaan dalalka gaalada, maadaama ay keeni karto diintoodii inay bedelaan si ay jagadaas u helaan.
  5. In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya jaaliyadaha muslimiinta ee ku nool dalalka gaalada, iyo xiriirka ay la leeyihiin culimada muslimiinta ee dunida islaamka joogta, si ay u xalliyaan mashaakilaadka nolosha kala soo darsa.
  6. In la tayeysiiyo xarumaha culuumta diinta lagu barto ee ku yaalla dalalka gaalada, da’yarta sidii loogu xiri lahaana laga shaqeeyo.

Maqaalkaas kooban baan jeclaystay inaan muslimiinta usoo bandhigo, runtiina markaan ninkan soo baxay arkayna igu dhalisay khatarka inaga soo wajihi karta muslimiin ahaan, ulama jeedo inaan dadka hankooda la kobcin, hadaf weyn inay tiigsadaanna lagu barbaarin, ee waxaan ula jeedaa wax kastoo diinteenna inaga duwi kara inaynu ka feejignaano, tallaabo kastana aynu fiirinno ciribteeda danbe, hadafkeenna ugu weyna uu noqdo ka fekerka sidaynu diintan qaaliga ah ugu dhiman lahayn, kuna ducaysanno ducadii nabigeennu ku ducaysan jiray “Allaahumma yaa muqallibal quluub thabbit qalbii calaa diinik”.

Wixii aan saxay Allaah baa I waafajiyey wixii aan khaldayna naftayda ayey ka ahaatay.

Wabillaahi at-tawfiiq

Walaalkiin Muxammad Cusmaan (Abuuxaazim)

abuuxaazim@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

{Jabuuti} Isbahaysiga Dib u xoraynta Somalia Maxay kaa yiraahdeen doorashadii Barack Obama ...
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta iyo xubno kale oo Is-bahaysiga ka tirsan Akhri Nov 6

obamaGuushani uu Madaxweyne Barack Obama gaaray waa mid Taariikhi ah...

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS